Sunday, May 19, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 4 , 2012
Jen. Dhego-badan oo sheegay inaysan Siyaasadda socota wax lug ah ku lahayn ayna la shaqeynayaan hoggaamiyihii lasoo doorto
Talaado, September 04, 2012 (HOL) — Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka, Jen. C/kariin Yuusuf Aadan (Dhego-badan) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada milateriga iyo saraakiisha hoggaaminayaba aysan wax lug ah ku lahayn siyaasadda socota, ayna la shaqeyn doonaan xukuumaddii timaadda.

Jen. Dhego-badan ayaa sheegay in saraakiisha ciidamada dowladda ay arrintaas ka hadleen ayna go'aansadeen inaysan cidna si gaar ah ula safan, ayna ka warsugaan sida ay siyaasadda dalku isku bedesho.

"Innaga loolanka siyaasadeed ee socda wax lug ah kuma lihin, waxaan ciidan qaran, xukuumaddii timaadda ayaana la shaqeynaynaa," ayuu yiri Jen. Dhego-badan oo ku daray hadalkiisa in go'aankaas uu yahay mid dhammaan saraakiisha xoogga dalka isla qabaan.

Hadalka Jenenaalka ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo ay dhawaanahan jireen warar hoose oo sheegaya in ciidamada dowladda ay la kala safan yihiin murashaxiinta u tartamaya doorashada madaxnimo ee Soomaaliya.

Ololayaal xooggan ayaa ka socda magaalada Muqdisho kuwaasoo loogu tartamayo doorashada madaxnenimo ee Soomaaliya, iyadoo ciidammo fara badan oo ka tirsan kuwa dowladda lagu arkayo waddooyinka caasimadda iyagoo baaritaanno xooggan sameynaya xilliyada habeenkii ah.

Toddobaadka soo socda ayaa lagu wadaa inay Muqdisho ka dhacdo doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, taasoo noqonaysa markii ugu horreysay oo doorasho madaxweyne ay ka dhacdo Muqdisho muddo haatan laga joogo 42-sano.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya





Post your comments

9/4/2012 10:22 AM EST
Talaado, September 04, 2012 (HOL) — Shaqaalaha Cusbitaalka guud ee magaaladda Hargeysa, ayaa sheegay inay shaqooyinkii ay hayeen Cisbitaalka ay joojiyeen, isla markaana si weyn uga cawday mushahar loo balanqaaday oo laga musuqmaasuqay.

9/4/2012 10:21 AM EST
Talaado, September 04, 2012 (HOL) — Munaasabad si heer sare loosoo agaasimay oo dib loogu furayay iskoolka indhoolayaasha ee Al-nuur ayaa maanta waxa lagu qabtay xarunta iskoolkaas oo ku taalla degmada Hodan, gaar ahaan xaafadda KPP ee magaalada Muqdisho.

9/4/2012 9:02 AM EST
Talaado, September 04, 2012 (HOL) — Xaaladda gobolka jubada hoose ayaa mudooyinkii u danbeeyayba ahayd mid aad u kacsan kadib markii ciidamada dowladda KMG oo kaashanaya kuwa AMISOM ay u dhaqaaqeen sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose.

9/4/2012 8:50 AM EST
Talaado, September 04, 2012 (HOL) — Xafiiska Itoobiya ku leedahay magaaladda Hargeysa, ayaa war-murtiyeed ay soo saareen ku sheegay geeridii dhowaanta ku Timid Ra’isal wasaarahoodii Meles Zanawi, waxaanay dadweynaha reer Somaliland uga mahadceliyeen sida ay uga xumaadeen geeridii ku timid Ra’isal wasaarahooddii hore ee Meles Zanawi.

9/4/2012 8:34 AM EST
Talaado, September 04, 2012 (HOL) — Murashaxiinta madaxweyne ee gudbiyay araajidooda ayaa waxay tiradoodu maraysaa 31 xubnood, iyadoo aysan ku jirin xubnahaas madaxda dowladda Soomaaliya ee uu waqtigeedu dhammaanayo.

9/4/2012 6:29 AM EST
Talaado, September 04, 2012 (HOL) — Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dab khasaare xooggan geystay oo xalay ka kacay dhul howd ah oo ku yaala deegaanno hoos taga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan.

9/4/2012 4:31 AM EST
Talaado, September 04, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa laba ruux oo ay ku sheegeen inay basaasiin u ahaayeen dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ku toogtay degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada hoose, halkaasoo haatan u ah saldhig weyn kaddib markii ay isaga baxeen degmada Marko toddobaadkii hore.

9/4/2012 4:05 AM EST
Talaado, September 04, 2012 (HOL) — Murashaxiin ka badan toban ayaa waxay u tanaasuleen murashax ay isbahaysi qura kuwada jiraan, kaddib kulan ay Muqdisho ku yeesheen, waxaana murashaxiintan ay sheegeen inay taageerayaan murashaxa ay u tanaasuleen.

9/4/2012 3:50 AM EST
Talaado, September 04, 2012 (HOL) — Wararka laga hellayo deegaannka Moqokori ee gobollka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay uu dab xoog leh ka kacay dhul keymo oo ku dhirirsan deegaanno hoos taga Moqokori, kaasoo inta la og-yahay geystay khasaare naf iyo maalba leh.