Sunday, May 26, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 2 , 2012
Maxkamadda sare ee Somaliland oo soo saartay go’aan ah in Ururadii Dacwoonayey ee la reebay aysan buuxin shuruudihii laga rabay
Axad, September 02, 2012 (HOL) — Maxkamadda Sare ee Somaliland, ayaa go’aamisay in ururadii qiimeynta ku hadhay aanay buuxin shuruudihii laga rabay  ururadda siyaasadda ee ka qaybgalaya tartanka doorashooyinka golaha deegaanka ee la filayo inay dhowaan dalka ka dhacdo.

Gudoomiyaha maxkamadda Sare garyaqaan: Yuusuf ismaacii Cali, ayaa sheegay in markii ay maxkamadda sare dib u eegis ku samaysay dacwadihii ay ururadii qiimeynta ku hadhay usoo gudbiyeen maxkamada aanay buuxinin shuruudihii lagama maarmaanka u ahaa in loo aqoonsado urur siyaasadeed ka qaybgalla doorashooyiinka golaha deegaanka ee soo socda.

Haseyeeshee, ururaddan maxkamadda sare sheegtay inay ku hadheen shuruudhii laga rabay, ayaa go’aankaasi ay ku ayidayaan guddidii diiwaangelinta ku tilmaamay mid cadaaladda ka fog, isla markaana horaba wakhtiga looga lumiyey loona habsaamiyey, maadaama oo wakhtigii loo qabtay ururada inay liiska musharaxiintooda soo gudbiyaan ka hadhsan tahay 12 cisho.

Ururadan ku tilmaamay cadaalad darada go’aankaasi ayaa waxa ka mid ahaa ururka, HORYAAL, JAMHUURIGA, NDP iyo UDHIS, waxaanay sheegeen inay xukuumaddu soo farogalisay garsoorka, isla markaana siday rabtay uun u xukumeen, waxaanay tilmaameen inay markii horaba sii garanayeen balse ay nidamka dalka u yaallo uun marayeen si ay sharciga u hogaansamaan.

“maxkamad raagtay waa cadalaad la’aan way raajisay go’aankii aanu ka sugaynay, ta labaad qoladii Diiwaangelinta ee aanu ka dacwoonaynay go’aankoodii qaloocay uun bay ku ayiday oo ay raacday”ayuu yidhi ,Cabdisalaan Yaasiin oo ka mid ah ururadda siyaasada hadhay oo warbaahinta la hadlayey.

Si kastaba ha ahaatee, go’aankan ay maxkamaddu maanta gaadhay ayaa ku soo beegmaya xilli ay gebogabo ku jiraan muddadii loo qabtay ururada iyo xisbiyadda inay ku soo xareeyaan musharaxiintii tartanka doorashooyinka uga qaybgali doona golaha deegaanka, isla markaana ma jirto meel kale oo ay uga wareegi karaan oo aan ka ahayn inay ururada iyo xisbiyada jira ku kala biiraan.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
barkhadladiif@hiiraan.com
Hargeysa, Somaliland




Post your comments

9/3/2012 3:03 AM EST
Axad, September 02, 2012 (HOL) — Hay’adda cilmi-barista iyo wada-tashiga CRD ayaa shalay qalab faneed noocyadiisa kala duwan oo ay ku jiraan qaar casri ah waxay guddoonsiisay kooxda fanaaaniinta Horseed ee ciidamada qalabka sida.

9/2/2012 10:33 PM EST
Axad, September 02, 2012 (HOL) - Ciyaaraha Xageyga ee sanadwalba lagu qabto dalkan Britain gaar ahaan magalada London ayaa maanta la soo gabagabeeyey, iyadoo ay ka qeybqaateen 16 kooxood oo kakala yimid london, Manchester, Birmigham & Leicster.

