4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 1 , 2013
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo Maanta Maamul meel ku gaar ah u Magaacabay Gobolka Gedo (SAWIRRO)


Isniin, Abriil 01, 2013 (HOL) —Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo dib ugu soo laabtay Muqdisho kaddib socdaal laba maalmood qaatay oo uu ku tagay gobolka Gedo ayaa wuxuu soo saaray wareegto uu ku magacaabay maamul KMG ah oo uu yeesho gobolka Gedo.

Guddoomiyaha gobolka Gedo ayaa waxaa loo magacaabay, Maxamed Cabdi Kaliil oo horay xilkan u hayay, iyadoo mas’uuliyiinta kale ee maamulka guud ee gobolka iyo kan degmooyinka lagu sheegay wareegtada in dib laga soo magacaabi doono.

Wareegtada ayaa la sheegay inay dhaqan-galayso marka uu saxiixo madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo wareegtadan ay noqonayso tii ugu horreysay oo uu maamul KMG ah ugu sameeyo ra’iisul wasaaruhu gobolladii uu booqashada ku tagay bishii lasoo dhaafay.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa booqday maanta intii uusan kasoo duulin degmada Garbahaarey furumo ay ku sugan yihiin ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya, isagoo ciidamadaas kula dardaarmay inay ka hortagaan kooxaha nabadda kasoo horjeeda.

Dhanka kale, dowladda Soomaaliya iyo ururka Ahlusunna Waljamaaca ee ku sugan gobolka Gedo ayaa waxay kala saxiixdeen heshiis ay qodobbadiisu ka mid ahaayeen in ciidamada maamulka Ahlusunna ee ku sugan gobolka Gedo la qarameeyo.

Heshiiskan ayaa waxaa dhinaca dowladda Soomaaliya u saxiixay wasiirka gaashaandhigga, C/xakiiin Maxamuud Xaaji Fiqi, iyadoo dhinaca Ahlusunna uu u saxiixay, Sheekh Maxamed Xuseen Al-Qaaddi, iyadoo heshiiskan uu ka mid noqonayo heshiisyo ay dowladdu la sameysatay Ahlusunna.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa markii uu dib ugu soo laabtay Muqdisho waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay dadweyne badna iyo xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya oo isugu jiray wasiirro iyo xildhibaanno.








Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho,Soomaaliya