Hiiraan Online
Friday, May 24, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Sabti, Sept 15, 2012
Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee la dagaalanka Musuq-maasuqa Somalia oo ka Warbixisay halka ay marayaan howlahooda
Sabti, September 15, 2012 (HOL) — Guddiga madaxa-annaan ee la dagaallanka musuqmaasuqa ayaa ka warbixiyay howl in muddo ah uu soo waday oo la xiriirta diiwaan-gelinta hantida Qaranka maadaama dalka uu ku jiro xilli kala guur ah.
Guddoomiyaha guddigan, Khadra Maxamed Ciise oo wareysi gaar ah siisay Radio Bar-kulan ayaa sheegtay in keliya labo wasaaradood ay kasoo jawaabeen codsi ay horey ugu gudbiyeen hay’adaha xukuumaddii KMG ahayd, kaasoo ku saabsanaa soo gudbinta hantida isugu jirta guurtada iyo ma-guurtada ee Qaranka Soomaaliyeed uu leeyahay.
Khadra waxay sheegtay in wasaaradaha arrimaha dibadda iyo tan qorsheynta ay soo gudbiyeen diiwaanka shaqaalihii u shaqeynayay oo isugu jira kuwo joogta ah iyo kuwo aan joogto ahayn. Sidoo kalena ay wasaaradda qorsheynta soo gudbisay hal baabuur oo duq ah, halka wasaaradda arrimaha dibadda aanayn soo gudbin wax baabuur ah, iyadoo labadan wasaaradoodna ay soo wada gudbiyeen fallakii ay ku shaqeynayeen.
Guddoomiyaha guddiga la-dagaalanka musuqmaasuqa waxay sheegay inay wasaaarad kasta ka codsadeen inay si deg-deg ah u soo gudbiso diiwaanka hantida iyo shaqaalaha si dowladda cusub ay u hesho meel ay wax ka billowdo. Waxayna intaas ku dartay in haddii aan hantidaas aan la helin ama aan la diiwaan-gelin ay dowladda cusub ku khasbanaan doonto inay howsha ka billowdo eber oo la mid ah in hantida Qaranka iyo dhaqaalaha dalka ay baaba’een.
“Qalin hadduu yahay waxaan codsaneynaa in wasiirka, madaxweynaha, ra'iisul wasaaraha ama afhayeenka baarlamaanka uu soo gudbiyo, isla markaana uu kaga tago miiskii uu ku shaqeynayay,” ayay tiri khatra.
Ugu dambeyn, Khadra waxay sheegtay inay hay'adaha dowladda ka dalbadeen inay soo gudbiyaan liiska shaqaalaha dowladda oo tifaftiran, heerarkooda, waxay yihiin iyo jagooyinkooda, iyadoo walaac ka muujisay in haddii liiska shaqaalaha la waayo ay noqon doonto in howsha laga soo bilaabo eber.
Guddiga madaxa bannaan ee qaabilsan la dagaallanka musuqmaasuqa ayaa waxaa la magacaabay bishii Jannaayo ee sannadkan 2012, wuxuuna ka koobana yahay sagaal xubnood oo rag iyo dumar isugu jira.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Post your comments
Al-shabaab oo Somalida ugu baaqday inay muujiyaan caradooda kaga aaddan filimkii lagu aflagaadeeyay Nebi Muxamed (NNKH)
9/15/2012 9:37 AM EST
Sabti, September 15, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ee ka dagaalanta dalka Soomaaliya ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed maanta oo Sabti ah inay muujiyaan caradooda ku aaddan filimkii lagu sameeyay Mareykanka ee lagu Nebi Muxamed (NNKH) iyo diinta Islaamka lagu afla-gaadeeyay.
Madaxweynaha cusub ee Soomaliya oo kulan kula yeeshay xafiiskiisa Madaxtooyada Wafdi ka socday Qarammada Midoobay
9/15/2012 9:22 AM EST
Sabti, September 15, 2012 (HOL) — Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulankiisii ugu horreeyay kula yeeshay xafiiskiisa madaxtooyada wafdi ka socday Qaramada Midoobay, kuwaasoo uu hoggaaminayay ku xigeenka xoghayaha guud Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Antinomy Burneury.
Dood-cilmiyeed looga hadlayay guurka qasabka iyo dhibaatooyinka ka dhalan kara oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho
9/15/2012 8:50 AM EST
Sabti, September 15, 2012 (HOL) — Dood-cilmiyeed looga hadlayay guurka qasabka ee gabdhaha lagu guuriyo iyo dhibaatooyinka ka dhalan kara ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho, kaasoo ay ka qayb-galeen Haween ka socday 16-ka degmo ee gobolka Banaadir iyo ururrada haweenka.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo oo ka qayb-galay Qalinjabinta 637 arday oo dhamaystay Jaamacadda Hargeysa
9/15/2012 8:39 AM EST
Sabti, September 15, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), ayaa maanta ka qaybgalay munaasibad ay 637 arday ka qalinjabiyeen jaamacadda Hargeysa.
Dagaal Xooggan oo ka billowday inta u dhexeysa deegaanada Birta-dheer iyo Biibi ee Gobolka Jubbada Hoose
9/15/2012 7:31 AM EST
Sabti, September 15, 2012 (HOL) — War goor-dhow naga soo gaaray deegaanka Birta dheer ayaa sheegaya in nawaaxiga deegaankaasi uu ka qarxay dagaal xooggan oo u dhexeeya ciidamada dowladda KMG oo kaashanaya kuwa Kenya iyo Xarakada Al-shabaab.
Guddoomiyihii hore ee Magaalada Baladweyne Aadan Cabdi Ciise (Aadan Garaaso) oo ku geeriyooday Magaalada Muqdisho
9/15/2012 7:30 AM EST
Sabti, September 15, 2012 (HOL) — Allaha u naxariisteen waxaa xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya guddoomiyhii hore ee degmada Baladweyne Aadan Cabdi Ciise (Aadan Garaaso) sida ay HOL u xaqiijiyeen mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan.
Sheekh Cabdalla Ibraahim "kuwa Nebiga (CSW) u gefay ha ogaadeen in Muslimiin fara badan ay difaacayso sharafta Rasuulka"
9/15/2012 3:33 AM EST
Sabti, September 15, 2012 (HOL) — Waxaa sii kordhaya carrada dadka muslimiinta ah ee caalamku nool ay ka qaadeen gafka ay gaaladu kula kacaan suubanaheenna Muxammed (NNKH) iyadoo malaayiin muslimiin ah ay kacdoon ka samaynayaan filim lagu aflagaadeeyey islaamka oo lagu jilay Maraykanka.
AMISOM oo sheegtay in ciidamadeeda iyo kuwa Dowlada Soomaaliya ay la wareegeen Deegaanka Biibi ee Gobolka Jubbada Hoose
9/15/2012 3:22 AM EST
Sabti, September 15, 2012 (HOL) — Taliska ciidamada AMISOM ayaa war ay soo saareen ku sheegay in ciidamadooda iyo kuwa dowladda oo is-garabsanaya ay la wareegeen gacan ku haynta deegaanka Biibi oo ku dhow degmada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.
Hub iyo walxaha qarxa oo laga helay guri ku yaalla Xaafadda ay Soomaalidu degto ee (Islii) Magaalada Nairobi
9/15/2012 3:18 AM EST
Sabti, September 15, 2012 (HOL) — Booliska dalka Kenya ayaa gacanta ku dhigay rag la tuhunsanyahay in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab iyo hub ay siteen oo ay ka mid ahaayeen suumanka nooca isqarxinta loo isticmaalo, kuwaasoo laga soo qabtay guri ku yaal xaafadda ay Soomaalidu degto ee Eastleigh ama Islii.
Somali News
Al-Shabaab is not done with Somalia
-
RNW
9/15/2012 10:49 AM EST
Only his second day in office and Somalia's new president, Hassan Sheikh Mohamud, was immediately introduced to the mercilessness of militant Islamist group al-Shabaab, when he narrowly escaped a suicide bomb attack at the Jazeera hotel in the capital Mogadishu.
Somali forces, AMISOM capture Bibi town
-
NV
9/15/2012 10:39 AM EST
MOGADISHU, Somalia – Somali government forces together with AMISOM troops have captured the strategic town of Bibi in southern Somalia. The 12.30pm Friday operation presented the forces with little resistance from the Al‐Qaeda affiliated terror group, al‐Shabaab.
Ethiopians Will Soon Learn New PM's Identity
-
VOA
9/15/2012 2:40 AM EST
ADDIS ABABA — Ethiopians will soon learn the identity of their new prime minister. The ruling party, the Ethiopian People’s Revolutionary Democratic Front (EPRDF), is having a council meeting on Friday and Saturday in Addis Ababa.
Former Somali minister criticises Transitional Federal Government
-
Sabahi
9/15/2012 2:33 AM EST
Former Somali minister Abdullahi Godah Barre said little was accomplished during the tenure of the Transitional Federal Government (TFG) due to the its perceived illegitimacy, UN-funded Radio Bar-Kulan reported Friday (September 14th).
Swedish journalists tell of Ethiopia prison ordeal, say terror trial was a ‘sham’
-
AP
9/15/2012 2:08 AM EST
STOCKHOLM — Back home after being imprisoned in Ethiopia for more than a year, two Swedish journalists on Friday dismissed their trial on terror charges as a “sham,” saying they accepted 11-year prison terms to improve their chances of being released.
A Somali leader speaks out
-
Star Tribune
9/15/2012 1:41 AM EST
Hussein Samatar was at the St. Paul Town and Country Club podium Friday pitching for donations for the Minneapolis-based African Development Center (ADC) he founded in 2003.
Push Against Somali Militants Stalls Over Radios, Politics
-
WSJ
9/15/2012 1:34 AM EST
An African Union campaign to storm a bastion of Islamist fighters in Somalia has stalled amid logistical and political disputes, delaying a final push against an insurgency that has for years unnerved neighbors and commandeered tracts of this failed state.
Ilwad Elman: Architect of Her Own Legacy Through Sister Somalia
-
Sister Somalia
9/15/2012 1:19 AM EST
When nineteen year old Ilwad Elman boarded a plane three years ago to visit her mother in Mogadishu she had no idea she wouldn’t be returning. After years of listening to bombs exploding on the other end of the phone, she worried constantly about her mother, Fartun Adan