Hiiraan Online
Saturday, May 18, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Jimco, Sept 7 , 2012
Midowga Dhalinyarada Soomaaliyed oo Siminaar u qabtay Haweenka ku nool degmada Lafoole ee Duleedka Muqdisho
Sabti, September 08, 2012 (HOL) — Midowga Dhalinyarada Soomaaliyeed ee UYS ayaa maanta siminaar looga hadlayay gargaarka bani'aadanimada ku qabatay deegaanka Lafoole ee gobolka Shabellaha Hoose, kaasoo ay ka qayb-galeen mas'uuliyiin ka tirsan dowladda iyo saraakiil ciidan.
Ugu horreyn waxaa ka hadlay guddoomiyaha deegaanka Lafoole, C/llaahi Jaamac Siyaad oo uga mahadceliyay haya'dda UYS dadaalkeeda ku aadan horumarinta bulshada iyo wacyi-gelinta, isagoo xusay in loo baahan yahay in siminaarada ceynkan oo kale ah lagu qabto deegaanadii horay loogu barakacay oo haatan mid ka mid ah degmo loo aqoonsaday.
Waxaa uu sheegay in dhibaatooyin fara badan ay ka jirtay degmada Lafoole, xilligii ay dadka u soo barakaceen, waxaana uu xusay in gargaarka bani'aadanimda laga horistaagay dadka deegaanada u dhaxeeya Muqdisho iyo Afgooye u soo barakacay.
"Halkan markii ay joogeen Nimankii Shabaab ahaa waxaa ogtihiin inay dadka cadaadis ku hayeen, waxayna ahaayeen kuwo aan naxeyn, waxay ka wadeen lacago iyo dhaqaalo ay dadka xoog uga qaadan jireen, iyagoo dhinaca kale u diidayay gargaarka bani'aanimada"ayuu yiri C/llaahi Jaamac.
Guddoomiyaha haweenka UYS, Deeqo C/qaadir Axmed ayaa sheegtay in Lafoole ay horay u aheyd deegaan dadka ay kusoo barakaceen, isla markaana ay saameeyeen dagaaladii ka dhacay, waxaana ay tibaaxday in dadka ay u baahan yihiin gar-gaar bani'aadanimo.
"Shalay waxay dhihi jireen hay'adaha sama falka ma tagi karno Lafoole iyo deegaanada kale, maanta waa nabad waana laga xoreeyay kooxihii nabad diidka ahaa"ayay tiri Deeqo C/qaadir oo dhinaca kale ugu baaqday haweenka ku dhaqan Lafoole inay ka shaqeeyaan ammaanka iyo nabadgelyada deegaanka.
Sidoo kale waxaa ka hadlay siminaarka guddoomiye ku-xigeenka dhinaca ammaanka Lafoole, Salaad Aadan Cali oo sheegay in ammaanka degmada uu wanaagsan yahay, isla markaana ay soo dhoweynayaan in Hey'adda ay si joogta ah ugu qabato kulamada.
Mid ka mid ah waxgaradka degmada oo isna ka hadlay siminaarka ayaa sheegay in Al-Shabaab ay ka wadaan degmooyinka Gobolada in caruurta ay ka aruuriyaan Dugsiyada Quraanka, waxaana uu xusay in caruurta ay u adeegsanayaan dagaalada.
Taliyaha guutada saddexaad ee ciidamada xoogga Soomaaliya Jen. Maxamed Rooble Jimcaale (Goobaanle) ayaa sheegay in deegaanada loo barakacay ay la wareegeen dhamaadkii bishii May, waxaana uu tilmaamay in Al-Shabaab ay dadka ku beereen cabsi, isla markaana qofka ka soo hor-jeesta ay ugu hanjabayaan inay gowracayaan, isagoo ugu baaqay dadka ku nool deegaanada u dhaxeeya Muqdisho iyo Afgooye la shaqeeyaan Ciidamada dowladda.
Waxaa uu sheegay in ciidamada AMISOM aysan sii joogi doonin deegaanada, isla markaana ay ka tagayaan, waxaase uu tilmaamay in loo baahan yahay in dadka deegaanka ay ka shaqeeyaan ammaanka iyo ciidamada, waxaana uu ugu dambeyn u mahadceliyay Hey'adda UYS oo dadka isu keentay, si ay u wacyi geliso.
Ugu dambeyn waxaa siminaarka hadalo ka jeediyay ka qeyb galayaasha, gaar ahaan Haweenkii ka soo qeyb galay oo sheegay inay ku faraxsan yihiin in loo qabto siminaarkii u horeeyay oo lagu wacyi geliyo, iyagoo xusay in kulamadan ay sare u qaadayaan is dhex galka bulshada.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Post your comments
Shacabka Soomaliyeed oo rajeynaya in dalka uu geli doona xaalad ka wanaagsan midd uu hadda ku jiro kadidb doorashada Madaxweynaha
9/7/2012 5:31 AM EST
Jimco, September 07, 2012 (HOL) — Shacabka Soomaaliyeed ayaa waxay rajeynayaan inuu dalku geli doono jawi ka wanaagsan midda uu hadda ku jiro, kaddib doorashada madaxnimo ee Soomaaliya oo dhacaysa toddobaadka soo socda.
Danjire Augustine Mahiga oo Xidhibaannada Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya kula taliyay inay doortaan Hoggaamiye Aragti fog
9/7/2012 5:10 AM EST
Jimco, September 07, 2012 (HOL) — Ergayga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay uga wakiilka ah arrimaha Soomaaliya, Danjire Augustine Mahiga ayaa xildhibaannada cusub ee baarlamaanka Soomaaliya ugu baaqay inay soo doortaan hoggaamiye soo dhisi kara dowlad wanaagsan oo macquul ah sida hoggaanka mideysan ee baarlamaanka Soomaaliya.
Madaxweyne Shariif Sheekh oo Ololihiisa doorashada ka billaabay Muqdisho isagoo kulammo ku leh Madaxtooyada
9/7/2012 5:10 AM EST
Sabti, September 08, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya ee uu waqtigiisu uu sii dhammaanayo, Shariif Sheekh Axmed ayaa Muqdisho ka billaabay ololihiisa doorashada, isagoo kulammo kala duwan la leh xubno uu ka mid yahay afhayeenkii hore ee baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Dilal siyaabo kala duwan xalay uga dhacay Muqdisho iyo Qaraxyo lagu weeraray Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda
9/7/2012 5:08 AM EST
Jimco, September 07, 2012 (HOL) — Ugu yaraan toddoba qof ayaa ku dhintay qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo xalay siyaabo kala duwan uga dhacay Magaalada Muqdisho, iyadoo lagu jiro xilligii ugu dambeeyay ee doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo dhici doonta toddobaadka soo socda.
Toban Murashax oo Barnaamijkooda Siyaasadeed Maanta ka horjeedin doona xubnaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya
9/7/2012 5:06 AM EST
Jimco, September 07, 2012 (HOL) — Toban Murashax oo ka mid ah 25-ka murashax ee u tartamaya doorashada madaxweynenimo ee Soomaaliya ayaa waxay maanta ka horjeedin doonnaan xidhibaannada baarlamaanka Soomaaliya barnaamijyadooda siyaasadeed oo ay doonayaan inay dalka ku hoggaamiyaan haddii ay ku guuleystaan doorashada madaxnimo.
Madaxweynaha Mareykanka oo ogolaaday inuu Tartanka Doorashada Mareykanka uga qaybgalo Xisbigiisa Dimuqraadiga
9/7/2012 5:05 AM EST
Jimco, September 07, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Mareykanka, Barack Hussein Obama oo hadal ka jeediyay shirweynihii xisbiga Dimuqraadiga ee lagu soo gabgabeeyo magaalada Shalot ee gobolka North Carolina ayaa sheegay inuu aqbalay inuu xisbigiisa uga qaybgalo doorashada madaxnimo ee Mareykanka oo dhacaysa bisha November ee sannadkan.
