Wednesday, June 19, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 4 , 2012
Xarakada Al-shabaab oo Degmada Baraawe ku Toogtay laba ruux oo ay ku sheegeen inay basaasiin u ahaayeen AMISOM
Talaado, September 04, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa laba ruux oo ay ku sheegeen inay basaasiin u ahaayeen dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ku toogtay degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada hoose, halkaasoo haatan u ah saldhig weyn kaddib markii ay isaga baxeen degmada Marko toddobaadkii hore.

Labadan ruux oo dilkoodu uu dhacay shalay gallinkii dambe ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Cabdinaasir Cilmi Cabdi oo 17-jir ahaa iyo Cabdulqaadir Daahir Cismaan oo 20-jir ahaa.

Maxkamadda Al-shabaab ee xukunka dilka ah ku riday labadan dhallinyarada ah ee Soomaaliyeed ayaa waxay sheegtay in muddo dheer ay ku jireen gacantooda mid ka mid ahna laga soo qabtay isgoyska Ex-koontarool Afgooye, halka midka kalena laga soo qabtay deegaanka Caymiska ee degmada Yaaqshiid.

"Labadan ruux waxay jawaasiis u ahaayeen cadowga Alle, Waxaana C/naasir laga soo qabtay deegaanka Caymiska isagoo howlo basaasnimo ah ku jira, sidoo kale C/qaadir ayaa laga soo qabtay Ex-koontarool Afgooye isagoo shacabka muslimka ah basaasayay," ayuu yiri garsoorihii xukumay labadan wiil ee dhalinyarada ah.

Dadweyne fara badan ayaa isaguu soo baxay halkii uu dilkoodu ka dhacay, iyadoo la diiday in sawirro laga qaado; balse goobjoogayaal ayaa sheegay in labadan wiil indhaha laga xiray dabadeedna ay toogteen dhallinyaro kale oo bastoolado ku hubeysnaa.

Ma ahan markii ay Al-shabaab dhallinyaro ay ku eedeeyeen inay basaasiin ahaayeen ku toogtaan gobolka Shabeellada hoose, balse bishii hore ayay ahayd markii laba qof ay ku toogteen degmada Marko kuwaasoo ay ku eedeeyeen inay ahaayeen basaasiin.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya





Post your comments

9/4/2012 10:22 AM EST
Talaado, September 04, 2012 (HOL) — Shaqaalaha Cusbitaalka guud ee magaaladda Hargeysa, ayaa sheegay inay shaqooyinkii ay hayeen Cisbitaalka ay joojiyeen, isla markaana si weyn uga cawday mushahar loo balanqaaday oo laga musuqmaasuqay.

9/4/2012 10:21 AM EST
Talaado, September 04, 2012 (HOL) — Munaasabad si heer sare loosoo agaasimay oo dib loogu furayay iskoolka indhoolayaasha ee Al-nuur ayaa maanta waxa lagu qabtay xarunta iskoolkaas oo ku taalla degmada Hodan, gaar ahaan xaafadda KPP ee magaalada Muqdisho.

9/4/2012 9:02 AM EST
Talaado, September 04, 2012 (HOL) — Xaaladda gobolka jubada hoose ayaa mudooyinkii u danbeeyayba ahayd mid aad u kacsan kadib markii ciidamada dowladda KMG oo kaashanaya kuwa AMISOM ay u dhaqaaqeen sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose.

9/4/2012 8:50 AM EST
Talaado, September 04, 2012 (HOL) — Xafiiska Itoobiya ku leedahay magaaladda Hargeysa, ayaa war-murtiyeed ay soo saareen ku sheegay geeridii dhowaanta ku Timid Ra’isal wasaarahoodii Meles Zanawi, waxaanay dadweynaha reer Somaliland uga mahadceliyeen sida ay uga xumaadeen geeridii ku timid Ra’isal wasaarahooddii hore ee Meles Zanawi.

9/4/2012 8:34 AM EST
Talaado, September 04, 2012 (HOL) — Murashaxiinta madaxweyne ee gudbiyay araajidooda ayaa waxay tiradoodu maraysaa 31 xubnood, iyadoo aysan ku jirin xubnahaas madaxda dowladda Soomaaliya ee uu waqtigeedu dhammaanayo.

9/4/2012 6:29 AM EST
Talaado, September 04, 2012 (HOL) — Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dab khasaare xooggan geystay oo xalay ka kacay dhul howd ah oo ku yaala deegaanno hoos taga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan.

9/4/2012 4:20 AM EST
Talaado, September 04, 2012 (HOL) — Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka, Jen. C/kariin Yuusuf Aadan (Dhego-badan) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada milateriga iyo saraakiisha hoggaaminayaba aysan wax lug ah ku lahayn siyaasadda socota, ayna la shaqeyn doonaan xukuumaddii timaadda.

9/4/2012 4:05 AM EST
Talaado, September 04, 2012 (HOL) — Murashaxiin ka badan toban ayaa waxay u tanaasuleen murashax ay isbahaysi qura kuwada jiraan, kaddib kulan ay Muqdisho ku yeesheen, waxaana murashaxiintan ay sheegeen inay taageerayaan murashaxa ay u tanaasuleen.

9/4/2012 3:50 AM EST
Talaado, September 04, 2012 (HOL) — Wararka laga hellayo deegaannka Moqokori ee gobollka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay uu dab xoog leh ka kacay dhul keymo oo ku dhirirsan deegaanno hoos taga Moqokori, kaasoo inta la og-yahay geystay khasaare naf iyo maalba leh.