Hiiraan Online
Thursday, May 23, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Khamiis, Sept 13, 2012
Xisbiyadda UDUB IYO NASIYE oo Qaadacay Doorashada Golaha Deegaanka Somaliland iyo guddida doorashooyinka oo ka hadlay
Khamiis, September 13, 2012 (HOL) — Xisbiga UDUB iyo Urur siyaasadeedka NASIYE ayaa sheegay inay qaadaceen doorashooyinka golaha deegaanka ee dhawaan la filayo inay dalka ka dhacaan, iyagoo sheegay inaanay doorashadaasi ka qaybgali doonaanin.
Labaddan xisbi ayaa hay’adaha ka caawiya Somaliland doorashooyinka u sheegay inay soo faro-galiyaan arrimaha jira, maadaama oo waxyaalo badan oo caqabad ku ah doorashooyinka ay jiraan.
“Maanta markii aanu dib iskugu noqonay xubnaha xisbiga UDUB intiisii madaxda ka ahayd iyo intii gobolada iyo degmooyinka madaxda ka ahayd waxaanu mar labaad ku celinaynaa inaan go,aankayagii ahaa in xisbiga Udub uu qaadacay doorashooyinka golaha deegaanka oo aanaan galaynin ka noqosho lahayn”ayuu yidhi Axmed Xaaji Daahir oo musharax madaxweyne ku xigeenk ka ah xisbiga UDUB.
Xisbiga UDUB ayaa sheegay in aanay wali wax qanciya aanay ka helin guddida doorashooyinka iyo xukuumadda oo ay waraaq ay u qoreen, taasina ay ka dhigan tahay in aan la isku joojinayn, sidaa darteed ay Somaliland ku horumartay is dhagaysi iyo is ixtiraam balse ay xukuumada iyo guddida doorashooyinka wax jawaab ah ka helin codsigii ay u qoreen ee ahaa in dib loogu dhigo wakhtiga la soo xaraynayo musharaxiinta xisbigoodda, lana dhagaysto cabashadoodda.
Sidoo kale, Ururu Siyaasadeedka NASIYE ayaa isna sheegay in aanu ka qaybgalayn doorashooyinka soo socda, isla markaana uu qaadacay, ka dib markii caqabado badan ay kala kulmeen qaabka hawsha loo waddo iyo nidaam adag oo uu sheegay inuu dabrayo musharaxiinta.
Gudoomiyaha NASIYE Axmed Maxamuud Cumar ayaa gudoomiyaha golaha Wakiilada oo ah gudoomiyaha urur siyaasadeedka WADANI Md: Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ku eedeeyey inuu is leekaysiiyey xeerarkii doorashooyinka, isla markaana xeerka doorashoyinka ka dhigay mid isaga u danaynaya, taasinna ay caqabad ku noqotay ururadii kale.
Gudoomiyaha Nasiye waxa kale oo uu tilmaamay lacagta cashuurta ah ee laga qaadayo musharaxiinta golaha deegaanka ee degmooyinka ay ahayd siday degmooyinku u kala darajo sareeyaan ay u kala lacag badato, balse ay isku mid ka dhigeen degmooyinka waaweyn iyo kuwa yaryar, taas oo keentay buu yidhi in ururadda qaarkood ay musharaxiintooda ka bixiyaan lacagta cashuurta ah ee laga rabo, balse ay iyagu arrintaasi ka biyo diideen.
Dhinaca kale, xubno ka tirsan xisbiga UDUB ayaa sheegay in xisbigu taariikh weyn leeyahay, isla markaana aanu baabi’karin, waxaanay uga digeen ururada iyo xisbiyada kale rag magaca xisbiga UDUB sidata aanay ku biiri Karin, maadaama oo xisbigu doorashada uun ka hadhayo balse uu sidiisii ahaan doonno.
Si kastaba ha ahaatee, guddida doorashooyinka Somaliland ayaa sheegay inaan waxba laga bedelayn qaabkii ay u qorsheeyeen doorashooyinka,isla markaana ururadda diyaarka u ah inay galaan ay u qabanayaan doorashooyinka, haseyeeshee guddidu si rasmiya ugamay jawaabin xisbiyadan qaadacay doorashooyinka soo socda iyo waxay ka cabanayaanba.
Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
barkhadladiif@hiiraan.com
Hargeysa, Somaliland
Post your comments
Tajamuca Islaamka Somalia u hambalyo u diray Madaxweyaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud
9/13/2012 9:13 AM EST
Khamiis, September 13, 2012 (HOL) — Tajamuca Islaamka Soomaaliya ayaa bayaan ay soo saareen maanta oo Khamiis ah waxay hambalyo ugu direen madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo 10-kii bishan lagu doortay kulan uu baarlamaanku ku yeeshay Muqdisho.
Dab baabi’iyey guryo ku yaallay magaalada Gaarisa ee gobolka Selel iyo laba Caruur ah oo Miinno dhaawacday
9/13/2012 8:38 AM EST
Khamiis, September 13, 2012 (HOL) — Magaaladda Gaarisa ee gobolka Selel ayaa dab weyni qabsaday, kaas oo guryo badan ay ku shuf beeleen, ka dib markii la waayey wax lagu bakhtiiyo, balse ay dadku gacantoodda ku bakhtiiyeen dabkii oo aad u weynaa.
Madaxweynaha Somaliland oo amar ku bixiyay inaan ololaha doorashada loo adeegsan Hantidda Dadweynaha
9/13/2012 8:23 AM EST
Khamiis, September 13, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), ayaa soo saaray degreeto uu ku mamnuucay in doorashooyinka loo isticmaalo hantidda dadweynaha, ciidamadda dawladda, ururada aan dawliga ahayn, maamulada gobolada iyo degmooyinka, maadaama oo ay yihiin wax ummadda ka dhexeeya.
Madaxweynaha Uganda oo sheegay in Doorashada Madaxweyaha cusub ay caddeyn u tahay in Soomaaliya ay heshay dowlad buuxda
9/13/2012 8:09 AM EST
Khamiis, September 13, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni oo ka hadlay doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Max'ud ayaa sheegay inay caddeyn u tahay in Soomaaliya ay heshay dowlad buuxda kaddib 21-sano oo colaado ay ka jireen.
Cudurka Daacuunka oo dad badan ku dilay Deegaanka Hoosingow iyo Waxgaradka oo Hay'adaha Gargaarka u diray Qaylo-dhaan
9/13/2012 7:25 AM EST
Khamiis, September 13, 2012 (HOL) — Ugu yaraan 14-qof ayaa u dhintay cudurka daacuunka oo ka dillaacay deegaanka Hoosingoow ee gobolka Jubbada hoose oo 160-km dhinaca koonfureed kaga beegan degmada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.
Midowga Dhalinyarada Soomaaliyeed ee UYS oo Odayaasha Dhaqanka u qabtay Dood ku saabsan Gargaarka Bani'aadamnimada
9/13/2012 6:50 AM EST
Khamiis, September 13, 2012 (HOL) — Midowga dhalinyarada Soomaaliyed ee UYS ayaa maanta magaalada Muqdisho ugu qabtay odayaasha dhaqanka dood-cilmiyeed looga hadlayay sidii looga hortagi lahaa in is-hortaaga lagu sameeayo gar-gaarka bani'aadanimada iyo dhaca loo geysto.
Ururka Islaax oo u hambalyeeyay Madaxweynaha Soomaaliya, doorashadii dhacdayna ku tilmaamay Isbedel Siyaasadeed
9/13/2012 3:28 AM EST
Khamiis, September 13, 2012 (HOL) — Ururka Islaax oo ka mid ah ururrada diiniga ah ee ka jira Soomaaliya ayaa hambalyeynayo u diray madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud; iyagoo sheegay in doorashadan ay tusaale u tahay isbedel siyaasadeed oo dalka ka dhacay.
Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo si lama filaan ah loogu raray Madaxtooyada kaddib markii la weeraray Hoteelkii uu deggenaa
9/13/2012 2:18 AM EST
Khamiis, September 13, 2012 (HOL) - Madaxweyniha xilka kasii dagaya Shariif Sheekh Axmed ayaa si lama filaan uga raray hoteelkii uu deganaa madaxweynaha cusub ee dalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud.
Somali News
Ethiopia: Video shows a fake firefight was staged to convict two Swedish journalists
-
ER
9/13/2012 11:47 AM EST
SVT can now reveal that the videos that the Ethiopian government used as evidence of the arrest of the Swedish journalists is staged. Our sources even claim that the video was shot two days after Johan Persson and Martin Schibbye were arrested.
Rising Corruption Frets Media Industry in Africa
-
TDN
9/13/2012 11:25 AM EST
Grahamstown, South Africa — MEDIA stakeholders across Africa have raised red flag over increased corruption in the continent's media industry, calling for remedial measures to address the situation.
Mammoth task ahead for new president
-
IRIN
9/13/2012 11:22 AM EST
MOGADISHU (IRIN) - Hassan Sheikh Mohamud’s election as president of Somalia has been heralded as the start of a new era for the troubled Horn of Africa state, which has been mired in conflict for over two decades. Residents of the capital, Mogadishu, say the new president has his work cut out for him.
Attack on Somali president exposes fragile "new era
-
Reuters
9/13/2012 11:17 AM EST
MOGADISHU (Reuters) - The peacekeeper guarding the Mogadishu hotel smiled and said: "Leave your body armour behind. It's safe here."
Djibouti allows Canadian company to develop potash terminal
-
Sabahi
9/13/2012 11:12 AM EST
Canada-based Allana Potash Corporation has signed a memorandum of understanding with Djibouti to develop a potash terminal at Tadjourah port, the company announced in a press release Tuesday (September 11th).
Somali leader taken to presidential complex after attack
-
afp
9/13/2012 9:37 AM EST
MOGADISHU — Somalia's newly elected president Hassan Sheikh Mohamud has been moved to the secure presidential compound following an assassination bid at his hotel, officials said Thursday.
Youtube: Doorashadii Madaxweynaha Soomaaliya - Sept. 10, 2012
-
Soomaal
9/13/2012 12:15 AM EST
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay gudaha dalka ku doortay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.