Thursday, May 23, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 13, 2012
Tajamuca Islaamka Somalia u hambalyo u diray Madaxweyaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud

Khamiis, September 13, 2012 (HOL) — Tajamuca Islaamka Soomaaliya ayaa bayaan ay soo saareen maanta oo Khamiis ah waxay hambalyo ugu direen madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo 10-kii bishan lagu doortay kulan uu baarlamaanku ku yeeshay Muqdisho.


Hambalyooyinka loo dirayo madaxweynaha Soomaaliya ayaa aad u soo kordhaya iyadoo ururro diimeedyada dalka ka jira ay noqonayso markii ugu horreysay oo hamblayo ay u diraan madaxweyne Soomaaliyeed oo la doortay.

"Maamulka Tajamuca Islaamka Soomaaliya wuxuu hamblayo iyo teero ku aaddan doorashadii ka dhacday magaalada Muqdisho 10-kii September ee lagu doortay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud u dirayaan madaxweynaha iyo shacabka Soomaaliyeed," ayaa lagu yiri bayaan uu soo saaray Tajamuca.

Sidoo kale, bayaanka Tajamuca ayaa lagu sheegay in madaxweynaha cusub ay Alle uga baryayaan inuu inuu la garab-galo xilka culus ee loo doortay. Sidoo kalena waxay shacabka Soomaaliyeed ugu baaqeen inay la shaqeeyaan dowladda cusub.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, ayaa doorashadii dhacday toddobaadkan kaga guuleystay madaxweynihii hore, Shariif Sheekh Axmed oo muddo saddex sano iyo bar ah hayay xilka kaddib markii sannadkii 2009 lagu doortay dalka Jabuuti.

Xasan Sheekh ayaa noqonaya madaxweynihii saddexaad oo si dimuqraaddi ah loogu doorto dalka gudihiisa, waxaana doorashadiisa soo dhaweeyay dhammaan dunida, gaar ahaan ururrada caalamiga ah sida Qaramada Midoobay iyo ururro diimeedyada Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya





Post your comments

9/13/2012 8:38 AM EST
Khamiis, September 13, 2012 (HOL) — Magaaladda Gaarisa ee gobolka Selel ayaa dab weyni qabsaday, kaas oo guryo badan ay ku shuf beeleen, ka dib markii la waayey wax lagu bakhtiiyo, balse ay dadku gacantoodda ku bakhtiiyeen dabkii oo aad u weynaa.

9/13/2012 8:23 AM EST
Khamiis, September 13, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), ayaa soo saaray degreeto uu ku mamnuucay in doorashooyinka loo isticmaalo hantidda dadweynaha, ciidamadda dawladda, ururada aan dawliga ahayn, maamulada gobolada iyo degmooyinka, maadaama oo ay yihiin wax ummadda ka dhexeeya.

9/13/2012 8:09 AM EST
Khamiis, September 13, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni oo ka hadlay doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Max'ud ayaa sheegay inay caddeyn u tahay in Soomaaliya ay heshay dowlad buuxda kaddib 21-sano oo colaado ay ka jireen.

9/13/2012 7:51 AM EST
Khamiis, September 13, 2012 (HOL) — Xisbiga UDUB iyo Urur siyaasadeedka NASIYE ayaa sheegay inay qaadaceen doorashooyinka golaha deegaanka ee dhawaan la filayo inay dalka ka dhacaan, iyagoo sheegay inaanay doorashadaasi ka qaybgali doonaanin.

9/13/2012 7:25 AM EST
Khamiis, September 13, 2012 (HOL) — Ugu yaraan 14-qof ayaa u dhintay cudurka daacuunka oo ka dillaacay deegaanka Hoosingoow ee gobolka Jubbada hoose oo 160-km dhinaca koonfureed kaga beegan degmada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

9/13/2012 6:50 AM EST
Khamiis, September 13, 2012 (HOL) — Midowga dhalinyarada Soomaaliyed ee UYS ayaa maanta magaalada Muqdisho ugu qabtay odayaasha dhaqanka dood-cilmiyeed looga hadlayay sidii looga hortagi lahaa in is-hortaaga lagu sameeayo gar-gaarka bani'aadanimada iyo dhaca loo geysto.

9/13/2012 3:28 AM EST
Khamiis, September 13, 2012 (HOL) — Ururka Islaax oo ka mid ah ururrada diiniga ah ee ka jira Soomaaliya ayaa hambalyeynayo u diray madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud; iyagoo sheegay in doorashadan ay tusaale u tahay isbedel siyaasadeed oo dalka ka dhacay.

9/13/2012 2:18 AM EST
Khamiis, September 13, 2012 (HOL) - Madaxweyniha xilka kasii dagaya Shariif Sheekh Axmed ayaa si lama filaan uga raray hoteelkii uu deganaa madaxweynaha cusub ee dalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud.