Friday, May 24, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 12, 2012
Dibadbax lagu taageerayo Madaxweynaha cusub ee Somalia oo ka dhacay Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan

Arbaco, September 12, 2012 (HOL) — Dibadbax ay ka qeybgaleen dad qaybaha bulshada ka kooban, isla markaana lagu teegeerayay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xassan Shiikh Max’uud ayaa maanta ka dhacay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Dadka isku soo baxay oo sitay sawirka madaxweyne Xassan Shiikh Max’uud ayaa ku qeylinayay erayo ay ku taageerayaan doorashadii Isniintii ina dhaaftay ka dhacday magaalada Muqdisho iyo guusha uu gaaray madaxweynaha cusub.

Dadkii ka qeyb-qaatay dibadbax ayaa waxaa la hadllay mas’uuliyiinta ka tirsan maamulka gobollka Hiiraan oo ay ka mid ahaayeen duqa degmada Baladweyne Max’ed Xassan Nuuriye iyo afhayeenka maamulka gobollka Max’ed Nuur Caga-joof.

Labada mas’uul ayaa sheegay in Soomaaliya cagta saartay wadadii nabad-galyada iyo dimuquraadiyada, madaama sida ay hadalka u dhigeen 42 sano kadib bulshada Soomaaliyeed ku guuleysteen in ay madaxdooda ku doortaan gudaha dalka Soomaaliya.


"Waxaan halka bogaadin uga direynaa guddoonka baarlamaanka, xildhibaannada, iyo madaxweynaha cusub, waxaan leenahay hanbalyo, mas’uuliyad ayaad qaadeen, waa in aad la timaadaa is badal cusub, horayna u sii dhaqaajisaa howlaha idin hore yaala,’’ ayuu yiri afhayeenka maamulka gobollka Hiiraan Max’ed Nuur Caga-joof oo la hadllay dadkii isku soo baxay.

Dadweynaha qaarkood oo ay HOL la hadashay ayaa sheegay in ay siweyn u soo dhaweynayaan madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xassan Shiikh Max’uud, iyaga oo ka rajeeyay dhameystirka howlaha qabyada ah ee hor yaala, gaar ahaan wax ka qabashada nabad-galyada.

Marka laga soo  tago dibadbaxa sidoo kale waxaa magalaada gaaf-wareegayay gadiid lagu soo xiray codbaahiye, kuwaasoo tabinayay sugaan wadani ah, dadkana ku boorinayay in ay la shaqeeyaan dowladda cusub ee Soomaaliya.



C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
Diini@hiiran.com
Baladweyne, Soomaaliya




Post your comments

9/12/2012 10:48 AM EST
Arbaco, September 12, 2012 (HOL) — Afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay maanta oo Arbaco in la caleemo saari doono toddobadka soo socda, kaddib markii Isniintii toddobaadkan uu cod aqlabiyad ah kaga adkaaday madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed.

9/12/2012 10:47 AM EST
Arbaco, September 12, 2012 (HOL) — Xaflad si heer sare loosoo agaasimay oo lagu taageerayey madaxweynaha cusub ee Soomaaliya iyo gudoomiyaha baarlamaanka ayaa xalay lagu qabtay magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika.

9/12/2012 10:46 AM EST
Arbaco, September 12, 2012 (HOL) — Munaasabad ballaaran oo lagu taageerayay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu qabtay hoteelka City Palace ee magaalada Muqdisho, kaasoo ay ka qeyb-galeen illaa 400-ruux oo ka socday qaybaha kala duwan ee bulshada, sida mas'uuliyiintii dowladdii hore, xildhibaanno, siyaasiyiin, aqoonyahanno, culumaa'uddiin, dhallinyaro, odayaal dhaqameedyo iyo haween.

9/12/2012 9:58 AM EST
Arbaco, September 12, 2012 (HOL) — Madaxweynaha dalka Itoobiya, Girma Wolde-Giorgis ayaa u hambalyeeyay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo lagu doortay kulan ka dhacay Muqdisho maalintii Isniinta ahayd ee lasoo dhaafay.

9/12/2012 9:10 AM EST
Arbaco, September 12, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa bayaan ay kasoo saartay doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya aysan ahayn mid ay dani ugu jirto shacabka Soomaaliyeed, iyadoo sheegtay inay wataan dalal cadow ku ah Soomaaliya.

9/12/2012 7:30 AM EST
Arbaco, September 12, 2012 (HOL) — Ugu yaraan sagaal qof ayaa ku dhintay laba qarax oo waaweyn oo ka dhacay hoteelka Jaziira oo uu daggan yahay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo ku yaalla agagaarka garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, waxaana dadka dhintay ku dhintay ka mid ah askar ka tirsan ciidamada AMISOM, kuwa Soomaaliya iyo kooxihii weerarka fuliyay.

9/12/2012 6:45 AM EST
Arbaco, September 12, 2012 (HOL) — Xiisado dagaal ayaa saaka ka taagan deegaanka Harboole ee duleedka Afmadow halkaasoo ay shalay dagaallo culus ku dhexmareen ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Kenya oo isgarabsanaya iyo xoogagga Al-shabaab.

9/12/2012 5:22 AM EST
Arbaco, September 12, 2012 (HOL) — Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay kulan ay albaabbadu u xiran yihiin ku yeeshay madaxtooyada Soomaaliya, waxanaa goob-joog ka ahaa kulankaas guddoomiyaha baarlamaanka federaalka, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

9/12/2012 5:22 AM EST
Arbaco, September 12, 2012 (HOL) — Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay sideed kalena waxaa soo gaaray dhaawacyo kala duwan kaddib markii uu qarax xooggan ka dhacay xaafadda Jiira-garoob ee degmada Yaaqshiid, kaasoo haleelay mid ka mid ah gaadiidka dadweynaha ee BL-ka loo yaqaan.