9/2/2012 2:52 PM EST
Axad, September 2, 2012(HOL):-Xaflad heer sare ah oo uu soo agaasimay Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Koleyga ayaa lagu gunaanaday Tartankii Xiddigaha Kubadda Koleyga ee 2012, iyadoo ay ka soo qeybgaleen mas`uuliyiin kala duwan oo ka socday dhinacyada Olombikada, Maamulka gobolka banaadir iyo Xawaaladda Juba Express oo dhanka Maalgelinta qeyb weyn ka qaadatay.

9/2/2012 2:20 PM EST
Axad, September 2, 2012(HOL): Golaha wakiilada ee Puntland ayaa maanta waxaa u furmay fadhi aan caadi ahayn, kaas oo ajendihiisa ugu weyni uu yahay sidii dib loogu eegi lahaa xeerka axsaabta siyaasadda oo ay todobaadyo kahor baarlamaanku cod aqlabiyad leh kumeel mariyeen.

9/2/2012 2:19 PM EST
Axad, September 2, 2012(HOL): Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland laanteeda gobolka Nugaal, ayaa maanta xukuntay saraakiil ka tirsanaa Booliska oo lagu soo eedeeyey denbi ah in ay ka dhego adeygeen soo wareejinta hub tira badan oo ay hayaan.

9/2/2012 9:39 AM EST
Axad, September 02, 2012 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay dood adag ka yeesheen maanta qodobka dhigayay in murashaxu uu kalsooni ka haysto laabatan xildhibaan, iyadoo xildhibaanadu ay aad uga doodeen qodobkan.

9/2/2012 7:41 AM EST
Axad, September 02, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaarihii hore ee dalka Itoobiya, Meles Zenawi ayaa maanta oo Axad ah kaniisad ku taalla magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaasoo ay ku aasan yihiin xubno uu ka mid yahay boqorkii hore ee Itoobiya, Hayle Salaase.

9/2/2012 7:41 AM EST
Axad, September 02, 2012 (HOL) — Saraakiisha nabad-galyada maamulka gobolllka Hiiraan ayaa wada hadal kadib sheegay in ay ugu danbeytii isku afgarteen in si ku-meel-gaar ah loo joojiyo lacago canshuur ah oo laga qaadi jiray ganacsatada ku dhaqan magaalada Baladweyne.

9/2/2012 7:04 AM EST
Axad, September 02, 2012 (HOL) — Burcadbadeedda Soomaalida ayaa toogasho ku dilay nin u dhashay dalka Siiriya oo ka mid ahaa shaqaale la socday markab ay laba sano afduub u haysteen, waxayna dhaawaceen mid kale oo shaqaalaha markabka ka mid ah.

9/2/2012 5:35 AM EST
Axad, September 02, 2012 (HOL) —Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa laalay in lagu daro ajandaha kalfadhiga 19aad ee golaha wakiiladda kootadda kuraasta ah ee haweenka iyo beelaha laga tirada badan yahay laga siin lahaa baarlamaanka.

9/2/2012 4:46 AM EST
Axad, September 02, 2012 (HOL) — Tabarkan oo socday muddo afar bilood ah ayaa waxaa soo qaban-qaabiyey shirkadda isgaarsiinta Hormuud oo ka mid ah shirkadaha ka howgala dalka, waxaana tababarkan ka faa'iideystay 12 haween ah oo ka kala yimid gobollada dalka.

9/2/2012 4:05 AM EST
Axad, September 02, 2012 (HOL) — Taliska AMISOM ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen ciidamadooda deegaanka Miido ee gobolka Jubbada hoose oo 25-km u jirta degmada Afmadow halkaasoo ay ka dhaceen dagaallo xooggan labadii maalmood ee lasoo dhaafay, waxaana AMISOM ay sheegtay inay ku waayeen dagaalkaas shan ka mid ah askartooda.

9/2/2012 4:04 AM EST
Axad, September 02, 2012 (HOL) — Maraakiib dagaal ayaa xalay fiidkii duqeymo ka geeystay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose, kuwaasoo ku dhacay qayhbo ka tirsan Kismaayo, waxaana mas'uuliyadda duqaeyntan sheegtay ciidamada AMISOM.