Hiiraan Online
Saturday, May 25, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Khamiis, Sept 13, 2012
Dab baabi’iyey guryo ku yaallay magaalada Gaarisa ee gobolka Selel iyo laba Caruur ah oo Miinno dhaawacday
Khamiis, September 13, 2012 (HOL) — Magaaladda Gaarisa ee gobolka Selel ayaa dab weyni qabsaday, kaas oo guryo badan ay ku shuf beeleen, ka dib markii la waayey wax lagu bakhtiiyo, balse ay dadku gacantoodda ku bakhtiiyeen dabkii oo aad u weynaa.
Magaaladan Gaarisa oo ku taalla galbeedka Somaliland, ayaan la garanayn waxa sababay dabkaasi, halka wararka qaar sheegayaan inuu dabku ka dhashay Qumac Rasaasta waaweyn ah oo ka hadhay hub ooli jiray dawladdii hore ee Maxamed Siyaad Bare oo xarun ciidan u ahayd.
Ilaa imika ma jiraan warar rasmi ah oo kasoo baxay maamulka degmada Saylac oo ay magaaladdu hoos timaado, haseyeeshee waxa la sheegayaa inay dhawr qof ku dhaawacmeen, hanti badana ku gubatay, maadaama oo halka uu dabku ka qarxay ay ahayd badhtamaha magaaladda.
Dhinaca kale, Laba hablood oo yaryar oo joogay magaaladda Boon ee gobolka Awdal, ayaa ku dhaawacmay miino ku qaraxday, kaas oo la sheegay inay caruurtu ku ciyaaraysay.
Labadan caruur ayaa la kala yidhaa Xanaan Cilmi Cabdilaahi iyo Raxma Mahdi Faarax, da’ooduna lagu sheegay lix jir iyo shan jir, waxaana wararku sheegayaan inay caruurtu ku ciyaaraysay Miinadda oo la sheegay in Roobab maalmihii u dambeeyey magaaladda ka da’ayey ay dibadda u soo saareen.
Hay’adda miino baadhista ee Hallo Trust oo deganaa meel u dhow ayaa usoo gurmadeen qaraxa dhacay, isla markaana qayb kale oo aan wali qarxin ka qaaday meeshii uu qaraxu ka dhacay.
Inta badan waxa dhacda in miinooyinkii hore loo aasay ay daadadku wakhtida roobka soo saareen, kaas oo caruurta ku ciyaarto, ka dibna ay ku qaraxda, waxaanay miinooyinkaasi galaafteen dad iyo duunyo badan.
Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
barkhadladiif@hiiraan.com
Hargeysa, Somaliland
Post your comments
Tajamuca Islaamka Somalia u hambalyo u diray Madaxweyaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud
9/13/2012 9:13 AM EST
Khamiis, September 13, 2012 (HOL) — Tajamuca Islaamka Soomaaliya ayaa bayaan ay soo saareen maanta oo Khamiis ah waxay hambalyo ugu direen madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo 10-kii bishan lagu doortay kulan uu baarlamaanku ku yeeshay Muqdisho.
Madaxweynaha Somaliland oo amar ku bixiyay inaan ololaha doorashada loo adeegsan Hantidda Dadweynaha
9/13/2012 8:23 AM EST
Khamiis, September 13, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), ayaa soo saaray degreeto uu ku mamnuucay in doorashooyinka loo isticmaalo hantidda dadweynaha, ciidamadda dawladda, ururada aan dawliga ahayn, maamulada gobolada iyo degmooyinka, maadaama oo ay yihiin wax ummadda ka dhexeeya.
Madaxweynaha Uganda oo sheegay in Doorashada Madaxweyaha cusub ay caddeyn u tahay in Soomaaliya ay heshay dowlad buuxda
9/13/2012 8:09 AM EST
Khamiis, September 13, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni oo ka hadlay doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Max'ud ayaa sheegay inay caddeyn u tahay in Soomaaliya ay heshay dowlad buuxda kaddib 21-sano oo colaado ay ka jireen.
Xisbiyadda UDUB IYO NASIYE oo Qaadacay Doorashada Golaha Deegaanka Somaliland iyo guddida doorashooyinka oo ka hadlay
9/13/2012 7:51 AM EST
Khamiis, September 13, 2012 (HOL) — Xisbiga UDUB iyo Urur siyaasadeedka NASIYE ayaa sheegay inay qaadaceen doorashooyinka golaha deegaanka ee dhawaan la filayo inay dalka ka dhacaan, iyagoo sheegay inaanay doorashadaasi ka qaybgali doonaanin.
Cudurka Daacuunka oo dad badan ku dilay Deegaanka Hoosingow iyo Waxgaradka oo Hay'adaha Gargaarka u diray Qaylo-dhaan
9/13/2012 7:25 AM EST
Khamiis, September 13, 2012 (HOL) — Ugu yaraan 14-qof ayaa u dhintay cudurka daacuunka oo ka dillaacay deegaanka Hoosingoow ee gobolka Jubbada hoose oo 160-km dhinaca koonfureed kaga beegan degmada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.
Midowga Dhalinyarada Soomaaliyeed ee UYS oo Odayaasha Dhaqanka u qabtay Dood ku saabsan Gargaarka Bani'aadamnimada
9/13/2012 6:50 AM EST
Khamiis, September 13, 2012 (HOL) — Midowga dhalinyarada Soomaaliyed ee UYS ayaa maanta magaalada Muqdisho ugu qabtay odayaasha dhaqanka dood-cilmiyeed looga hadlayay sidii looga hortagi lahaa in is-hortaaga lagu sameeayo gar-gaarka bani'aadanimada iyo dhaca loo geysto.
Ururka Islaax oo u hambalyeeyay Madaxweynaha Soomaaliya, doorashadii dhacdayna ku tilmaamay Isbedel Siyaasadeed
9/13/2012 3:28 AM EST
Khamiis, September 13, 2012 (HOL) — Ururka Islaax oo ka mid ah ururrada diiniga ah ee ka jira Soomaaliya ayaa hambalyeynayo u diray madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud; iyagoo sheegay in doorashadan ay tusaale u tahay isbedel siyaasadeed oo dalka ka dhacay.
Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo si lama filaan ah loogu raray Madaxtooyada kaddib markii la weeraray Hoteelkii uu deggenaa
9/13/2012 2:18 AM EST
Khamiis, September 13, 2012 (HOL) - Madaxweyniha xilka kasii dagaya Shariif Sheekh Axmed ayaa si lama filaan uga raray hoteelkii uu deganaa madaxweynaha cusub ee dalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud.
Somali News
Ethiopia: Video shows a fake firefight was staged to convict two Swedish journalists
-
ER
9/13/2012 11:47 AM EST
SVT can now reveal that the videos that the Ethiopian government used as evidence of the arrest of the Swedish journalists is staged. Our sources even claim that the video was shot two days after Johan Persson and Martin Schibbye were arrested.
Rising Corruption Frets Media Industry in Africa
-
TDN
9/13/2012 11:25 AM EST
Grahamstown, South Africa — MEDIA stakeholders across Africa have raised red flag over increased corruption in the continent's media industry, calling for remedial measures to address the situation.
Mammoth task ahead for new president
-
IRIN
9/13/2012 11:22 AM EST
MOGADISHU (IRIN) - Hassan Sheikh Mohamud’s election as president of Somalia has been heralded as the start of a new era for the troubled Horn of Africa state, which has been mired in conflict for over two decades. Residents of the capital, Mogadishu, say the new president has his work cut out for him.
Attack on Somali president exposes fragile "new era
-
Reuters
9/13/2012 11:17 AM EST
MOGADISHU (Reuters) - The peacekeeper guarding the Mogadishu hotel smiled and said: "Leave your body armour behind. It's safe here."
Djibouti allows Canadian company to develop potash terminal
-
Sabahi
9/13/2012 11:12 AM EST
Canada-based Allana Potash Corporation has signed a memorandum of understanding with Djibouti to develop a potash terminal at Tadjourah port, the company announced in a press release Tuesday (September 11th).
Somali leader taken to presidential complex after attack
-
afp
9/13/2012 9:37 AM EST
MOGADISHU — Somalia's newly elected president Hassan Sheikh Mohamud has been moved to the secure presidential compound following an assassination bid at his hotel, officials said Thursday.
Youtube: Doorashadii Madaxweynaha Soomaaliya - Sept. 10, 2012
-
Soomaal
9/13/2012 12:15 AM EST
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay gudaha dalka ku doortay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.