Saturday, May 25, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 3 , 2012
Musharaxiinta ka qaybgalaya Doorashada Madaxweynenimo ee dalka Soomaaliya oo lagu xiray shuruudo cusub
Isniin, September 03, 2012 (HOL) — Musharxiinta u taagan xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya ayaa lagu xiray shuruudo cusub, iyadoo guddigu ay soo jeediyeen in murashaxa xilka u tartamaya uu haysto baasaboor Soomaali ah ama dhalasho u dhiganta.

Afhayeenka guddiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya, Cismaan Libaax Ibraahim ayaa sheegay in taasi ay timid kaddib markii ay arkeen in murashaxiinta u tagaan xilka madaxnimo ee dalka ay intooda badan haystaan baasaboorro ajnabi ah, wuxuu sheegay in tani ay caddeyn u noqonayso in murashaxu uu yahay Soomaalia.

"Qabashada araajida waxay billaabanaysaa maanta oo Isniin ah, waxayna socon doontaa saddex maalmood, murashax walbana waxaan u sheegaynaa inuu soo doonto fayl loogu talogalay inuu soo buuxiyo," ayuu yiri Cismaan Libaax oo sheegay in faylkaas ay guddigu haynayaan.

Murashaxinta u taagan xilka madaxnimo ee Soomaaliya ayaa waxay tiradoodu kor u dhaaftay soddomeeyo kuwaasoo qaarkood ay ka socdaan xisbiyo siyaasadeed, halka kuwo kalena ay yihiin kuwo si shaqsi ah u tartamaya.

"Baarlamaanku wuxuu ogolaaday in murashax walba uu bixiyo $10,000 oo doollarka Mareykanka ah, waayo waxaan ogaannay in murashaxiinta ay aad u fara badan yihiin ayna tani ku kala hari karaan," ayuu yiri afhayeenka guddiga doorashada.

Doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxay dhacaysaa 10-ka bishan, waxaana ka socda Muqdisho ololayaal ay wadaan murashaxiinta u taagan xilka madaxnimo ee Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya





Post your comments

9/3/2012 9:24 AM EST
Isniin, September 03, 2012 (HOL) — Afhayeenka milateriga dalka Kenya, Emmanuel Chirchir ayaa sheegay in maraakiib dagaal oo Kenya ay leedahay ay duqeeyeen maanta magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay duqeyntaas.

9/3/2012 8:34 AM EST
Isniin, September 03, 2012 (HOL) — Guddiga doorashada madaxweynaha Somalia ayaa sheegay maanta oo Isniin ah in 22 mudane ay ka qabteen araajidooda Murashaxnimo ayna siiyeen warqado loogu talo-galay inay soo buuxiyaan, kuwaasoo ay kusoo qorayaan magacyada xildhibaannada kalsoonida siinaya.

9/3/2012 7:13 AM EST
Isniin, September 03, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa AMISOM ayaa maanta baaritaanno dad lagu qabtay ka sameeyay xaafadaha degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose, kaddib dagaal xalay ka dhacay degmadaas.

9/3/2012 3:05 AM EST
Isniin, September 03, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay laba qof siyaabo kala duwan ugu dilay xaafadoka tirsan degmooyinka Howadaag iyo Huriwaa, iyadoo sidoo kale bam lagu weeraray shalay gallinkii dambe ciidammo booliis ah oo ku sugnaa suuqa Bakaaraha.

9/3/2012 3:04 AM EST
Isniin, September 03, 2012 (HOL) — Diyaarado dagaal iyo maraakiib ayaa xalay duqeymo ka geystay gobolka Jubbada Hoose, gaar ahaan difaacyada ay Al-shabaab uga jiraan deegaannada ku dhow magaalada Kismaayo ee xarunta gobolkaas.