Tuesday, May 21, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 14, 2012
Ururka Suxufiyiinta Somaliland oo Cambaareeyey xariga laba Wariye loogu geystay Magaalada Boorame ee Gobolka Awdal
Jimco, September 14, 2012 (HOL) — Magaaladda Boorama ee xarunta gobolka Awdal ayaa shalay lagu xidhay laba weriye oo u kala shaqeynayay Telefishinadda Somalisat iyo Telefishanka Bulsho.

Labadan wariye ayaa la kala yidhaa Haashim Good iyo Mursal Cilmi Cumar oo Boorama wakiil uga ah laba Telefishan iyo wargeyska Haatuf, inkastoo si cad loo sheegin sababta dhabta ah ee loo xidhay, hadana waxa la sheegayaa in  xadhigoodu ka dambeeyey Aragti urur ay ka sameeyeen dadweynuhu sida ay u arkeen madaxweynaha cusub ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.

Haseyeeshee xadhiga wariyeyaashan ayey ciidamadda amaanka ee Boorame sheegeen inay u mareen sifo sharci ah.

Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland Xasan Maxamed Yuusuf ayaa cambaareeyey xadhiga lagula kacay labadda wariye, kaas oo uu ku tilmaamay mid sharciga ka baxsan.

Si kastaba ha ahaatee, madaxweynaha cusub ee Somalia waxa hore usoo dhoweeyey madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo iyo dadweynaha Somalilandba, taas oo dambi ahayn in dadweynuhu aragtidoodda ka dhiiban karaan siday u arkaan isbedeladda ka dhacaya geeska afrika.

Xadhiga wariyeyaasha ka hawlgala somaliland ayaa soo badanaya, iyago sifo sharciga loo soo marin la iska xidhayo.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online 
barkhadladiif@hiiraan.com
Hargeysa, Somaliland




Post your comments

9/14/2012 4:45 AM EST
Jimco, September 14, 2012 (HOL) — Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in weerarradii ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday hoteel uu Muqdisho ka deggenaa aysan ka hor-istaagi doonin inay ku sii socdaan jidka horumarka iyo isbedelka Soomaaliya.

9/14/2012 4:43 AM EST
Jimco, September 14, 2012 (HOL) — Waxaa xalay saqdii dhexe gubtey kaam ay dad barakacayaal ahi ku dhaqan yihiin oo ku yaal xaafadda Biyo kulule ee bariga Magaalada Boosaaso, dabka oo ahaa mid xoogan, islamarkaana aan si dhab ah loo ogeyn waxa sababay ayaa hoy la'aan dhigey in ka badan 30 qoys.

9/14/2012 4:29 AM EST
Jimco, September 14, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya iyo ciidamada caawinaya ee AMISOM iyo Itoobiya ayaa waxay sheegeen inaysan dagaalka joojinayn inta ay ka gaarayaan hadafkooda ah in Soomaaliya oo dhan lagu xukumo diinta Islaamka.

9/14/2012 4:18 AM EST
Jimco, September 14, 2012 (HOL) — Bannaanbax ay si wadajir ah u soo qaban-qaabiyeen maamulka gobolka Bay iyo xafiiska hogaanka shacabka iyo hormarinta ee Bay laguna taageerayay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka dhacay garoonka kubadda cagta ee Dr. Ayuub ee magaalada Baydhabo.

9/14/2012 3:59 AM EST
Jimco, September 14, 2012 (HOL) — Taliska ciidamada Milateriga Soomaaliya ayaa sheegay inay ku wajahan yihiin magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada dhexe oo 90-km dhinaca waqooyi kaga beegan Muqdisho, halkaasoo saddexdii sano ee ugu dambeysay ay ka talinaysay Xarakada Al-shabaab.

9/14/2012 3:43 AM EST
Jimco, September 14, 2012 (HOL) — Boqolaal Soomaali ah oo ku xiran xabsi ku yaalla magaalada labaad ee dalka Liibya ugu weyn ee Banghazi ayaa ka cabanaya xorriyad la'aan iyo inaan loo ogoleyn in dalkooda dib loogu celiyo, iyagoo sheeagy in dhibaatooyin adag ay ku haystaan xabsiga ay ku jiraan.

9/14/2012 3:28 AM EST
Jimco, September 14, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in isbedelka dhacay uusan wax saameyn ku yeelan doonin shaqaalaha dowladda, isagoo ballanqaaday inay shaqaaluhu sidii hore u shaqeyn doonaan.

9/14/2012 3:26 AM EST
Jimco, September 14, 2012 (HOL) — Dowladda Mareykanka iyo Qaramada Midoobay ayaa si adag u cambaareeyay weerarradii ismiidaaminta ahaa ee maalin ka hor lagu weeraray hoteel uu Muqdisho ka deggenaa madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.