Bam-gameed sababay khasaare isugu jirta Dhimasho iyo Dhaawac oo xalay ka dhacay Degmada Baydhabo ee Gobolka Bay
9/7/2012 5:03 AM EST
Jimco, September 07, 2012 (HOL) — Haweeney ayaa ku dhimatay laba qof oo kalena way ku dhaawacmeen kaddib bam-gacmeed xalay lagu weeraray goob ganacsi oo ku taalla isgoyska cunaaye ee xaafadda Bardaale ee degmada Baydhabo, iyadoo kooxaha weerarka geystay ay goobta ka baxsadeen.
Soomaalida ku Ganacsada Waddanka Koonfur Afrika oo ka cabanaya kooxo jabsanaya dukaamadooda ganacsiga habeenkii
9/7/2012 5:02 AM EST
Jimco, September 07, 2012 (HOL) — Soomaalida ku ganacsada dalka Koonfur Afrika ayaa ka cabanaya dhac xilliyada habeenkii ah ay u geystaan kooxo budad ku hubeysan, kuwaasoo ka mid ah dadka deegaannada ay ganacsiga ku haystaan, sida ay sheegeen ganacsatada Soomaaliyeed qarkood.
Somali News
Somali Parliament Prepares to Elect President
-
VOA
9/7/2012 12:19 PM EST
Somali presidential candidates are taking turns addressing parliament, as lawmakers get set to elect a new leader for the country.
S. Korean Media to End Pirate Kidnapping Blackout
-
VOA
9/7/2012 12:02 PM EST
SEOUL (VOA) — South Korean reporters say they are poised to collectively end next week a nine-month government-requested media blackout over the plight of four sailors who have been held hostage by Somali pirates.
Native of Somalia welcomed as head of relocation agency
-
Union Leader
9/7/2012 11:14 AM EST
MANCHESTER — A native of Somalia who is the new local leader of an agency that helps refugees relocate in New Hampshire wouldn't disagree with those who find New Englanders difficult to get to know.
New Hampshire: $5,000 offered for graffiti tip
-
Concordmonitor
9/7/2012 11:04 AM EST
The Concord police are offering an increased $5,000 reward for information leading to an arrest in the case of the racist graffiti that appeared last month on the home of a Somalian family on Thompson Street.
Swedish Minister of Defence He Karin Enstrom Visits EU Naval Force
-
EUNFS
9/7/2012 10:56 AM EST
The Northwood Headquarters of the European Union Naval Force Somalia - Operation Atalanta welcomed the Swedish Minister of Defence HE Karin Enstrom for a visit on Thursday 06 September.
Kenya:President Kibaki sees enlarged
-
Xinhua
9/7/2012 10:53 AM EST
NAIROBI (Xinhua) -- Kenyan President Mwai Kibaki on Tuesday said he is looking forward to the future expansion of the East Africa Community (EAC) to allow regional countries to join the economic bloc to foster peace and stability.
Finnish-Somali presidential bid stumbles over age requirement
-
YLE
9/7/2012 10:44 AM EST
According to a new interim Somali constitution, candidates for the post must be at least 40 years of age. Ibrahim is 37 and has been living in Finland for 20 years. A nurse and mother of five, she had planned to fight for the rights of girls, war widows and single mothers.
Somali forces arrest hundreds of Al-shabab suspects
-
PressTV
9/7/2012 10:33 AM EST
The Al-Shabaab fighters continue to launch spontaneous guerrilla attacks prompting the security forces to launch an all-out security operation that saw close to 400 youngsters apprehended in an early Wednesday morning swoop.
Suspected Somali pirates fire on Italian navy helicopter
-
Reuters
9/7/2012 10:23 AM EST
ROME (Reuters) - Suspected pirates opened fire on an Italian navy helicopter on patrol off the east coast of Somalia, hitting a window and slightly injuring a pilot, the force said on Friday.