Saturday, May 18, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 2 , 2012
Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo Tababar Umulisonimo ah u soo gaba-gabeyasay Haween ka kala yimid Gobollada Dalka



Axad, September 02, 2012 (HOL) — Tabarkan oo socday muddo afar bilood ah ayaa waxaa soo qaban-qaabiyey shirkadda isgaarsiinta Hormuud oo ka mid ah shirkadaha ka howgala dalka, waxaana tababarkan ka faa'iideystay 12 haween ah oo ka kala yimid gobollada dalka.

Umulisooyinkan ayaa ka kala yimid gobollada gobollada Banaadir, Gedo, Shabellada Dhexe, Bay, Bakool iyo Shabellada Hoose, iyadoo sheegeen inay faa'iidooyin badan oo aysan horay u ogeyn ay ka heleen tababarka.

“Tababarkan waxaan ku baranay waxyaabaha ay hooyada iyo dhallaanku u baahan yihiin sida: In ciddiyaha la iska jaro xilliga ummulinta, qalabka qalliinka oo lagu dhaqo biyo kulul iyo kalooriin, nafaqeynta carruurta, in la cabbiro dhiigga hooyada ka hor xilliga ummulinta iyo waxyaabo kale oo badan,” ayay tiri mid ka mid ah haweenkii loo soo gabgabeeyay tababarka.

Masuul ka tirsan shirkadda Hormuud, Cali sheikh Yaasiin (Cali Fadhaa) oo hadal ka jeediyay xiritaanka tababarka ayaa sheegay inay tababarkaan ugu talo-galeen sidii lagu xoojin lahaa aqoonta umulisooyinka dalka, waxaanan guddoonsiinnay qalab ka caawinaya umulinta.

Haweenka umulisooyinka ah ayaa uga mahadceliyay shirkadda Hormuud tababarka ay siisay; iyagoo sheegay inay ku faraxsan yihiin inay gobolladii ay ka yimaadeen ula laabtaan aqoon ka badan tii ay horay u yiqiinneen.

Waa markii ugu horreysay oo shirkadda Hormuud ay tababar noocan oo kale ah siiso haweenka ka shaqeeya umulinta, iyadoo shirkadda horay looga bartay inay caawiso isbitaallada ka howlgala magaalada Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya




Post your comments

9/3/2012 3:03 AM EST
Axad, September 02, 2012 (HOL) — Hay’adda cilmi-barista iyo wada-tashiga CRD ayaa shalay qalab faneed noocyadiisa kala duwan oo ay ku jiraan qaar casri ah waxay guddoonsiisay kooxda fanaaaniinta Horseed ee ciidamada qalabka sida.

9/2/2012 10:33 PM EST
Axad, September 02, 2012 (HOL) - Ciyaaraha Xageyga ee sanadwalba lagu qabto dalkan Britain gaar ahaan magalada London ayaa maanta la soo gabagabeeyey, iyadoo ay ka qeybqaateen 16 kooxood oo kakala yimid london, Manchester, Birmigham & Leicster.

9/2/2012 2:52 PM EST
Axad, September 2, 2012(HOL):-Xaflad heer sare ah oo uu soo agaasimay Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Koleyga ayaa lagu gunaanaday Tartankii Xiddigaha Kubadda Koleyga ee 2012, iyadoo ay ka soo qeybgaleen mas`uuliyiin kala duwan oo ka socday dhinacyada Olombikada, Maamulka gobolka banaadir iyo Xawaaladda Juba Express oo dhanka Maalgelinta qeyb weyn ka qaadatay.

9/2/2012 2:20 PM EST
Axad, September 2, 2012(HOL): Golaha wakiilada ee Puntland ayaa maanta waxaa u furmay fadhi aan caadi ahayn, kaas oo ajendihiisa ugu weyni uu yahay sidii dib loogu eegi lahaa xeerka axsaabta siyaasadda oo ay todobaadyo kahor baarlamaanku cod aqlabiyad leh kumeel mariyeen.

9/2/2012 2:19 PM EST
Axad, September 2, 2012(HOL): Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland laanteeda gobolka Nugaal, ayaa maanta xukuntay saraakiil ka tirsanaa Booliska oo lagu soo eedeeyey denbi ah in ay ka dhego adeygeen soo wareejinta hub tira badan oo ay hayaan.

9/2/2012 9:39 AM EST
Axad, September 02, 2012 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay dood adag ka yeesheen maanta qodobka dhigayay in murashaxu uu kalsooni ka haysto laabatan xildhibaan, iyadoo xildhibaanadu ay aad uga doodeen qodobkan.

9/2/2012 8:19 AM EST
Axad, September 02, 2012 (HOL) — Maxkamadda Sare ee Somaliland, ayaa go’aamisay in ururadii qiimeynta ku hadhay aanay buuxin shuruudihii laga rabay ururadda siyaasadda ee ka qaybgalaya tartanka doorashooyinka golaha deegaanka ee la filayo inay dhowaan dalka ka dhacdo.

9/2/2012 7:41 AM EST
Axad, September 02, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaarihii hore ee dalka Itoobiya, Meles Zenawi ayaa maanta oo Axad ah kaniisad ku taalla magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaasoo ay ku aasan yihiin xubno uu ka mid yahay boqorkii hore ee Itoobiya, Hayle Salaase.

9/2/2012 7:41 AM EST
Axad, September 02, 2012 (HOL) — Saraakiisha nabad-galyada maamulka gobolllka Hiiraan ayaa wada hadal kadib sheegay in ay ugu danbeytii isku afgarteen in si ku-meel-gaar ah loo joojiyo lacago canshuur ah oo laga qaadi jiray ganacsatada ku dhaqan magaalada Baladweyne.

9/2/2012 7:04 AM EST
Axad, September 02, 2012 (HOL) — Burcadbadeedda Soomaalida ayaa toogasho ku dilay nin u dhashay dalka Siiriya oo ka mid ahaa shaqaale la socday markab ay laba sano afduub u haysteen, waxayna dhaawaceen mid kale oo shaqaalaha markabka ka mid ah.

9/2/2012 5:35 AM EST
Axad, September 02, 2012 (HOL) —Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa laalay in lagu daro ajandaha kalfadhiga 19aad ee golaha wakiiladda kootadda kuraasta ah ee haweenka iyo beelaha laga tirada badan yahay laga siin lahaa baarlamaanka.

9/2/2012 4:05 AM EST
Axad, September 02, 2012 (HOL) — Taliska AMISOM ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen ciidamadooda deegaanka Miido ee gobolka Jubbada hoose oo 25-km u jirta degmada Afmadow halkaasoo ay ka dhaceen dagaallo xooggan labadii maalmood ee lasoo dhaafay, waxaana AMISOM ay sheegtay inay ku waayeen dagaalkaas shan ka mid ah askartooda.

9/2/2012 4:04 AM EST
Axad, September 02, 2012 (HOL) — Maraakiib dagaal ayaa xalay fiidkii duqeymo ka geeystay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose, kuwaasoo ku dhacay qayhbo ka tirsan Kismaayo, waxaana mas'uuliyadda duqaeyntan sheegtay ciidamada AMISOM.