Sunday, May 26, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 4 , 2012
Shaqaalihii Isbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa oo shaqooyinkoodii u joojiyay sababo la xiriira Mushaaraad
Talaado, September 04, 2012 (HOL) — Shaqaalaha Cusbitaalka guud ee magaaladda Hargeysa, ayaa sheegay inay shaqooyinkii ay hayeen Cisbitaalka ay joojiyeen, isla markaana si weyn uga cawday mushahar loo balanqaaday oo laga musuqmaasuqay.

Shaqaalahan sheegay inay shaqooyinkii ay joojiyeen ilaa inta loo fulinayo balanqaadkoodii ahaa in mushaharka loo kordhiyo, maadaama oo shaqaalaha cisbitaalka guud iyo cisbitaalada gaarka loo leeyahay isku mushahar ku shaqayn, isla markaana saacado badan ay shaqeeyaan oo aanay lahayn wax fasax ah.

Shaqaalahan waxay arrimahan ku eedeeyeen agaasimaha guud ee cisbitaalka Axmed Askar oo ay ku tilmaameen inuu mushaharkoodii kala habsaamo, isla markaana gunooyinkoodina uu ka jaray, balanqaadkii ahaaa in mushaharka loo kordhinaya aan samayn, taasina ay tahay bay yidhaadheen mid xaquuqdoodii la musuqmaasuqayo.

Sidoo kale, waxay shaqaaluhu sheegeen in agaasimuhu uu amar ku bixiyay in qof walba uu shaqeeyo 12 Saac, isla markaana aan lagu arki Karin shaqooyin gaar ah, Fasaxuna uu ahaado oo kaliya maalinta Jimcaha.

Tallaabadan uu Agaasimuhu qaaday ayey shaqaaluhu ku sheegeen inay hawlihii caafimaad ee cisbitaalka ka wadeen ay hakinayso, isla markaana ay keeni karto inay shaqaaluhu meelo kale u shaqo tagaan, sidoo kale waxay sheegeen in cisbitaalku uu dakhli badan soo saaro, balse ay iyagu ka aradan yihiin dhaqaalahaasi soo galla.

Talaabadan ay ku kaceen hawl-wadeenada caafimaadka ee cisbitaalka ayaa dhibaato waxay u keenaysaa bukaankii ku jiray cisbitaalka ee u baahnaa hawlaha caafimaad.

Inta badan agaasimeyaasha guud ee loo soo magacaabo cisbitaalka guud ee magaaladda Hargeysa, ayaan ku raagin oo markay muddo joogaanba laga bedelaa, taasina waxay keentaa hakad ku yimaadda hawlaha caafimaad ee uu cisbitaalku uu u hayey dadweynaha.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
barkhadladiif@hiiraan.com
Hargeysa, Somaliland





Post your comments

9/4/2012 10:21 AM EST
Talaado, September 04, 2012 (HOL) — Munaasabad si heer sare loosoo agaasimay oo dib loogu furayay iskoolka indhoolayaasha ee Al-nuur ayaa maanta waxa lagu qabtay xarunta iskoolkaas oo ku taalla degmada Hodan, gaar ahaan xaafadda KPP ee magaalada Muqdisho.

9/4/2012 9:02 AM EST
Talaado, September 04, 2012 (HOL) — Xaaladda gobolka jubada hoose ayaa mudooyinkii u danbeeyayba ahayd mid aad u kacsan kadib markii ciidamada dowladda KMG oo kaashanaya kuwa AMISOM ay u dhaqaaqeen sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose.

9/4/2012 8:50 AM EST
Talaado, September 04, 2012 (HOL) — Xafiiska Itoobiya ku leedahay magaaladda Hargeysa, ayaa war-murtiyeed ay soo saareen ku sheegay geeridii dhowaanta ku Timid Ra’isal wasaarahoodii Meles Zanawi, waxaanay dadweynaha reer Somaliland uga mahadceliyeen sida ay uga xumaadeen geeridii ku timid Ra’isal wasaarahooddii hore ee Meles Zanawi.

9/4/2012 8:34 AM EST
Talaado, September 04, 2012 (HOL) — Murashaxiinta madaxweyne ee gudbiyay araajidooda ayaa waxay tiradoodu maraysaa 31 xubnood, iyadoo aysan ku jirin xubnahaas madaxda dowladda Soomaaliya ee uu waqtigeedu dhammaanayo.

9/4/2012 6:29 AM EST
Talaado, September 04, 2012 (HOL) — Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dab khasaare xooggan geystay oo xalay ka kacay dhul howd ah oo ku yaala deegaanno hoos taga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan.

9/4/2012 4:31 AM EST
Talaado, September 04, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa laba ruux oo ay ku sheegeen inay basaasiin u ahaayeen dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ku toogtay degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada hoose, halkaasoo haatan u ah saldhig weyn kaddib markii ay isaga baxeen degmada Marko toddobaadkii hore.

9/4/2012 4:20 AM EST
Talaado, September 04, 2012 (HOL) — Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka, Jen. C/kariin Yuusuf Aadan (Dhego-badan) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada milateriga iyo saraakiisha hoggaaminayaba aysan wax lug ah ku lahayn siyaasadda socota, ayna la shaqeyn doonaan xukuumaddii timaadda.

9/4/2012 4:05 AM EST
Talaado, September 04, 2012 (HOL) — Murashaxiin ka badan toban ayaa waxay u tanaasuleen murashax ay isbahaysi qura kuwada jiraan, kaddib kulan ay Muqdisho ku yeesheen, waxaana murashaxiintan ay sheegeen inay taageerayaan murashaxa ay u tanaasuleen.

9/4/2012 3:50 AM EST
Talaado, September 04, 2012 (HOL) — Wararka laga hellayo deegaannka Moqokori ee gobollka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay uu dab xoog leh ka kacay dhul keymo oo ku dhirirsan deegaanno hoos taga Moqokori, kaasoo inta la og-yahay geystay khasaare naf iyo maalba leh.