Thursday, May 23, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 13, 2012
Cudurka Daacuunka oo dad badan ku dilay Deegaanka Hoosingow iyo Waxgaradka oo Hay'adaha Gargaarka u diray Qaylo-dhaan

Khamiis, September 13, 2012 (HOL) — Ugu yaraan 14-qof ayaa u dhintay cudurka daacuunka oo ka dillaacay deegaanka Hoosingoow ee gobolka Jubbada hoose oo 160-km dhinaca koonfureed kaga beegan degmada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

Suldaan Cabdi-caafi Suladaan Cabdullaahi Xaaji Maxamed oo ka mid ah waxgaradka deegaankaas oo la hadlay HOL ayaa sheegay in dad u dhintay cudurka ay afar ka mid ah yihiin caruur halka tobanka kalena ay yihiin dad waaweyn, sidoo kalena uu cudurku soo ritay 80-qof oo kale.

"Hoosingoow waxaa la dillaacay cudurka daacuunka, wuxuuna dilay 14-qof, sidoo kale 80-qof ayuu soo ritay tiraduna way sii kordhaysaa, mana jiraan dawooyin ku filan oo lagula tacaalo," ayuu yiri suldaan C/caafi oo intaas ku daray in dad is-xilqaamay ay dhawaan geeyeen deegaankaas dawooyin yar.

Deegaanka Hoosingoow ee gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa gacanta ku haya ciidamada dowladda Soomaaliya waxayna soohdinta u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya u jirtaa 50-km oo qura.

"Beesha caalamka iyo dowladda Soomaaliya waxaan ka dalbanaynaa inay gargaar deg-deg ah la gaaraan dadka ku nool deegaankaas oo daacuunku uu dhibaato ku hayo," ayuu yiri Suldaan Cabdicaafi oo intaas ku daray in dadka dhintay qaarkood laga helay howdka iyagoo mayd ah.

Mas'uuliyiin caafimaad oo ku sugan deegaanka Hoosingoow ayaa sheegay qof uu ku dhaco cudurkan uu matag iyo shuban ku waalanayo, iyagoo sheeagy in xaaladdu ay aad u adag tahay.

Ugu dambeyn, suldaan C/caafi wuxuu sheegay inuu madaxweynaha cusub ee Soomaaliya uu hambalyo u dirayo, wuxuuna ugu baaqay dowladda in dadka ku nool deegaanka Hoosingoow ay u gurmato.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya





Post your comments

9/13/2012 9:13 AM EST
Khamiis, September 13, 2012 (HOL) — Tajamuca Islaamka Soomaaliya ayaa bayaan ay soo saareen maanta oo Khamiis ah waxay hambalyo ugu direen madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo 10-kii bishan lagu doortay kulan uu baarlamaanku ku yeeshay Muqdisho.

9/13/2012 8:38 AM EST
Khamiis, September 13, 2012 (HOL) — Magaaladda Gaarisa ee gobolka Selel ayaa dab weyni qabsaday, kaas oo guryo badan ay ku shuf beeleen, ka dib markii la waayey wax lagu bakhtiiyo, balse ay dadku gacantoodda ku bakhtiiyeen dabkii oo aad u weynaa.

9/13/2012 8:23 AM EST
Khamiis, September 13, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), ayaa soo saaray degreeto uu ku mamnuucay in doorashooyinka loo isticmaalo hantidda dadweynaha, ciidamadda dawladda, ururada aan dawliga ahayn, maamulada gobolada iyo degmooyinka, maadaama oo ay yihiin wax ummadda ka dhexeeya.

9/13/2012 8:09 AM EST
Khamiis, September 13, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni oo ka hadlay doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Max'ud ayaa sheegay inay caddeyn u tahay in Soomaaliya ay heshay dowlad buuxda kaddib 21-sano oo colaado ay ka jireen.

9/13/2012 7:51 AM EST
Khamiis, September 13, 2012 (HOL) — Xisbiga UDUB iyo Urur siyaasadeedka NASIYE ayaa sheegay inay qaadaceen doorashooyinka golaha deegaanka ee dhawaan la filayo inay dalka ka dhacaan, iyagoo sheegay inaanay doorashadaasi ka qaybgali doonaanin.

9/13/2012 6:50 AM EST
Khamiis, September 13, 2012 (HOL) — Midowga dhalinyarada Soomaaliyed ee UYS ayaa maanta magaalada Muqdisho ugu qabtay odayaasha dhaqanka dood-cilmiyeed looga hadlayay sidii looga hortagi lahaa in is-hortaaga lagu sameeayo gar-gaarka bani'aadanimada iyo dhaca loo geysto.

9/13/2012 3:28 AM EST
Khamiis, September 13, 2012 (HOL) — Ururka Islaax oo ka mid ah ururrada diiniga ah ee ka jira Soomaaliya ayaa hambalyeynayo u diray madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud; iyagoo sheegay in doorashadan ay tusaale u tahay isbedel siyaasadeed oo dalka ka dhacay.

9/13/2012 2:18 AM EST
Khamiis, September 13, 2012 (HOL) - Madaxweyniha xilka kasii dagaya Shariif Sheekh Axmed ayaa si lama filaan uga raray hoteelkii uu deganaa madaxweynaha cusub ee dalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud.