Hiiraan Online
Wednesday, June 19, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Cheap Calls
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Arbaco, Sept 26, 2012
Afhayeen si kulul uga hadlay go'aankii Mas'uul ka tirsan Xisbul Islaam uu ku sheegay inay kaga baxeen Al-shabaab
Arbaco, September 26, 2012 (HOL) — Afhayeenka howgallada ee Al-shabaab, Sheekh C/casiis Abuu-Muscab oo saxaafadda la hadlay ayaa si kulul uga jawaabay hadal uu mas'uul ka tirsan Xisbul Islaam ku sheegay inay kaga baxeen midowgii ay horay ula galeen Al-shabaab.
Sheekh Abuu-Muscab ayaa sheegay in midnimadooda ay tahay mid ay ku difaaci doonaan af iyo adin, isagoo carrabka ku adkeeyay inay ka go'an tahay inay ka hortagaan cid walba oo doonaysa inay kala furfurto Xarakada Al-shabaab.
"Mujaahdiinta waxay soo mareen marxalado kala duwan, kaddib waxaa Alle uu u suuro-geliay inay marxaladahaas kaga gudbaan laba sano ka hor, waxayna ku taagan yihiin midnimadaas waana hal gacan oo cadowga la dagaalamaysa," ayuu yiri Sheekh Abuu-Muscab.
Afhayeenkan Al-shabaab u hadlay ayaa sheegay in xubnahan hadalkan sheegay ay uga dan leeyihiin inay kula gorgortamaan gaalada, si ay jagooyin uga helaan, balse ay iyagu taas ka hortagayaan oo ay si adag uga horjeedaan in midnimadooda la kala dhantaalo.
"Waxay doonayaan inay isku muujiyaan inay yihiin urur gaar u taagan si ay gaalada uga helaan mansab iyo inay u tusaan in mujaahidiintu ay awood ahaan uu hoos u dhac ku yimid, labadaas qodob ayaa ku qasbay inay waqtiga ku dhaqaaqaan inay Al-shabaab ka baxeen," ayuu yiri Sheekh C/casiis oo sharraxayay sababaha ay u arkaan inay mas'uuliyiinta ku dhawaaqaan inay ka go'een Al-shabaab.
Sidoo kale, afhayeenka howgallada ee Al-shabaab wuxuu hadalkiisa ku daray inay awoodooda Al-shabaab sidii hore kasii xoogeysatay ayna dagaal kula jiraan ciidamo ka socda lix dowladood, isla markaana haatan dhar-baaxo xooggan u geysanayaan ciidamada ay la dagaalamayaan.
"Halkan waxaan ka caddeynayaa inaan cid walba oo isku dayda inay mowqifka Al-shabaab kala dhantaallaan aan ka hortagi doonno oo aan la dagaalaamyno, ayuu si kulul u yiri afhayeenka Al-shabaab oo sheegay inay arrintan u marayaan go'aan ay Al-shabaab soo saartay bishii Maarso ee sannadkan oo ahaa in af iyo adin looga hortago cid walba oo doonaysa inay kala dhantaasho midnimada mujaahidiinta.
Warka kasoo baxay Al-shabaab ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo maalin ka hor uu ku dhawaaqay madaxii wafaafinta ee Xisbul Islaam isla markaana ahaa afhayeenka kooxdaas inay ka laabteen midowgii ay Al-shabaab la yeesheen sannadkii 2010.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Post your comments
Munaasabad lagu sagootinayay Madaxweynihii hore ee Somalia lagu soo dhaweeyay Madaxweynaha cusub oo Muqdisho ka dhacday
9/26/2012 8:58 AM EST
Arbaco, September 26, 2012 (HOL) — Waxaa maanta xarunta degmada Wadajir ee magaalada Muqdihos lagu qabtay xaflad lagu sagootinayay madaxweynihi hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, laguna soo dhaweeyay madaxweynaha cusub, Xasan Sheekh Maxamuud.
Siyaasiyiin, Aqoon-yahanno iyo Odoyaal kasoo Jeeda Gobollada Jubooyinka iyo Gedo oo Cambaareeyay Falkii lagu dilay dadka shacabka ah
9/26/2012 8:58 AM EST
Arbaco, September 26, 2012 (HOL) — Aqoonyahanno, Siyaasiyiin iyo Odoyaal kasoo jeeda gobollada Jubooyinka iyo Gedo ayaa si kulul u cambaareeyay dilkii askari katirsan ciidamada Kenya uu dad rayid ah ugu geeystay nawaaxiga deegaanka Birta dheer ee gobolka Jubada Hoose.
Khubarro ku Takhasusay Xasuuqyadda Dunidda ka dhaca oo Baaritaanno ku sameeyay Xabaallo-Wadareedyo ay ku jiraan Shacab lagu laayay Hargeysa
9/26/2012 8:36 AM EST
Arbaco, September 26, 2012 (HOL) — Xukuumadda Somaliland ayaa soo dhawaysay khuburo ku takhasusay sida loo baadho xasuuqyada caalamka ka dhaca iyo lafaha bani’aadamka, kuwaas oo dib u soo fiqi doono xabaalo wadareedyo ay dad badan oo dawladii hore ku laysay magaaladda Hargeysa ku jiraan, gaar ahaan goobta loo yaqaan badhka.
Danjire Augustine Mahiga oo rajo wanaagsan ka muujiyay in Soomaaliya ay ka baxayso xaaladihii ay muddada dheer ku soo jirtay
9/26/2012 8:07 AM EST
Arbaco, September 26, 2012 (HOL) — Ergayga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay uga wakiilka ah arrimaha Soomaaliya, danjire Augustine Mahiga ayaa sheegay in xiligii hore iyo hadda ay rajadiisa ku aaddan Soomaaliya aad u kala duwan tahay, wuxuuna xusay in xilligii hore uu ka rajo wanaagsan yahay xilligan.
Kenya oo sheegtay inay burburisay kaydad hub oo Al-shabaab ay ku lahayd Kismaayo iyo Al-shabaab oo beenisay Arrintaas
9/26/2012 7:34 AM EST
Arbaco, September 26, 2012 (HOL) — Saraakiisha u hadlay milateriga dalka Kenya ayaa sheegay in duqeymo ay diyaaradahoodu ka geysteen garoonka diyaaradaha Kismaayo ay ku burburiyeen kaydad hub oo ay Al-shabaab lahayd iyo saldhigyo ay isticmaali jireen Al-shabaab, iyadoo saraakiil u hadlay Al-shabaab ay beeniyeen warkaas.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo sheegay in Ciidammo Ammaanka suga lagu daadiyay Degmooyinka Gobolka Banaadir
9/26/2012 4:11 AM EST
Arbaco, September 26, 2012 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumadda uu waqtigeedu dhammaadka yahay, C/samad Macallin Maxamuud ayaa shaaciyay inay degmooyinka gobolka Banaadir dhigeen ciidammo suga ammaanka Muqdisho, kaddib dilal qorsheysan iyo qaraxyo ka dhacayay magaalada toddobaadyadii ugu dambeeyay.
Marakiib dagaal oo duqeeyay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose
9/26/2012 3:29 AM EST
Arbaco, September 26, 2012 (HOL) — Maraakiib nooca dagaalka oo la aaminsan yahay inay leedahay dowladda Kenya ayaa saaka dhowr gantaal ku tuuray magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, walow aan illaa imika la sheegin cid wax ku noqotay duqeyntaas.
Somali News
In Somalia, a war on journalists
-
McClatchy
9/26/2012 10:00 AM EST
It was a Thursday afternoon in Mogadishu, Somalia's capital, when I decided to head to the popular new restaurant known as The Village, opposite the National Theater. That decision almost ended my life.
Kenyan fighter jets bomb Somali city
-
Al Jazeera
9/26/2012 3:05 AM EST
Aircraft target airport in southern city of Kismayo, where Kenya says al-Shabab is operating its last major base.
Shaping Somalia's Political Landscape: Halima Ismail Ibrahim - Co-Chair Technical Selection Committee
-
Huffington Post
9/26/2012 3:00 AM EST
At the age of 15 Halima Ismail Ibrahim was already advocating for women's rights at her high school in Afgoye, 30 km from Mogadishu.
Lewiston Mayor's Somali Remarks Spark Criticism
-
MPBN
9/26/2012 2:57 AM EST
Lewiston Mayor Robert MacDonald is once again facing criticism for remarks he made about Somali refugees in Maine's second-largest city. In a recent interview with the British Broadcasting Corporation, Mayor MacDonald said immigrants are "costing us a lot of money" and they should "accept our culture and leave your culture at the door." Last year the mayor apologized for comments he made on election night when he said the wanted to make the city less attractive to deadbeats, many of whom don't speak English. As Susan Sharon reports, members of the Maine Global Institute are now requesting a meeting with the mayor.
Somali parliament convenes in Mogadishu
-
Sabahi
9/26/2012 2:55 AM EST
Somalia's new parliament met in Mogadishu on Monday (September 24th) for the first time since lawmakers elected President Hassan Sheikh Mohamud on September 10th.
K'naan offers glimpse into his childhood in first kids' book `When I Get Older'
-
CP
9/26/2012 2:54 AM EST
TORONTO - As a newcomer to Canada, K'naan was able to find a source of both solace and expression through music.
Judge sets sentencing date for North Jersey men in overseas terror case
-
North Jersey
9/26/2012 2:49 AM EST
A federal judge in Newark has set a sentencing date of Feb. 4. for two North Jersey men who pleaded guilty last year to charges of conspiring to commit murder overseas on behalf of an al-Qaida-affiliated group operating in Somalia.
Kenyan army airlifts water to Jana Abdalla after al-Shabaab poisons wells
-
Sabahi
9/26/2012 2:45 AM EST
The Kenya Defence Forces (KDF) airlifted water to allied troops in the Somali town of Jana Abdalla to alleviate a water shortage after al-Shabaab poisoned water sources, Kenya's The Star reported Monday (September 24th).
Somalis condemn killing of citizens by Kenyan troops
-
PressTV
9/26/2012 2:44 AM EST
Fighting for the control of Somalis coastal port town of Kismayo is raging as Kenyan forces from the African Union and Somali government forces plan on capturing the strategic town from the Al-Shabaab fighters.
How Social Good Summit Sparked the Largest Conversation on Earth
-
Mashable
9/26/2012 2:39 AM EST
A suicide bombing exploded outside of one of the only Internet cafes in Somalia's capital last Thursday. Three days later, the cafe's owner spoke on one of the Social Good Summit Mogadishu's Global Conversation panels.