Hiiraan Online
Tuesday, May 21, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Arbaco, Sept 19, 2012
Cuqaal iyo waxgarad ku shiray Boosaaso oo ku baaqay in dib u eegis lagu sameeyo xeerka doorashooyinka Puntland
Arbaco, September 19, 2012 (HOL) — Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxaa maanta ka dhacay kulan balaaran oo ay isugu yimaadeen cuqaasha iyo waxgaradka 4 degmo oo ka kala tirsan gobolada Bari iyo Karkaar, kuwaas oo kala ah: Baargaal, Waaciye, Ufeyn iyo Rako.
Guddoomiyaha nabadoonada gobolka Bari Cabdiqaadir Axmed Ibraahim (Xarago) oo isagu kulankan shir gudoominayey, ugu horeynna madasha ka hadlay, ayaa sheegay in ujeedadiisa ugu weyni ay tahay sidii ay u muujin lahaayeen mowqifkooda ku aadan qodob ay ka biyo diidsan yihiin oo ku jira xeerka doorashooyinka ee uu dhowaan golaha Baarlamaanku meel mariyey.
Qodobkaas oo dhigaya in doorashada goleyaasha deegaanku aysan si isku mid ah uga qabsoomi doonin degmooyinkii jirey burburkii dowladdii Mileteriga kahor oo ah 21 degmo iyo kuwa la magacaabay intii u mamulka Puntland dhisnaa oo iyaguna ah 16, ayuu nabadoon Xarago tilmaamay in uu yahay mid aan cadaaladda ku saleysneyn.
Caaqil Axmed Xaaji Maxamuud oo isna qayb ka ahaa odayaashii goobta ka hadlay, ayaa xusay in cid walba oo wax tebeysaa ay xaq u leedahay in ay cabashadeeda soo gudbiso si loo arko waxna looga qabto.
Wuxuuna intaas raaciyey in kulankan iyo kuwii ka horeeyeyba aysan ahayn kuwo siyaasadeed oo lagu durayo xukuumadda madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed (Faroole), balse ay yihiin kuwo ku aadan sidii loo shaacin lahaa in xeerka doorashooyinku uu yahay mid mudan in dib u eegis lagu sameeyo.
“Ujeedada baaqani waa mid ku saleysan xuquuq raadis, ee ma ahan mid siyaasadeed oo cid gaar ah lagu durayo, waa baaq ka yimid dadka tebaya in ay wax ka maqan yihiin, wax intaas dhaafsiisani kuma jiraan” Caaqil Axmed Xaaji ayaa yiri.
Ugu danbeyntii waxay cuqaashii iyo waxgaradkii kulankan kasoo qayb galay si wada jir ah usoo saareen baaq ka koobnaa dhowr qodob oo ay kamid ahaayeen.
In laga run sheego dimuqraadiyadda, lana dhowro Dastuurka.
In dib u eegis lagu sameeyo xeerka doorashooyinka.
In la dhowro midnimada, meelna looga soo wada jeesto wax walba oo aan guud ahaan bulshada u adeegeyn.
Xeerka doorashooyinka Puntland oo isagu ahaa mid ansixintiisa uu Baarlamaanku caqabado dhowr ah kala kulmay, waxaa jira qaybo kamid ah bulshada oo sheki xoogan ka muujinaya, inkasta oo ay dowladu sheegtay in uu yahay mid aysan wax dhibaato ahi ka iman doonin.
Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
xaajidirir@hiiraan.com
Puntland, Soomaaliya
Post your comments
Fannaanka Super Khaalid iyo Bashiir Mursal Ciise oo Xaafuun lagu xiray
9/19/2012 12:40 PM EST
Arbaco, September 19, 2012(HOL):Waxaa magaalada Xaafuun ee dalka Gobolka Bari lagu xiray Fannaanka Khaalid Abuukar Cadaani (Super Khaalid) iyo Bashiir Mursal Ciise oo la dhashay Fannaanadda Maryan Mursal Ciise, iyagoo haatanna ku jira xabsi ku yaallada degmadaas.
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo sheegay inay si dhow ula shaqeynayaan Hay'adaha Xukuumadda Soomaaliya
9/19/2012 9:20 AM EST
Arbaco, September 19, 2012 (HOL) — Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay inay si dhow ula shaqeynayaan hay'adaha cusub ee dowladda Soomaaliya iyo xafiisyada xukuumadda, waxayna ku dhiirrigeliyeen madaxweynaha cusub, Xasan Sheekh Maxamuud inuu soo dhiso xukuumad loo dhan yahay lalana xisaabtami karo.
Tartan kubada cagta ah oo lagu maamuusayo Alle ha u naxariisteen Inj. Cali Xaaji Shirwac oo ka furmay Magalada Gaalkacyo
9/19/2012 9:19 AM EST
Arbaco, September 19, 2012 (HOL) — Tartan kubada cagta ah oo lagu maamuusayo wax qabadkii Alle ha u naxariistee Eng Cali Xaaji Shirwac ayaa si rasmi ah uga furmay garoonka kubada cagta Cawaale ee degmada Gaalkacyo.
Qunsulkii Safaaradda Soomaaliya ee Wadanka Kenya oo lagu Aasay Magaalada Nairobi kaddib markii uu xalay geeriyooday
9/19/2012 9:12 AM EST
Arbaco, September 19, 2012 (HOL) — Qunsulkii safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya, Maxamed Cismaan Adan (Edson) ayaa maanta lagu aasay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kaddib markii uu xalay ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi.
Qurbo-joogta Beesha Xawaale oo ku tilmaamay gef hadalkii laga sheegay Ugaaska Xawaadle Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif
9/19/2012 8:17 AM EST
Arbaco, September 19, 2012 (HOL) — Qurbo-joogta beesha Xawaadle ayaa gef ku tilmaamay hadallo ay warbaahinta siiyeen shaqsiyaad beesha ka tirsan, kuwaasoo eedeyn ugu soo jeediyeen Ugaaska beesha, Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble.
Ciidammo ka tirsan Al-shabaab oo buux-dhaafiyay Magaalada Kismaayo iyo Idaacaddii Andalus oo dib hawada u soo gashay
9/19/2012 6:30 AM EST
Arbaco, September 19, 2012 (HOL) — Dadka ku dhaqan magaalada Kismaayo ayaa saaka ku waabariistay ciidamo aad u tiro badan iyo gaadiidka nooca dagaalka oo soo oo gaafwareegaya wadooyinka magaalada, waxaana sidoo kale magaalada soo gaaray masuuliyiin sar sare oo katirsan xarakada Al-shabaab.
Mas'uuliyiin iyo Waxgarad ku howlan sidii lagu joojin lahaa Colaad u dhaxeysa beelo ku wada nool Gobolka Galguduud
9/19/2012 6:28 AM EST
Arbaco, September 19, 2012 (HOL) — Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Galguduud, odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda gobollka ayaa siweyn ugu howlan joojinta colaad u dhaxeeya labo beelood oo wada-dega gobolkaas.
Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan la qaatay Xildhibaannada Baarlamaanka Somalia iyo Murashaxiintii xilka kula Tartamay
9/19/2012 4:16 AM EST
Arbaco, September 19, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan kula yeeshay xarunta madaxtooyada xildhibaannada baarlamanka federalka Soomaaliya iyo murashaxiintii xilka madaxweynenimo kula tartamay.
Afhayeenka Xarakada Al-shabaab oo sheegay in Qabshada Magaalada Kismaayo uu ka horreeyo dhiig fara badan oo daata
9/19/2012 3:56 AM EST
Arbaco, September 19, 2012 (HOL) — Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo shir jaraa'id qabtay ayaa sheegay in ka bixitaanka magaalada Kismaayo uu ka horreeyo dhiig badan oo daata, xilli ay ka jirto magaaladaas cabsi weyn dadkuna ay ka barakacayaan.
Kooxo hubeysan oo degmada Afgooye ku dilay Askari ka tirsanaa Ciidanka Dowladda iyo Qaraxyo saakay ka dhacay
9/19/2012 3:35 AM EST
Arbaco, September 19, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose ku toogtay mid ka mid ah askarta ciidamada dowladda Soomaaliya ee halkaas ku sugan, iyadoo saakayna laga maqlay qaraxyo waaweyn.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya oo beeniyay in Weeraradii Ismiidaaminta ahaa ee Muqdsiho uu ku eedeeyay Shariif Sheekh Axmed
9/19/2012 3:11 AM EST
Arbaco, September 19, 2012 (HOL) — Wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya, Sam Ongeri ayaa iska diiday in qaraxii ismiidaaminta ahaa ee toddobaadkii hore lagu weeraray hoteel uu deggenaa madaxweynaha cusub ee Soomaaliya uu ku eedeeyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed.
Somali News
Kenya, Japan begin training Somalia doctors
-
Standard
9/19/2012 4:41 PM EST
Health experts from Somalia, Somaliland, and Puntland are in Kenya for training on strengthening health care programmes.
Civilians Flee Somalia City to Avoid Being Human Shields
-
ABC News Radio
9/19/2012 4:39 PM EST
(WASHINGTON) -- Thousands of residents are fleeing the last Somalia city controlled by Al Qaeda-affiliated militant group Al Shabab, and there are reports that the militants themselves also are leaving Kismayo ahead of an expected military assault.
UN Presses Kenya on Kismayo Civilian Protection
-
VOA
9/19/2012 4:38 PM EST
NAIROBI — As Kenyan troops close in on the al-Shabab militant stronghold of Kismayo, Somalia, United Nations officials are urging armed forces to try to minimize civilian casualties.
Public must remain vigilant against terror
-
Standard
9/19/2012 4:36 PM EST
It is necessary to remind all Kenyans to remain vigilant as our soldiers in the Africa Mission in Somalia (Amisom) prepare for assault on Kismayu.
Al-Shabab Resumes Broadcasting in Key Somali Town
-
VOA
9/19/2012 4:34 PM EST
Somali militant group al-Shabab has resumed radio broadcasts in the key port city Kismayo, vowing to fight to the death against pro-government forces poised to move in.
Norway: Barnaamij Gaar ah oo ku saabsan isbeddelka cusub ee ka socda dalka Soomaaliya
-
HOL
9/19/2012 3:29 PM EST
Norway: Barnaami Gaar ah oo ku saabsan isbeddelka cusub ee ka socda dalka Soomaaliya
Somali rebels pour back into Kismayo, fears of showdown mount
-
Reuters
9/19/2012 2:34 PM EST
MOGADISHU (Reuters) - Hundreds of Somali al Shabaab militants poured into the southern port city of Kismayo on Wednesday raising fears of a bloody showdown with African Union soldiers for control of the rebels' last bastion, residents said.
Two more Canadian-Somali men shot to death
-
Globe and Mail
9/19/2012 3:30 AM EST
Two Canadian-Somali men were shot to death overnight in a notorious part of west-end Toronto.
Somali rebels are said to flee their last coastal stronghold as African troops approach
-
AP
9/19/2012 3:28 AM EST
GALKAYO, Somalia - Fighters from Somalia's Islamist extremist rebels have started to leave their remaining coastal stronghold in the face of advancing allied African troops, residents and a military official said Tuesday.
UNSC Pledges Continued Support To Somalia
-
RTT News
9/19/2012 3:24 AM EST
(RTTNews) - The 15-member United Nations Security Council (UNSC) pledged Tuesday to continue supporting new institutions and offices of the Somali authorities, and urged the country's new President to appoint an inclusive and accountable government.
Kenya offers unrelenting support to newly formed Somalia government
-
Xinhua
9/19/2012 3:22 AM EST
NAIROBI (Xinhua) -- Kenyan government has vowed not to relent on its efforts to stabilize Somalia with the newly formed government now in place.
Somali journalists under fire despite Mogadishu peace dividend
-
Reuters
9/19/2012 3:09 AM EST
MOGADISHU, Sept 19 (Reuters) - They get death threats, they need armed escorts and they never take the same route twice - Somali journalists reporting on events in their largely lawless country have to take extreme measures to survive.