Hiiraan Online
Saturday, May 18, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Axad, Sept 16, 2012
Wararkii ugu dambeeyay ee xiisadaha ka taagan deegaannadii lagu dagaalamay ee Gobolka Jubbada Hoose
Axad, September 16, 2012 (HOL) — Xiisado dagaal ayaa lagu soo waramayaa inay ka taaganyihiin nawaaxiga deegaanka Birta-dheer halkaas oo ay isku horfadhiyaan ciidamada dowladda KMG, kuwa Raaskaambooni iyo Militariga Kenya oo iskaashanaya.
Warar xog ogaal ah oo aan ka heleyno jiida hore ee dagaalka ayaa sheegaya in ciidamamada huwanta ah oo shalay duullaan xooggan ku qaaday saldhig ay Al-shabaab ku lahaayeen duleedka deegaanka birta Dheer ay la kulmeen iska-caabin aad u xooggan oo kaga timid dhanka Al-shabaab, waxaana ciidamada huwanta ah usuurogeliweysay in ay gacanta ku dhigaan deegaanka Birta Dheer.
Dagaalkii shalay oo ahaa mid xooggan islamarkaasina saacado badan qaatay ayaa lagu soo waramayaa in uu sabababay dhimashada shan qof oo dhinacyadii dagaalamayay ah iyo dhaawac intaa ka badan.
Saraakiil u hadashay dhinacyadii dagaalamay ayaa guulo ka sheegtay dagaalkii shalay, iyadoona dhinac walba uu sheegay in uu qasaare u geystay dhanka kale.
Masuuliyiin katirsan maamulka Al-shabaab ee Jubooyinka ayaa sheegay in ay ka go’antahay kahortagga weerarrada ay ciidamada huwanta ah ay ku doonayaan in ay ku qabsadaan magaalada Kismaayo, waxaana gobollada Jubooyinka mudooyinkii ugu danbeeyay kasocday abaabullo ciidan oo ay xoogagga Al-shabaab ciidamo dheeri ah ugu dirayeen furumaha dagaalka ee gobolka Jubada Hoose.
Xaaladda deegaanka Birta dheer ayaa lagu soo waramayaa in saaka ay tahay mid kacsan, waxaana suurogal ah in uu markale halkaasi ka qarxo dagaal xooggan oo dhexmara dhinacayada ishorfadhiya.
Saraakiisha dowladda KMG iyo kuwa Kenya ayaa marar badan ku hanjabay in ay gacanta ku dhigi doonaan magaalada Kismaayo oo la aaminsanyahay in ay tahay isha ugu weyn ee ay xoogagga Al-shabaab dhaqaalaha ka helaan, haseyeeshee ilaa imika waxa u suurogeli la’ in ay ka ka gudbaan difaacyada ay Al-shabaab ku leeyihiin deegaanada galbeed ee gobolka Jubada Hoose.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
hnur@hiiraan.com
Kismaayo, Soomaaliya
Post your comments
Madaxweynaha cusub oo la wareegay hogaanka dalka, kadib xaflad taariikhi ah oo lagu qabtay Muqdisho (SAWIRRO)
9/16/2012 3:34 PM EST
Xaflad taariikhi ah oo ay kasoo qaybgaleen qaar kamid ah hogaamiyayaasha gobolka iyo wufuud ka socota caalamka oo lagu maamuusayay caleema saarka madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Taliska Ciidanka Booliiska Maamulka Gobolka Hiiraan oo ka hadlay dilalka siyaabaha kala duwan uga dhaca Baladweyne
9/16/2012 8:58 AM EST
Axad, September 16, 2012 (HOL) — Taliska booliiska maamulka gobolka Hiiraan ayaa warbaahinta uga warbixiyay dilal siyaabo kala duwan uga dhacay galinkii danbe ee maalintii shalay magaalada Baladweyne.
Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay inuu xoogga saari doono Xasilinta dalka, soo celinta Sharciga iyo Xoojinta Midnimada
9/16/2012 8:20 AM EST
Axad, September 16, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta si rasmi ah ula wareegay xilka madaxweynimo ee dalka ayaa sheegay in dowladda uu dhisayo ay xoogga saari doonto lix qodob oo muhiim ah, kuwaasoo ay ka mid yihiin xasilinta dalka, dib u dhiska dhaqaalaha, soo celinta sharciga iyo adkeynta midnimada Soomaaliya.
Xaflad lagu Taageerayay Isbedelka ka dhacay Waddanka Soomaaliya oo lagu qabtay dalka Sweden (DAAWO SAWIRRO)
9/16/2012 8:14 AM EST
Axad, September 16, 2012(HOL): Magaalada Västerås ee gobolka Västmanland ee dalka Sweden ayaa waxaa lagu qabtay xaflad lagu taageerayay isbedelka ka dhacay dalka Soomaaliya oo hadda helay dowlad buuxda oo aan KMG ahayn.
Dab ka khasaare xooggan geystay oo ka Kacay Suuqa Shidaalka Degmada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose
9/16/2012 7:34 AM EST
Axad, September 16, 2012 (HOL) — Dab xooggan islamarkaasina sababay khasaaro hantiyadeed ayaa maanta duhurkii waxa uu ka kacay suuqa weyn ee shidaalka lagu iibiyo ee loo yaqaan Umbultooriyo, iyadoona dabku sababay burbur soo gaaray qaar kamid ah goobo ganacsi oo ku yaalla halka uu dabka ka kacay.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed oo si rasmi ah u wareejiya xilka Madaxweynenimo ee Soomaaliya
9/16/2012 7:21 AM EST
Axad, September 16, 2012 (HOL) — Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed oo hadal ka jeediyay munaasabadda xil wareejinta ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in Soomaaliya ay ka baxday KMG ay u gudubto xilli ay talinayso dowlad joogto ah.
Wufuud ay ka mid yihiin: Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya oo soo gaaray Magaalada Muqdisho
9/16/2012 3:30 AM EST
Axad, September 16, 2012 (HOL) — Wufuud ay ka mid yihiin madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ra'iisul wasaaraha dalka Itoobiya ee aan weli la dhaarin, Haile Mariam Desaleng, ra'iisul wasaare ku xigeenka dalka Turkiga, Baker Buzdag iyo madaxweyne ku xigeenka Suudaan, Maxamed Cismaan Daaha ayaa soo gaaray Muqdisho, kuwaasoo ka qayb-galaya munaasabadda caleemo-saarka loo sameynayo madaxweynaha Soomaaliya oo Muqdisho ka socota.
Madaxweynaha Soomaaliya oo ku hanjabay inuu Xarakada Al-shabaab la dagaalami doono haddii ay diiddo Nabadda
9/16/2012 3:01 AM EST
Axad, September 16, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay dagaalyahannada Al-shabaab ka tirsan ee Soomaalida ah inay kusoo biiraan hannaanka nabadeed ee dalka, kuwa ajnabiga ahna ay isaga baxaan dalka, isagoo sheegay in ciddii intaas diidda ay dowladdiisu la dagaalami doonto.
Diyaar-garowga Xafladda Caleemo-Saarka Madaxweynaha Soomaaliya oo ka socota Muqdisho iyo ammaanka oo la adkeeyay
9/16/2012 2:56 AM EST
Axad, September 16, 2012 (HOL) — Diyaargarowga xafladda lagu caleemo-saarayo madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si weyn uga socota Muqdisho, iyadoo la xiray garoonka diyaaradaha ee Muqdisho sidoo kalena la fasaxay shaqaalaha dowladda iyo ardayda.
Somali News
President's inauguration marks 'new era' for Somalia, says UN envoy
-
UN
9/16/2012 12:18 PM EST
The top United Nations envoy in Somalia on Sunday hailed the inauguration of President Hassan Sheikh Mohamud as a “new era” for the war-scarred nation and pledged the world body's continued support to help it move forward.
Somalia inaugurates elected president after 20 years of strife
-
Reuters
9/16/2012 12:12 PM EST
MOGADISHU (Reuters) - Somalia's new president Hassan Sheikh Mohamud took office on Sunday, calling for an end to terrorism and piracy in a nation mired in conflict for more than two decades.
Ottawa police officer to open school in Somalia
-
CBC News
9/16/2012 2:40 AM EST
After leading four years of fundraising, Ottawa police Const. Mahamoud Elmi leaves Sunday to open a new school in his native Somalia.
United Nations agency hold talks on refugee repatriation
-
Xinhua
9/16/2012 2:36 AM EST
NAIROBI (Xinhua) -- The Kenyan government and the United Nations will hold talks next week on the possible voluntary repatriation of Somalia refugees who are residing in Kenya, a United Nation official said on Saturday.
Ethiopia in talks over restive region
-
Al Jazeera
9/16/2012 2:31 AM EST
Addis Ababa holding talks with rebel group for restoring peace in conflict-ridden Ogaden region.
Somali President Vows to Reset Security after Assassination Attempt
-
VOA
9/16/2012 2:28 AM EST
Incoming Somali President Hassan Sheikh Mohamud — the target of an assassination attempt earlier this week — says restoring security will be his first order of business once he officially assumes office Sunday.
Wait a minute, here comes Somalia with a blank page
-
Daily Monitor
9/16/2012 2:24 AM EST
As they gathered to welcome the newly-elected President of Somali, Prof. Hassan Sheikh Mohamud, my mind wandered a little bit, landing at the country’s national theatre. I love imaginative stuff and where else, if not inside a theatre?
Two policemen injured in road blast in near Mandera border
-
Xinhua
9/16/2012 2:19 AM EST
MANDERA (Xinhua) -- Two Kenyan policemen were injured on Saturday in an explosion in the northern town of Mandera bordering both Ethiopia and war-ravaged Somalia, local authorities reported.