Hiiraan Online
Saturday, May 25, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Arbaco, Sept 5 , 2012
Dalladda Dhallinyarada Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya ee (SOCSOYU) oo Qabtay Kulan uu ka Qayb-galay Yuusuf Garaad
Arbaco, September 05, 2012 (HOL) — Dalladda dhaliyarada bartamaha iyo Koofurta Soomaaliya (South Central Somali Youth Umbrella) ayaa kulan weyn oo uu ka qayb-galeen arday iyo dadweyne fara badan ayaawaxay ku qabteen Muqdihso.
Kulanka ay soo qabanqaabisay dalladda SOCSOYU ayaa waxaa ka qaybgalay qaar ka mid ah ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta jaamacadaha Muqdisho ka furan, waxaana kulankaas su'aalo lagu weydiiyay kulankaas Yuusu Garaad oo ka mid ah murashaxiinta u taagan xilka madaxnimo ee Soomaaliya.
Guddoomiyaha daladda dhallinyarada ee Koonfurta iyo Bartamaha dalka, Maxamed Warsame San-dhool oo kulanka furay ayaa sheegay in daladda la aasaaasay muddo aad u fog ayna qabteen howlo fara badan oo lagu wacyi-gelinayo bulshada taasoo ay ka mid tahay in lagu jiheeyo sidii ay uga qayb-qaadan lahaayeen horumarinta dalkooda.
Xildhibaan Cabdi Abshir Dhoorre oo ka mid ahaa mas'uuliyiinta jaamacadda ka mid ah kuwa ku yaalla Muqdisho in xildhibaannada baarlamaanka cusub ay ka go'an tahay inay soo doortaan hoggaamiye caddaalad ah, isla markaana ka samata-bixin kara dalka dhibaatooyinka ay ka mid tahay nabadgalyo xumada, sidoo kalena shaqooyin u abuurta dhallinyarada iyo ardayda Jaamacadaha kasoo baxaya.
Mudane Xasan Ceelaabe Faahiye oo ka mid ahaa dadkii wax ku bartay Jaamacadda ummadda Soomaaliyeed oo isagana ka hadlay kulanka ayaa sheegay inay wax ku soo barteen canshuurtii laga qaadayay shacabka Soomaaliyeed sidaa darteed ay hadda doonayaan inay gutaan waajibaadka lagu leeyahay, wuxuuna xusay inay ka go'an tahay inay la yimaadaan door muhiim ah oo ku aadan sidii dalka dhibaatada looga saari lahaa.
Sahro Macallin Bashiir oo ka mid ahayd ardaydii ka baxay Jaamacaddii Ummadda oo iyaduna kulanka ka hadashay ayaa sheegtay in haweenka Soomaaliyeed ay door muhiim ah ku leeyihiin wax ka qabashada dalka, waxayna sheegtey in 20-kii sano ee dagaalladu ka jireen dalka ay haweenku ahaayeen kuwa ka dhex-muuqda bulshada sida daryeelka qoyskooda, dib u heshiisinta, waxbarashada, waxayna ka codsatay Yuusuf Garaad inuu garab siiyo haweenka Soomaaliyeed maadaama ay ku dulman yihiin dhinaca Siyaasadda.
Ardayda wax-ka-barta Jaamcadaha Muqdisho sida: Simad, Soomaaliya, Badweynta Hindiya, Jazeera, iyo Banaadir oo kulanka ka hadlay ayaa u mahad-celiyay daladda dhallinyarada bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya, iyagoo su'aalo dhowr ah hor-dhigay Yuusuf Garaad.
“Haddii aan waayo xilka madaxwneynimo, waxaan doonyaa inaan u shaqeeyo dalka iyo dadka aniga ma ihi ruux marka uu wax waayo dib laabanayo waxaa iga go’an in aan dalka wax u qabto intii karaankeyga ah,” ayuu yiri Yuusuf Garaad oo su'aal la weydiiyay ka jawaabayay.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in haddii uu xilka madaxnimada dalka ku guuleysto uu horumarin doono waxbarashada jaamacadaha dalka, sidoo kalena uu dhallinyarada u abuuri doono shaqooyin.
Su'aal ahayd inuu wadahadal la furayo Al-shabaab iyo in kale ayaan si cad jawaab uga bixin, balse wuxuu sheegay inuu dhallinyarada Soomaaliyeed ah ee Al-shabaab ka tirsan uu ugu baaqayo inay hubka dhigaan, kuwa shisheeyaha ahna ay dalka ka baxaan.
Kulankan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo toddobaadka soo socda lagu wado inay ka dhacdo Muqdisho doorashada madaxweynenimo ee Soomaaliya oo xubnaha sida rasmiga ah ugu taagan ay caga-cageynayaan 37 xubnood.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Post your comments
Guddiga Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo Shaaciyay Magacyada Murashaxiin Buuxiyay Shuruudihii looga baahnaa
9/5/2012 12:13 PM EST
Arbaco, September 05, 2012 (HOL) — Guddiga doorashada madaxweynaha Somalia ayaa maanta shaaciyay magacyada murashaxiin buuxiyay shuruudihii looga baahnaa kuwaasoo ka mid ah 37 xubnood oo illaa iyo hadda gudbiyay araajidooda.
Guddoomiyaha Xisbiga UDUB oo kasoo horjeestay go’aan lagu diiday Murashaxiin ay u xusheen ka qaybgalka doorashada Somaliland
9/5/2012 8:49 AM EST
Arbaco, September 05, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee UDUB, Daahir Rayaale Kaahin ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay qoraal kasoo baxay guddida diiwaangelinta doorashooyinka madaxweynenimo ee Somaliland oo sharci-daro ku tilmaamay shirkii lagu doortay musharaxiinta doorshada madaxweynenimo ee Somaliland uga qaybgeli doona xisbiga UDUB oo kala ah, Cali Waran-Cadde iyo Axmed Xaaji Daahir.
Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo qabsaday deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada dhexe
9/5/2012 8:27 AM EST
Arbaco, September 05, 2012 (HOL) — Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ayaa sheegay maanta in ciidamadooda ay la wareegeen deegaanno ku yaalla xeebta bad-weynta Hindiya oo ay ka mid tahay Ceel-macaan oo ay ku taallo dekeda macmal ah oo ay sheegeen in Al-shabaab ay u isticmaali jirtay inay kala soo dagaan hbka iyo dagaalyahannada ajnabiga ah.
Madaxweynaha Somaliland: “Waan soo dhaweyneynaa ciddii kusoo baxda Doorashada Madaxweynenimo ee dalka Soomaaliya"
9/5/2012 3:58 AM EST
Arbaco, September 05, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo shalay galabta ku laabtay magaalada Hargeysa kaddib ka qaybgalkii aaskii ra'iisul wasaarihii hore ee Itoobiya Meles Zenawi ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan cid walba oo kusoo baxda doorashada madaxweynenimo ee Soomaaliya.
Wararkii ugu dambeeyay Xaalada Deegaannadii uu ka kacay dabka Khasaaraha badan geystay ee Gobolka Hiiraan
9/5/2012 3:19 AM EST
Arbaco, September 05, 2012 (HOL) — Dadka ku dhaqan degmooyinka Maxaas iyo Moqokori 24-kii saac ee la soo dhaafay waxaa ay ku jireen gurmad xoog leh oo la xiriir bal sidii wax badan looga ogaan lahaa ugu danbeytii khasaaraha uu sababay dab habeen hore qabsaday dhul howd ah oo u dhaxeeya labada degmo.
Markab laga leeyahay dalka Kenya oo duqeeyay Dekedda iyo Garoonka Kismaayo iyo dad badan oo degmadaas ka Qaxaya
9/5/2012 3:14 AM EST
Arbaco, September 05, 2012 (HOL) — Markab dagaal oo laga leeyahay dalka Kenya ayaa duqeeyay Talaadadii shalay dekedda iyo garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo oo ah xarunta gobolka Jubbada Hoose, xilli ay degmadaas uga qaxayaan dagaallada awgood dad fara badan.
Dagaal culus oo Degmada Garbahaarey ku dhexmaray Ciidammada Dowladda Somalia iyo Xoogagga Xarakada Al-shabaab
9/5/2012 3:14 AM EST
Arbaco, September 05, 2012 (HOL) — Ugu yaraan lix qof oo ay ku jiraan labadii dhinac ee dagaalamay ayaa ku dhintay dagaal culus oo xalay saqdii dhexe gudaha degmada Garbahaarey ku dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogagga Al-shabaab.
Somali News
EU forces attack Somali pirates on land for first time
-
MSNBC
9/5/2012 11:38 AM EST
Europe's naval force patrolling off the coast East Africa said on Tuesday it had attacked Somali pirate installations on land, the first time it had conducted such an action since extending its remit from strictly to sea-based operations.
AMISOM shelling may kill senior Al-Shabaab officer
-
Xinhua
9/5/2012 11:35 AM EST
NAIROBI, Sept. 5 (Xinhua) -- The Africa Union Mission in Somalia (AMISOM) had heavily fired shells near the southern strategic port city of Kismayo, a military spokesman confirmed Wednesday, amid reports of the killing of a senior Al-Shabaab officer.
Mogadishu mayor calls for youth participation
-
Sabahi
9/5/2012 11:31 AM EST
Mogadishu Mayor Mohamed Ahmed Nur has called on Somali youth to participate in furthering the country's future, Somalia's Radio Kulmiye reported Monday (September 3rd).
Somali man arrested in Decatur for exposing himself to group of juveniles
-
Huntsville Time
9/5/2012 11:29 AM EST
DECATUR, Alabama - A Somalia citizen living here legally was arrested Wednesday for exposing himself to a group of juveniles, Decatur police said in a news release.
Kenya's airstrike kills dozens in Somalia
-
PressTV
9/5/2012 11:26 AM EST
Kenyan war planes have attacked a military base, run by Somalia’s al-Shabab fighters in Kismayo sea port, killing dozens of people, Press TV reports.
Somalia’s al-Shabab execute two men
-
AfricaNews
9/5/2012 11:23 AM EST
Somalia's most powerful Islamist rebel group al-Shabab on Tuesday executed two men, accusing them to be spies for the country's federal government forces, in a southern seaport city of Barawe. The victims identified as Abdinasir Abdi Elmi, 17 and his co-accused Abdikadir Dahir Isman, 20, were tied to a pole at the centre of the town while in masked, before they were finally shot to dead.
U.N.: Mercenary soldiers in Somalia
-
UPI
9/5/2012 11:21 AM EST
MOGADISHU, Somalia, Sept. 4 (UPI) -- A former South African mercenary now living in Australia is running a private army for the breakaway Somali region of Puntland, the United Nations says.
Somalia troops step up attacks
-
PressTV
9/5/2012 11:20 AM EST
Somali forces backed by AMISOM troops have seized the Somali port town of Marka from Al-Shabaab fighters as part of the operation dubbed ‘Free Shabelle’. Marka town, located 90 kilometers south of the Somali capital Mogadishu, has been under the rule of the Al-Shabaab since November 2008.
Somalia: Residents Flee Rebel-Held City as Kenyan Ground Troops Approach
-
AP
9/5/2012 11:19 AM EST
Hundreds of residents have fled the southern port of Kismayo after the Kenyan Navy shelled the town in preparation for a ground operation to capture it, officials and residents said Tuesday. Kismayo is the main remaining stronghold of the Shabab, a rebel group linked to Al Qaeda. Residents say the militants have ordered them not to leave Kismayo, but the prospect of being caught in a war between the militants and the Kenyan forces is outweighing whatever brutal punishment they could get for disobeying.
Somali Presidential Election Commission begins receiving candidates' applications
-
Sabahi
9/5/2012 11:18 AM EST
The Somali Presidential Election Commission announced that it began receiving candidates' application materials on Monday (September 3rd), UN-funded Radio Bar-Kulan reported.
Residents Flee Shelled Somali Port Town
-
AP
9/5/2012 2:11 AM EST
MOGADISHU, Somalia (AP) - Hundreds of residents have fled the southern Somali port of Kismayo after the Kenyan navy shelled the town ahead of an expected ground operation to capture it, officials and residents said Tuesday.