Wednesday, May 22, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 2 , 2012
Golaha Wakiiladda oo mar kale dib u celiyey Xeerka kootada Haweenka iyo Beelaha laga tirada badan yahay laga siin lahaa Baarlamaanka
Axad, September 02, 2012 (HOL) —Mudanayaasha Golaha Wakiilada  Somaliland, ayaa laalay in lagu daro ajandaha kalfadhiga 19aad ee golaha wakiiladda kootadda kuraasta ah ee haweenka iyo beelaha laga tirada badan yahay laga siin lahaa  baarlamaanka.

Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha Wakiiladda Md: Baashe Maxamed Faarax oo shirgudoominayey golaha ayaa qodobka ajandaha ku jiray ee haweenka iyo beelaha laga tirada badan yahay kooto kuraas ah looga siin lahaa golaha Wakiiladda ka hor yimid, isla markaana dib u celiyey, waxanay sheegeen inay ka hor imanayso dastuurka Somaliland, isla markaana loo baahan yahay in wax kasta  oo ka hor imanaya ay sharci daro tahay.

Gudoomiye ku ixgeenka ayaa cod u qaaday in la laalo qodobkan iyo in lagu daro ajandaha, balse inta badan mudanayaasha ayaa u codeeyey in la laalo qodobkan, isla markaana ansixiyey qodobada kale ee ajandaha ku jira, kaas oo maalmaha oo socoda laga doodi doono.

Xeerkan kootadda looga dhigay haweenka iyo beelaha laga tirada badan yahay ayaa waxa golaha hor keenay madaxweynaha Somaliland si loo ansixiyo, balse waxa laba jeer oo hore dib u celiyey golaha, kuwaas oo tilmaamay in aanu sharcigu dhigeyn in haweenka iyo beelaha laga tirada badan yahay xubno u gaar ah kooto loogu xidho.

Dhinaca kale, waxa diidmadan golaha wakiiladda ee kootadda haweenka cambaareeyey haweenka somaliland, waxaanay shirjaraa’id oo ay ku qabteen xarunta ururka ay ku bahoobeen ee Negaad Network ku cambaareeyey go’aankaasi ay ku diideen goluhu, waxaanay sheegeen inay khalad tahay in kuraasta haweenka loo diido.

Si kastaba ha ahaatee, diidmadan ka yimid mudanayaasha wakiilada ayaa waxay niyad jab ku noqonaysaa haween weynaha Somaliland, kuwaas oo si weyn u danaynayey kootadda, maadaama dhaqanka soomaalidu aanu u saamaxeyn in haweenka loo doortay xilalka sarsare ee dawladnimada, taasina ay keentay in haweenku ku soo bixi waayaan wakhtiyada doorashooyinka, iyadoo hore golaha wakiilada oo 82 mudane ka kooban ay haweenku laba dumar ah oo kaliya ku leeyihiin, ka dib markii musharaxiintii haweenka ahayd ee u sharaxnaa golaha Wakiladda ay dadku u codeyn waayeen.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online  
barkhadladiif@hiiraan.com
Hargeysa, Somaliland




Post your comments

9/3/2012 3:03 AM EST
Axad, September 02, 2012 (HOL) — Hay’adda cilmi-barista iyo wada-tashiga CRD ayaa shalay qalab faneed noocyadiisa kala duwan oo ay ku jiraan qaar casri ah waxay guddoonsiisay kooxda fanaaaniinta Horseed ee ciidamada qalabka sida.

9/2/2012 10:33 PM EST
Axad, September 02, 2012 (HOL) - Ciyaaraha Xageyga ee sanadwalba lagu qabto dalkan Britain gaar ahaan magalada London ayaa maanta la soo gabagabeeyey, iyadoo ay ka qeybqaateen 16 kooxood oo kakala yimid london, Manchester, Birmigham & Leicster.

9/2/2012 2:52 PM EST
Axad, September 2, 2012(HOL):-Xaflad heer sare ah oo uu soo agaasimay Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Koleyga ayaa lagu gunaanaday Tartankii Xiddigaha Kubadda Koleyga ee 2012, iyadoo ay ka soo qeybgaleen mas`uuliyiin kala duwan oo ka socday dhinacyada Olombikada, Maamulka gobolka banaadir iyo Xawaaladda Juba Express oo dhanka Maalgelinta qeyb weyn ka qaadatay.

9/2/2012 2:20 PM EST
Axad, September 2, 2012(HOL): Golaha wakiilada ee Puntland ayaa maanta waxaa u furmay fadhi aan caadi ahayn, kaas oo ajendihiisa ugu weyni uu yahay sidii dib loogu eegi lahaa xeerka axsaabta siyaasadda oo ay todobaadyo kahor baarlamaanku cod aqlabiyad leh kumeel mariyeen.

9/2/2012 2:19 PM EST
Axad, September 2, 2012(HOL): Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland laanteeda gobolka Nugaal, ayaa maanta xukuntay saraakiil ka tirsanaa Booliska oo lagu soo eedeeyey denbi ah in ay ka dhego adeygeen soo wareejinta hub tira badan oo ay hayaan.

9/2/2012 9:39 AM EST
Axad, September 02, 2012 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay dood adag ka yeesheen maanta qodobka dhigayay in murashaxu uu kalsooni ka haysto laabatan xildhibaan, iyadoo xildhibaanadu ay aad uga doodeen qodobkan.

9/2/2012 8:19 AM EST
Axad, September 02, 2012 (HOL) — Maxkamadda Sare ee Somaliland, ayaa go’aamisay in ururadii qiimeynta ku hadhay aanay buuxin shuruudihii laga rabay ururadda siyaasadda ee ka qaybgalaya tartanka doorashooyinka golaha deegaanka ee la filayo inay dhowaan dalka ka dhacdo.

9/2/2012 7:41 AM EST
Axad, September 02, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaarihii hore ee dalka Itoobiya, Meles Zenawi ayaa maanta oo Axad ah kaniisad ku taalla magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaasoo ay ku aasan yihiin xubno uu ka mid yahay boqorkii hore ee Itoobiya, Hayle Salaase.

9/2/2012 7:41 AM EST
Axad, September 02, 2012 (HOL) — Saraakiisha nabad-galyada maamulka gobolllka Hiiraan ayaa wada hadal kadib sheegay in ay ugu danbeytii isku afgarteen in si ku-meel-gaar ah loo joojiyo lacago canshuur ah oo laga qaadi jiray ganacsatada ku dhaqan magaalada Baladweyne.

9/2/2012 7:04 AM EST
Axad, September 02, 2012 (HOL) — Burcadbadeedda Soomaalida ayaa toogasho ku dilay nin u dhashay dalka Siiriya oo ka mid ahaa shaqaale la socday markab ay laba sano afduub u haysteen, waxayna dhaawaceen mid kale oo shaqaalaha markabka ka mid ah.

9/2/2012 4:46 AM EST
Axad, September 02, 2012 (HOL) — Tabarkan oo socday muddo afar bilood ah ayaa waxaa soo qaban-qaabiyey shirkadda isgaarsiinta Hormuud oo ka mid ah shirkadaha ka howgala dalka, waxaana tababarkan ka faa'iideystay 12 haween ah oo ka kala yimid gobollada dalka.

9/2/2012 4:05 AM EST
Axad, September 02, 2012 (HOL) — Taliska AMISOM ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen ciidamadooda deegaanka Miido ee gobolka Jubbada hoose oo 25-km u jirta degmada Afmadow halkaasoo ay ka dhaceen dagaallo xooggan labadii maalmood ee lasoo dhaafay, waxaana AMISOM ay sheegtay inay ku waayeen dagaalkaas shan ka mid ah askartooda.

9/2/2012 4:04 AM EST
Axad, September 02, 2012 (HOL) — Maraakiib dagaal ayaa xalay fiidkii duqeymo ka geeystay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose, kuwaasoo ku dhacay qayhbo ka tirsan Kismaayo, waxaana mas'uuliyadda duqaeyntan sheegtay ciidamada AMISOM.