Tuesday, May 21, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 2 , 2012
Maamulka Gobolka Hiiraan oo joojiyay lacago Canshuuraad ah oo laga qaadi jiray Ganacsatada Magaalada Baladweyne
Axad, September 02, 2012 (HOL) — Saraakiisha nabad-galyada maamulka gobolllka Hiiraan ayaa wada hadal kadib sheegay in ay ugu danbeytii isku afgarteen in si ku-meel-gaar ah loo joojiyo lacago canshuur ah oo laga qaadi jiray ganacsatada ku dhaqan magaalada Baladweyne.

Taliyaha saldhiga baliiska maamulka gobollka Hiiraan Cali Dhuux Cabdi Mahad-Alla ayaa warbaahinta u sheegay in kulan gaar ah oo ay maanta yeesheen saraakiisha iyo mas'uuliyiinta maamulka gobollka uga wada hadlleen sida uu hadalka u dhigay qaladaad ka jira canshuuraha laga qaado ganacsatada degmada Baladweyne.

"Waxaan isku afgaranay dhamaan mas’uuliyiinta maamulka gobollka Hiiraan, laga bilaabo maanta in si ku-meel-gaar ah loo joojiyo lacagihii canshuurta ee laga qaadi jiray ganacsatada degmada Baladweyne, kadib markii la arkay qaladaad badan iyo is bar bar yaac ka jira qaadista canshuurta,’’ ayuu yiri taliyaha saldhiga baliiska.

Waxaa uu sheegay ilaa laga soo saarayo amar danbe aan la ogolaan doonin in laga qaado ganacsatada lacago canshuur ah, isaga oo intaa ku darray in marnaba maamulka raali ka noqon doonin in ganacsatada ay bixiyan lacag aan wax nidaam ah ku saleysneyn.

"Ganacastada waxaan leenahay laga bilaabo maanta lacag aad bixin kartaa ma jirto, haddii aad aragtaa ciidamo ka tirsan maamulka oo canshuur qaadaya waa in aad soo wargalisaan saraakiisha baliiska, ciidamadana waxaan fareynaa in ay soo qabtaan cid kasta oo canshuur qaadeysa ayuu yiri,’’ sidaas waxaa yiri Cali Dhuux oo ah taliyaha booliiska gobolka Hiiraan.

Warka ka soo baxay saraakiisha maamulka gobollka ayaa ku soo beegmaya xili maalmihii ugu danbeeyayba ay jirtay cabasho ay muujinayeen ganacsatada magaalada Baladweyne oo warbaahinta u sheegay in ay ku jahwareereen qaabka loo qaadayo lacagah canshuurta, waxaana marar badan jiray kulamo dhaxmaray ganacsatada iyo maamulka degmada Baladweyne.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Baladweyne, Soomaaliya




Post your comments

9/3/2012 3:03 AM EST
Axad, September 02, 2012 (HOL) — Hay’adda cilmi-barista iyo wada-tashiga CRD ayaa shalay qalab faneed noocyadiisa kala duwan oo ay ku jiraan qaar casri ah waxay guddoonsiisay kooxda fanaaaniinta Horseed ee ciidamada qalabka sida.

9/2/2012 10:33 PM EST
Axad, September 02, 2012 (HOL) - Ciyaaraha Xageyga ee sanadwalba lagu qabto dalkan Britain gaar ahaan magalada London ayaa maanta la soo gabagabeeyey, iyadoo ay ka qeybqaateen 16 kooxood oo kakala yimid london, Manchester, Birmigham & Leicster.

9/2/2012 2:52 PM EST
Axad, September 2, 2012(HOL):-Xaflad heer sare ah oo uu soo agaasimay Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Koleyga ayaa lagu gunaanaday Tartankii Xiddigaha Kubadda Koleyga ee 2012, iyadoo ay ka soo qeybgaleen mas`uuliyiin kala duwan oo ka socday dhinacyada Olombikada, Maamulka gobolka banaadir iyo Xawaaladda Juba Express oo dhanka Maalgelinta qeyb weyn ka qaadatay.

9/2/2012 2:20 PM EST
Axad, September 2, 2012(HOL): Golaha wakiilada ee Puntland ayaa maanta waxaa u furmay fadhi aan caadi ahayn, kaas oo ajendihiisa ugu weyni uu yahay sidii dib loogu eegi lahaa xeerka axsaabta siyaasadda oo ay todobaadyo kahor baarlamaanku cod aqlabiyad leh kumeel mariyeen.

9/2/2012 2:19 PM EST
Axad, September 2, 2012(HOL): Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland laanteeda gobolka Nugaal, ayaa maanta xukuntay saraakiil ka tirsanaa Booliska oo lagu soo eedeeyey denbi ah in ay ka dhego adeygeen soo wareejinta hub tira badan oo ay hayaan.

9/2/2012 9:39 AM EST
Axad, September 02, 2012 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay dood adag ka yeesheen maanta qodobka dhigayay in murashaxu uu kalsooni ka haysto laabatan xildhibaan, iyadoo xildhibaanadu ay aad uga doodeen qodobkan.

9/2/2012 8:19 AM EST
Axad, September 02, 2012 (HOL) — Maxkamadda Sare ee Somaliland, ayaa go’aamisay in ururadii qiimeynta ku hadhay aanay buuxin shuruudihii laga rabay ururadda siyaasadda ee ka qaybgalaya tartanka doorashooyinka golaha deegaanka ee la filayo inay dhowaan dalka ka dhacdo.

9/2/2012 7:41 AM EST
Axad, September 02, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaarihii hore ee dalka Itoobiya, Meles Zenawi ayaa maanta oo Axad ah kaniisad ku taalla magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaasoo ay ku aasan yihiin xubno uu ka mid yahay boqorkii hore ee Itoobiya, Hayle Salaase.

9/2/2012 7:04 AM EST
Axad, September 02, 2012 (HOL) — Burcadbadeedda Soomaalida ayaa toogasho ku dilay nin u dhashay dalka Siiriya oo ka mid ahaa shaqaale la socday markab ay laba sano afduub u haysteen, waxayna dhaawaceen mid kale oo shaqaalaha markabka ka mid ah.

9/2/2012 5:35 AM EST
Axad, September 02, 2012 (HOL) —Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa laalay in lagu daro ajandaha kalfadhiga 19aad ee golaha wakiiladda kootadda kuraasta ah ee haweenka iyo beelaha laga tirada badan yahay laga siin lahaa baarlamaanka.

9/2/2012 4:46 AM EST
Axad, September 02, 2012 (HOL) — Tabarkan oo socday muddo afar bilood ah ayaa waxaa soo qaban-qaabiyey shirkadda isgaarsiinta Hormuud oo ka mid ah shirkadaha ka howgala dalka, waxaana tababarkan ka faa'iideystay 12 haween ah oo ka kala yimid gobollada dalka.

9/2/2012 4:05 AM EST
Axad, September 02, 2012 (HOL) — Taliska AMISOM ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen ciidamadooda deegaanka Miido ee gobolka Jubbada hoose oo 25-km u jirta degmada Afmadow halkaasoo ay ka dhaceen dagaallo xooggan labadii maalmood ee lasoo dhaafay, waxaana AMISOM ay sheegtay inay ku waayeen dagaalkaas shan ka mid ah askartooda.

9/2/2012 4:04 AM EST
Axad, September 02, 2012 (HOL) — Maraakiib dagaal ayaa xalay fiidkii duqeymo ka geeystay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose, kuwaasoo ku dhacay qayhbo ka tirsan Kismaayo, waxaana mas'uuliyadda duqaeyntan sheegtay ciidamada AMISOM.