Saturday, May 25, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 4 , 2012
Waa sidee Xaaladda Gobolka Jubbada Hoose oo ay Maalmihii ugu Danbeeyay ka Jireen Xiisado iyo Abaabullo Dagaal?
Talaado, September 04, 2012 (HOL) — Xaaladda gobolka jubada hoose ayaa mudooyinkii u danbeeyayba ahayd mid aad u kacsan kadib markii ciidamada dowladda KMG oo kaashanaya kuwa AMISOM ay u dhaqaaqeen sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose.

Maalmihii ugu danbeeyay ayaa waxa ay dagaallo culus ka dhacayeen deegaan lagu magacaabo Miido oo hoostaga degmada Afmadow halkaasoo ay isku horfadhiyaan ciidamada huwanta ah iyo xoogagga Al-shabaab, waxaana dagaalyahannada Al-shabaab ay halkaasi ka sameysteen difaacyo aad u adag oo hakad geliyay duulaankii ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku doonayeen in ay ku qabsadaan Kismaayo.

Xaaladda goobaha ay isku horfadhiyaan ciidamada ayaa lagu soo waramayaa in ay weli tahay mid aad u kacsan, iyadoona labada dhinac ay is weeydaarsanayaan madaafiic culculus.

Saraakiil u hadashay ciidamada dowladda ayaa sheegay in ciidamadooda iyo kuwa Kenya ay ka go’antahay in ay gacanta ku dhigaan magaalada Kismaayo oo ay siweyn ugu xoogganyihiin dagaalyahannada Al-shabaab.

Xaaladda magaalada Kismaayo ayaa ah mid aad u kacsan, iyadoona siweyn looga dareemayaa xiisadaha ka taagan gobolka, waxaana saaka laga maqlayay xaafado katirsan magaalada Kismayo daryanka madaafiic aan ilaa imika la garanayn wax ay ahaayeen walow maalmihii ugu danbeeyay ay gobolka ka dhacayeen duqeymo ay geysanayeen maraakiib dagaal iyo diyaarado ay leedahay dowladda Kenya.

Dhanka kale wararka aynu ka heleyno deegaanka Dhoobley ee  dhaca soohdinta u dhexeysa dalalka Kenya iyo Soomaaliya ayaa sheegaya in shalay ilaa maanta ay dowladda Kenya kasoo talaabisay soohdinta ay la wadaagto Soomaaliya ee dhanka jubooyinka ciidamo aad u tiro badan islamarkaasina ku qalabeysan hubka noocyadiisa kala duwan iyo taangiyada dagaalka, kuwaasoo la filayo in ay ka qeybqaadan doonaan dadaalka ay dowladda Kenya ugu jirto qabashada magaalada Kismaayo.

Iskusoo wada duuboo xaaladda guud ee gobollada jubooyinka ayaa ah mid ay siweyn u saameeyeen xiisadaha dagaal ee u dhexeeya ciidamada huwanta ah iyo Al-shabaab, waxaana degmooyinka qaar ka bilowday barakac xooggan oo ay sameynayaan dadka shacabka ah ee ku dhaqan goobahaasi, kuwaasoo ka cabsi qaba in ay waxyeelo kasoo gaarto dirirta u dhexeysa dhinacyada isku haya Jubooyinka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
hnur@hiiraan.com
Kismaayo, Soomaaliya




Post your comments

9/4/2012 10:22 AM EST
Talaado, September 04, 2012 (HOL) — Shaqaalaha Cusbitaalka guud ee magaaladda Hargeysa, ayaa sheegay inay shaqooyinkii ay hayeen Cisbitaalka ay joojiyeen, isla markaana si weyn uga cawday mushahar loo balanqaaday oo laga musuqmaasuqay.

9/4/2012 10:21 AM EST
Talaado, September 04, 2012 (HOL) — Munaasabad si heer sare loosoo agaasimay oo dib loogu furayay iskoolka indhoolayaasha ee Al-nuur ayaa maanta waxa lagu qabtay xarunta iskoolkaas oo ku taalla degmada Hodan, gaar ahaan xaafadda KPP ee magaalada Muqdisho.

9/4/2012 8:50 AM EST
Talaado, September 04, 2012 (HOL) — Xafiiska Itoobiya ku leedahay magaaladda Hargeysa, ayaa war-murtiyeed ay soo saareen ku sheegay geeridii dhowaanta ku Timid Ra’isal wasaarahoodii Meles Zanawi, waxaanay dadweynaha reer Somaliland uga mahadceliyeen sida ay uga xumaadeen geeridii ku timid Ra’isal wasaarahooddii hore ee Meles Zanawi.

9/4/2012 8:34 AM EST
Talaado, September 04, 2012 (HOL) — Murashaxiinta madaxweyne ee gudbiyay araajidooda ayaa waxay tiradoodu maraysaa 31 xubnood, iyadoo aysan ku jirin xubnahaas madaxda dowladda Soomaaliya ee uu waqtigeedu dhammaanayo.

9/4/2012 6:29 AM EST
Talaado, September 04, 2012 (HOL) — Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dab khasaare xooggan geystay oo xalay ka kacay dhul howd ah oo ku yaala deegaanno hoos taga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan.

9/4/2012 4:31 AM EST
Talaado, September 04, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa laba ruux oo ay ku sheegeen inay basaasiin u ahaayeen dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ku toogtay degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada hoose, halkaasoo haatan u ah saldhig weyn kaddib markii ay isaga baxeen degmada Marko toddobaadkii hore.

9/4/2012 4:20 AM EST
Talaado, September 04, 2012 (HOL) — Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka, Jen. C/kariin Yuusuf Aadan (Dhego-badan) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada milateriga iyo saraakiisha hoggaaminayaba aysan wax lug ah ku lahayn siyaasadda socota, ayna la shaqeyn doonaan xukuumaddii timaadda.

9/4/2012 4:05 AM EST
Talaado, September 04, 2012 (HOL) — Murashaxiin ka badan toban ayaa waxay u tanaasuleen murashax ay isbahaysi qura kuwada jiraan, kaddib kulan ay Muqdisho ku yeesheen, waxaana murashaxiintan ay sheegeen inay taageerayaan murashaxa ay u tanaasuleen.

9/4/2012 3:50 AM EST
Talaado, September 04, 2012 (HOL) — Wararka laga hellayo deegaannka Moqokori ee gobollka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay uu dab xoog leh ka kacay dhul keymo oo ku dhirirsan deegaanno hoos taga Moqokori, kaasoo inta la og-yahay geystay khasaare naf iyo maalba leh.