Wednesday, May 22, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 12, 2012
Somalida ku nool South Africa oo si wadajir ah u taageey Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya iyo Guddoonka Baarlamaanka

Arbaco, September 12, 2012 (HOL) — Xaflad si heer sare loosoo agaasimay oo lagu taageerayey madaxweynaha cusub ee Soomaaliya iyo gudoomiyaha baarlamaanka ayaa xalay lagu qabtay magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika.

Xafladan oo ay soo qabanqaabiyeen ganacstada Soomaalida ee Koonfur Afrika ayaa waxa kasoo qayb-galay bulshada qaybaheeda kala duwan kuwaasoo damaashaad iyo dabaal-dagyada kasoo billaabay illaa Bellville oo ah xaafad ay Soomaalida u badan tahay.

Munaasabadani oo ahayd tii ugu horreysay oo lagu soo dhaweynayay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud ee lagu qabtay magaalada Cape town ama guud ahaan dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ka hadlay Soomaali fara badan oo dalkaas ku nool.


Taliyaha booliiska deegaanka ay Soomaalida u badan tahay ee Bellville iyo madax sare oo ka socota xisbiga Talada dalka Koonfur Afrika haya ee ANC ayaa ka mid ahaa xubnihii ka qaybalay munaasabadan, iyagoo ku bogaadiyay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya iyo guud ahaan baarlamaanka dhawaan shaqadiisa bilaabay.

Habeen hore ayay ahayd markii la doortay madaxweynahay Soomaaliya kaasoo dabaal-deg loogu sameynayay Koonfur Afrika uu ku geeriyooday hal qof ayna ku dhaawacmeen afar kale oo haweeney ay ku jirto, waxayna dhammaantood wax ku noqdeen shil gaari oo ka dhacay degaanka Bellville ee Magaalada Cape Town.




Maxamed Deeq Muuse Nuur
Deeqdarajo36@hotmail.com
Cape Town, South Africa




Post your comments

9/12/2012 10:48 AM EST
Arbaco, September 12, 2012 (HOL) — Afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay maanta oo Arbaco in la caleemo saari doono toddobadka soo socda, kaddib markii Isniintii toddobaadkan uu cod aqlabiyad ah kaga adkaaday madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed.

9/12/2012 10:46 AM EST
Arbaco, September 12, 2012 (HOL) — Munaasabad ballaaran oo lagu taageerayay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu qabtay hoteelka City Palace ee magaalada Muqdisho, kaasoo ay ka qeyb-galeen illaa 400-ruux oo ka socday qaybaha kala duwan ee bulshada, sida mas'uuliyiintii dowladdii hore, xildhibaanno, siyaasiyiin, aqoonyahanno, culumaa'uddiin, dhallinyaro, odayaal dhaqameedyo iyo haween.

9/12/2012 10:33 AM EST
Arbaco, September 12, 2012 (HOL) — Dibadbax ay ka qeybgaleen dad qaybaha bulshada ka kooban, isla markaana lagu teegeerayay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xassan Shiikh Max’uud ayaa maanta ka dhacay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

9/12/2012 9:58 AM EST
Arbaco, September 12, 2012 (HOL) — Madaxweynaha dalka Itoobiya, Girma Wolde-Giorgis ayaa u hambalyeeyay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo lagu doortay kulan ka dhacay Muqdisho maalintii Isniinta ahayd ee lasoo dhaafay.

9/12/2012 9:10 AM EST
Arbaco, September 12, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa bayaan ay kasoo saartay doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya aysan ahayn mid ay dani ugu jirto shacabka Soomaaliyeed, iyadoo sheegtay inay wataan dalal cadow ku ah Soomaaliya.

9/12/2012 7:30 AM EST
Arbaco, September 12, 2012 (HOL) — Ugu yaraan sagaal qof ayaa ku dhintay laba qarax oo waaweyn oo ka dhacay hoteelka Jaziira oo uu daggan yahay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo ku yaalla agagaarka garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, waxaana dadka dhintay ku dhintay ka mid ah askar ka tirsan ciidamada AMISOM, kuwa Soomaaliya iyo kooxihii weerarka fuliyay.

9/12/2012 6:45 AM EST
Arbaco, September 12, 2012 (HOL) — Xiisado dagaal ayaa saaka ka taagan deegaanka Harboole ee duleedka Afmadow halkaasoo ay shalay dagaallo culus ku dhexmareen ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Kenya oo isgarabsanaya iyo xoogagga Al-shabaab.

9/12/2012 5:22 AM EST
Arbaco, September 12, 2012 (HOL) — Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay kulan ay albaabbadu u xiran yihiin ku yeeshay madaxtooyada Soomaaliya, waxanaa goob-joog ka ahaa kulankaas guddoomiyaha baarlamaanka federaalka, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

9/12/2012 5:22 AM EST
Arbaco, September 12, 2012 (HOL) — Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay sideed kalena waxaa soo gaaray dhaawacyo kala duwan kaddib markii uu qarax xooggan ka dhacay xaafadda Jiira-garoob ee degmada Yaaqshiid, kaasoo haleelay mid ka mid ah gaadiidka dadweynaha ee BL-ka loo yaqaan.