4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 1 , 2013
Wafdi ka socda Finland oo Muqdisho kula kulmay Madaxweynaha Soomaaliya iyo xubno kale oo Dowladda ka tirsan (SAWIRRO)


Isniin, Abriil 01, 2013 (HOL) — Wafdi ka socda dalka Finland ayaa maanta soo gaaray Muqdisho, iyagoo la kulmay mas’uuliyiinta dowladda oo uu ka mid yahay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxanaa kulanka oo ka dhacay xarunta madaxtooyada looga hadlay intiisa badan iskaashiga iyo xiriirka u dhexeeya Somaaliya iyo Finland.

Xubnaha wafdiga ayaa waxaa hoggaaminayay wasiirka arrimaha dibadda ee Finland, Erkki Tuomioja, iyad kulanka ay la yeesheen madaxweynaha ay goobjoog ka ahaayeen, wasiirradda arrimaah dibadda, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan, wasiirka khayraadka dalka, C/risaaq Cumar Maxamed iyo wasiiradda wasaaradda horumarinta iyo adeegga bulshada, Maryan Qaasim Axmed.

Sidoo kale, xubnaha ka socda dalka Finland ayaa waxay kala ahaayeen: wasiiradda horumarinta, Heidi Hautala iyo safiiradda dalka Finland ee Soomaaliya, Sofie Emmesberger.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wafdiga kusoo dhaweeyay madaxtooyada isagoo uga warbixiyay is-bedel ka  dhacay Soomaaliya, tan iyo markii xilka loo doortay, isagoo sheegay inay ka go’an tahay xukuumadda inay dalka Soomaaliya ka bixiso xaaladihii uu ku jiray 22-kii sano ee lasoo dhaafay si ay ugu billowdaan maalmo cusub oo ifaya.

“Waxaa ka go’an dowladda inay shan mashruuc ka hirgeliso degmooyinka dalka. Mashruucyadaas ayaa kal ah: iskuullo, isbitaallo yar-yar, saldhigyo booliis, xarunta maamulka degmadda iyo Ceel, si dadka deegaannadaas ku nool loogu faa’iidyo,” ayuu yiri madaxweyne Xasan.

Ugu dambeyn, madaxweynuhu wuxuu ka codsaday inay dowladda Finland ka qayb-qaadato dib-u-dhiska Soomaaliya. waxaa kaloo uu kaga mahad-celiyay sida sharfta leh ee ay dalkooda ugu soo dhaweeyeen shacab Soomaaliyeed ee dhibaataysan.





Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya