Sunday, May 26, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 12, 2012
Afhayeenka Baarlamaanka Somalia oo sheegay in Madaxweynaha cusub la caleemo saari doono Todobaadka soo socda
Arbaco, September 12, 2012 (HOL) — Afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay maanta oo Arbaco in la caleemo saari doono toddobadka soo socda, kaddib markii Isniintii toddobaadkan uu cod aqlabiyad ah kaga adkaaday madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed.

Prof. Jawaari ayaa sheegay in go'aankan ay gaareen guddoonka baarlamaanka ayna gaarsiiyeen xildhibaannada baarlamanka, balse si rasmi ah uma uusan sheegin halka ay ka dhacayso xaflada caleemo-saarka ah.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo caleemo-saarkiisa kaddib si rasmi ah ula wareegi doona talada dalka ayaa wuxuu wajahayaa howl adag, kuwaasoo ay ka mid tahay sugidda amaanka iyo dib u dhiska dalka.

Caleemo saarka ayaa lagu wadaa inay ka qaybgalaan wufuud kala duwan oo ka socda caalamka, iyadoo caleemo saarkan uu noqonayo kii ugu horreeyay oo ka dhaca Sooamaaliya muddo afartameeyo sano ka badan.

Sidoo kale, madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa noqonaya kii saddexaad oo uu si xor u soo doorteen xildhibaannada Soomaaliyeed tan iyo sannadkii 1967-kii oo baarlamaankii xilligaas uu madaxweynaha dalka u doortay C/rashiid Cali Sharma'arke.

Dalka Soomaaliya ayaa ka baxaya xilli KMG ah oo muddo 21 sano ay kusoo shaqeynayeen dowladihii soo maray oo ay hareeyeen muran, iyadoo shacabka Soomaaliyeed ay rajeynayaan in dowladdan ay noqoto middii dalka u horseedi lahayd horumar iyo barwaaqo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya




Post your comments

9/12/2012 10:47 AM EST
Arbaco, September 12, 2012 (HOL) — Xaflad si heer sare loosoo agaasimay oo lagu taageerayey madaxweynaha cusub ee Soomaaliya iyo gudoomiyaha baarlamaanka ayaa xalay lagu qabtay magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika.

9/12/2012 10:46 AM EST
Arbaco, September 12, 2012 (HOL) — Munaasabad ballaaran oo lagu taageerayay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu qabtay hoteelka City Palace ee magaalada Muqdisho, kaasoo ay ka qeyb-galeen illaa 400-ruux oo ka socday qaybaha kala duwan ee bulshada, sida mas'uuliyiintii dowladdii hore, xildhibaanno, siyaasiyiin, aqoonyahanno, culumaa'uddiin, dhallinyaro, odayaal dhaqameedyo iyo haween.

9/12/2012 10:33 AM EST
Arbaco, September 12, 2012 (HOL) — Dibadbax ay ka qeybgaleen dad qaybaha bulshada ka kooban, isla markaana lagu teegeerayay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xassan Shiikh Max’uud ayaa maanta ka dhacay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

9/12/2012 9:58 AM EST
Arbaco, September 12, 2012 (HOL) — Madaxweynaha dalka Itoobiya, Girma Wolde-Giorgis ayaa u hambalyeeyay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo lagu doortay kulan ka dhacay Muqdisho maalintii Isniinta ahayd ee lasoo dhaafay.

9/12/2012 9:10 AM EST
Arbaco, September 12, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa bayaan ay kasoo saartay doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya aysan ahayn mid ay dani ugu jirto shacabka Soomaaliyeed, iyadoo sheegtay inay wataan dalal cadow ku ah Soomaaliya.

9/12/2012 7:30 AM EST
Arbaco, September 12, 2012 (HOL) — Ugu yaraan sagaal qof ayaa ku dhintay laba qarax oo waaweyn oo ka dhacay hoteelka Jaziira oo uu daggan yahay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo ku yaalla agagaarka garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, waxaana dadka dhintay ku dhintay ka mid ah askar ka tirsan ciidamada AMISOM, kuwa Soomaaliya iyo kooxihii weerarka fuliyay.

9/12/2012 6:45 AM EST
Arbaco, September 12, 2012 (HOL) — Xiisado dagaal ayaa saaka ka taagan deegaanka Harboole ee duleedka Afmadow halkaasoo ay shalay dagaallo culus ku dhexmareen ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Kenya oo isgarabsanaya iyo xoogagga Al-shabaab.

9/12/2012 5:22 AM EST
Arbaco, September 12, 2012 (HOL) — Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay kulan ay albaabbadu u xiran yihiin ku yeeshay madaxtooyada Soomaaliya, waxanaa goob-joog ka ahaa kulankaas guddoomiyaha baarlamaanka federaalka, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

9/12/2012 5:22 AM EST
Arbaco, September 12, 2012 (HOL) — Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay sideed kalena waxaa soo gaaray dhaawacyo kala duwan kaddib markii uu qarax xooggan ka dhacay xaafadda Jiira-garoob ee degmada Yaaqshiid, kaasoo haleelay mid ka mid ah gaadiidka dadweynaha ee BL-ka loo yaqaan.