Hiiraan Online
Wednesday, May 22, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Arbaco, Sept 5 , 2012
Madaxweynaha Somaliland: “Waan soo dhaweyneynaa ciddii kusoo baxda Doorashada Madaxweynenimo ee dalka Soomaaliya"
Arbaco, September 05, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo shalay galabta ku laabtay magaalada Hargeysa kaddib ka qaybgalkii aaskii ra'iisul wasaarihii hore ee Itoobiya Meles Zenawi ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan cid walba oo kusoo baxda doorashada madaxweynenimo ee Soomaaliya.
Madaxweynaha oo ka dagay garoonka Hargeysa ayaa qolka nasashadda kula hadlay warbaahinta isagoo ka hadlay safarkii uu kaga qaybgalay aaskii Zenawi iyo sidoo kale doorashada madaxweynenimo ee dalka Soomaaliya.
“Aniga iyo weftigii aan hoggaaminayay waxaanu ka qayb-galay aaskii Males Zanawi oo dhawaan geeriyooday oo aaskiisa dunida oo dhan waa la isaga yimid,” ayuu yiri Siilaanyo oo intaas ku daray: “Itoobiya waa dal aynu jaar nahay. Waa dalka ay ku taallo xaruntii midowga Afrika. Waana dal aynu saaxiib nahay oo xiriir wanaagsani naga dhaxeeyo.”
“Ra'iisul wasaarihii Itoobiya wuxuu ahaa nin aynu in badan kulannay, waxaa innaga dhaxeeyay xiriir gaar ah. Waxaanu ahaa mid aad iyo aad inoogu roonaa oo aynu saaxiib ahayn. Tacsidaasi ayaanu ka qayb-galay innagoo ka wakiil ah shacbiga Somaliland,” ayuu raaciyay.
Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay in doorashadda madaxweynenimo ee ka dhacaysa magaalada Muqdisho ay tahay mid u taalla shacabka Soomaaliya, balse aanay khuseyn Somaliland, sidaa darteedna ay ixtiraamayaan ciddii doorashadaas kusoo baxda, isagoo arrintaasi si kooban uga hadlayayna wuxuu yidhi: “Doorashada madaxweynenimo ee dalka Somaliya waa mid u taalla shacabka waddankaas, laakiin Somaliland way ku ixtiraamaysaa ciddii ay dooranayaan.”
Madaxweynaha iyo weftigiisa waxa madaarka Hargeysa kaga hortagay Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirro, masuuliyiinta hay’adaha dawlada, hoggaanka xisbiga KULMIYE iyo xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka wakiiladda iyo guurtida.
Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
barkhadladiif@hiiraan.com
Hargeysa, Somaliland
Post your comments
Guddiga Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo Shaaciyay Magacyada Murashaxiin Buuxiyay Shuruudihii looga baahnaa
9/5/2012 12:13 PM EST
Arbaco, September 05, 2012 (HOL) — Guddiga doorashada madaxweynaha Somalia ayaa maanta shaaciyay magacyada murashaxiin buuxiyay shuruudihii looga baahnaa kuwaasoo ka mid ah 37 xubnood oo illaa iyo hadda gudbiyay araajidooda.
Guddoomiyaha Xisbiga UDUB oo kasoo horjeestay go’aan lagu diiday Murashaxiin ay u xusheen ka qaybgalka doorashada Somaliland
9/5/2012 8:49 AM EST
Arbaco, September 05, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee UDUB, Daahir Rayaale Kaahin ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay qoraal kasoo baxay guddida diiwaangelinta doorashooyinka madaxweynenimo ee Somaliland oo sharci-daro ku tilmaamay shirkii lagu doortay musharaxiinta doorshada madaxweynenimo ee Somaliland uga qaybgeli doona xisbiga UDUB oo kala ah, Cali Waran-Cadde iyo Axmed Xaaji Daahir.
Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo qabsaday deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada dhexe
9/5/2012 8:27 AM EST
Arbaco, September 05, 2012 (HOL) — Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ayaa sheegay maanta in ciidamadooda ay la wareegeen deegaanno ku yaalla xeebta bad-weynta Hindiya oo ay ka mid tahay Ceel-macaan oo ay ku taallo dekeda macmal ah oo ay sheegeen in Al-shabaab ay u isticmaali jirtay inay kala soo dagaan hbka iyo dagaalyahannada ajnabiga ah.
Dalladda Dhallinyarada Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya ee (SOCSOYU) oo Qabtay Kulan uu ka Qayb-galay Yuusuf Garaad
9/5/2012 7:16 AM EST
Arbaco, September 05, 2012 (HOL) — Dalladda dhaliyarada bartamaha iyo Koofurta Soomaaliya (South Central Somali Youth Umbrella) ayaa kulan weyn oo uu ka qayb-galeen arday iyo dadweyne fara badan ayaa waxay ku qabteen Muqdihso.
Wararkii ugu dambeeyay Xaalada Deegaannadii uu ka kacay dabka Khasaaraha badan geystay ee Gobolka Hiiraan
9/5/2012 3:19 AM EST
Arbaco, September 05, 2012 (HOL) — Dadka ku dhaqan degmooyinka Maxaas iyo Moqokori 24-kii saac ee la soo dhaafay waxaa ay ku jireen gurmad xoog leh oo la xiriir bal sidii wax badan looga ogaan lahaa ugu danbeytii khasaaraha uu sababay dab habeen hore qabsaday dhul howd ah oo u dhaxeeya labada degmo.
Markab laga leeyahay dalka Kenya oo duqeeyay Dekedda iyo Garoonka Kismaayo iyo dad badan oo degmadaas ka Qaxaya
9/5/2012 3:14 AM EST
Arbaco, September 05, 2012 (HOL) — Markab dagaal oo laga leeyahay dalka Kenya ayaa duqeeyay Talaadadii shalay dekedda iyo garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo oo ah xarunta gobolka Jubbada Hoose, xilli ay degmadaas uga qaxayaan dagaallada awgood dad fara badan.
Dagaal culus oo Degmada Garbahaarey ku dhexmaray Ciidammada Dowladda Somalia iyo Xoogagga Xarakada Al-shabaab
9/5/2012 3:14 AM EST
Arbaco, September 05, 2012 (HOL) — Ugu yaraan lix qof oo ay ku jiraan labadii dhinac ee dagaalamay ayaa ku dhintay dagaal culus oo xalay saqdii dhexe gudaha degmada Garbahaarey ku dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogagga Al-shabaab.
Somali News
EU forces attack Somali pirates on land for first time
-
MSNBC
9/5/2012 11:38 AM EST
Europe's naval force patrolling off the coast East Africa said on Tuesday it had attacked Somali pirate installations on land, the first time it had conducted such an action since extending its remit from strictly to sea-based operations.
AMISOM shelling may kill senior Al-Shabaab officer
-
Xinhua
9/5/2012 11:35 AM EST
NAIROBI, Sept. 5 (Xinhua) -- The Africa Union Mission in Somalia (AMISOM) had heavily fired shells near the southern strategic port city of Kismayo, a military spokesman confirmed Wednesday, amid reports of the killing of a senior Al-Shabaab officer.
Mogadishu mayor calls for youth participation
-
Sabahi
9/5/2012 11:31 AM EST
Mogadishu Mayor Mohamed Ahmed Nur has called on Somali youth to participate in furthering the country's future, Somalia's Radio Kulmiye reported Monday (September 3rd).
Somali man arrested in Decatur for exposing himself to group of juveniles
-
Huntsville Time
9/5/2012 11:29 AM EST
DECATUR, Alabama - A Somalia citizen living here legally was arrested Wednesday for exposing himself to a group of juveniles, Decatur police said in a news release.
Kenya's airstrike kills dozens in Somalia
-
PressTV
9/5/2012 11:26 AM EST
Kenyan war planes have attacked a military base, run by Somalia’s al-Shabab fighters in Kismayo sea port, killing dozens of people, Press TV reports.
Somalia’s al-Shabab execute two men
-
AfricaNews
9/5/2012 11:23 AM EST
Somalia's most powerful Islamist rebel group al-Shabab on Tuesday executed two men, accusing them to be spies for the country's federal government forces, in a southern seaport city of Barawe. The victims identified as Abdinasir Abdi Elmi, 17 and his co-accused Abdikadir Dahir Isman, 20, were tied to a pole at the centre of the town while in masked, before they were finally shot to dead.
U.N.: Mercenary soldiers in Somalia
-
UPI
9/5/2012 11:21 AM EST
MOGADISHU, Somalia, Sept. 4 (UPI) -- A former South African mercenary now living in Australia is running a private army for the breakaway Somali region of Puntland, the United Nations says.
Somalia troops step up attacks
-
PressTV
9/5/2012 11:20 AM EST
Somali forces backed by AMISOM troops have seized the Somali port town of Marka from Al-Shabaab fighters as part of the operation dubbed ‘Free Shabelle’. Marka town, located 90 kilometers south of the Somali capital Mogadishu, has been under the rule of the Al-Shabaab since November 2008.
Somalia: Residents Flee Rebel-Held City as Kenyan Ground Troops Approach
-
AP
9/5/2012 11:19 AM EST
Hundreds of residents have fled the southern port of Kismayo after the Kenyan Navy shelled the town in preparation for a ground operation to capture it, officials and residents said Tuesday. Kismayo is the main remaining stronghold of the Shabab, a rebel group linked to Al Qaeda. Residents say the militants have ordered them not to leave Kismayo, but the prospect of being caught in a war between the militants and the Kenyan forces is outweighing whatever brutal punishment they could get for disobeying.
Somali Presidential Election Commission begins receiving candidates' applications
-
Sabahi
9/5/2012 11:18 AM EST
The Somali Presidential Election Commission announced that it began receiving candidates' application materials on Monday (September 3rd), UN-funded Radio Bar-Kulan reported.
Residents Flee Shelled Somali Port Town
-
AP
9/5/2012 2:11 AM EST
MOGADISHU, Somalia (AP) - Hundreds of residents have fled the southern Somali port of Kismayo after the Kenyan navy shelled the town ahead of an expected ground operation to capture it, officials and residents said Tuesday.