4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 12, 2013
Ciidamada dowladda Itoobiya oo dil iyo dhaawac ka geystay gudaha Masaajid ku yaalla Magaalada Baladweyne (SAWIRRO)


Jimco, Abriil 12, 2013 (HOL) — Ciidamada dowladda Itoobiya ayaa duhurnimadii maanta weerar ku qaaday mas’uul ka tirsanaa maamulka dowladda hoose ee degmada Baladweyne xili uu ku sii jeeday masjid ku yaala bartamaha magaalada Baladweyne.

Mas’uulka ay toogashada ku dilleen ciidamada Itoobiya oo lagu magacaabi jiray Cabdi Tuureey Axmed [Cabdi Gute]  ayaa la sheegay in maalmihii ugu danbeeyayba ay ku raad joogeen, kadib markii sida wararku sheegayaan uu marar badan ku eedeeyay ciidamada Itoobiya ay ka geystaan magaalada  falal ka dhan ah dadka rayidka ah.

Qof goob joog u  ahaa dhacdada ayaa HOL u sheegay in rag ka tirsan ciidamada dowladda Itoobiya weerar ku qaadeen mas’uulka xilli uu ku soo dhawaa masjidka, laakiin markii uu darreemay billaabay in uu ku cararo gudaha masjidka oo markii danbe ay ku dhax toogteen.

Sidoo kale, waxaa weerarka uu dhaawac ka soo gaaray Sadax ruux oo rayid ah kuwaasoo ku jira gudaha majidka, waxaana hadda dhaawacooda lagu daweynayaa isbitaalka guud ee magaalada Baladweyne.

Guddoomiyaha maamulka gobollka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo oo goor dhaw ka hadllay arinta ayaa sheegay in ay wadaan baaritaan la xiriira weerarka, isaga oo sheegay in cidii lagu hello danbiga in ay ka danbeysay la horkeeno doono sharciga, isaga oo kormeeray dhaawaca ku jira isbitaalka guud ee magaalada Baladweyne ee weerarka wax yeellada ka soo gaartay

Weerarka maanta ka dhacay bartamaha Masjidka magaalada Baladweyne ayaa argagax weyn ku abuuray dadka ku dhaqan magaalada Baladweyne oo siweyn uga xumaaday falka weerarka ah ee lagu dillay mas’uulka ka tirsanaa maamulka dowladda hoose ee degmada Baladweyne.




Hiiraan Online, News Disk