Tuesday, June 18, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 12, 2012
Xiisad dagaal oo ka taagan Goobihii ay shalay ku dagaalameen Ciidamada, Kenya iyo Al-shababa ee Gobolka Jubbada Hoose
Arbaco, September 12, 2012 (HOL) — Xiisado dagaal ayaa saaka ka taagan deegaanka Harboole ee duleedka Afmadow halkaasoo ay shalay dagaallo culus ku dhexmareen ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Kenya oo isgarabsanaya iyo xoogagga Al-shabaab.

Dagaalkii shalay oo ahaa mid aad u xooggan islamarkaasina qaatay saacado badan ayaa lagu soo waramayaa in uu sababay khasaarooyin lixaad leh, wallow aan la cadeyn Karin tirade rasmiga ah ee dadka ku waxyeeloobay.

Saraakiil u hadashay labada dhinac ayaa guulo ka sheegtay dagaalkii shalay, waxaana afhayeenka ciidamada dowladda ee Jubooyinka Max’ed Faarax Daahir uu sheegay in dagaalkii shalay ay khasaarooyin lixaad leh ugu geeysteen xoogagga Al-shabaab.

Taliyaha ayaa sheegay in ay wiiqeen awoodii Al-shabaab islamarkaasina ay markan u fududahay in ay si fudud u qabsadaan Kismaayo, wuxuuna sheegay in dhankooda aysan jirin wax khasaaro weyn ah oo kasoo gaaray dagaalkii shalay.

Dhinaca kale saraakiil iyaguna u hadashay Al-shabaab ayaa sheegay in ay dagaalkii shalay ciidamada Kenya uga dileen askar badan islamarkaasina ay dib isaga caabiyeen, waxayna sheegeen in ay haatan kaabiga ku hayaan magaalada Afmadow.

Goobjoogayaal ku sugan Afmadow ayaa HOL u sheegay in saaka laga cabsi qabo in markale ay dagaallo ka qarxaan goobihii shalay lagu dagaalamay oo ay labada ciidan isku horfadhiyaan waxaana suurogal ah in uu halkaasi dagaal ka qarxo saacad walba.

Ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Kenya ayaa qorsheynayay in ay dagaal ku qabsadaan magaalada Kismaayo oo ay siweyn ugu xoogganyihiin Al-shabaab, haseyeeshee waxa usuurogeliweysay in ay ka gudbaan difaacyada ay Al-shabaab ku leeyihiin deegaanada dhanka galbeed uga began Kismaayo halkaasoo Xarakada Al-shabaab ay isugu geysay kumannaan katirsan ciidamadeeda si ay u difaacaan magaalada Kismaayo.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
hnur@hiiraan.com
Kismaayo, Soomaaliya




Post your comments

9/12/2012 10:48 AM EST
Arbaco, September 12, 2012 (HOL) — Afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay maanta oo Arbaco in la caleemo saari doono toddobadka soo socda, kaddib markii Isniintii toddobaadkan uu cod aqlabiyad ah kaga adkaaday madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed.

9/12/2012 10:47 AM EST
Arbaco, September 12, 2012 (HOL) — Xaflad si heer sare loosoo agaasimay oo lagu taageerayey madaxweynaha cusub ee Soomaaliya iyo gudoomiyaha baarlamaanka ayaa xalay lagu qabtay magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika.

9/12/2012 10:46 AM EST
Arbaco, September 12, 2012 (HOL) — Munaasabad ballaaran oo lagu taageerayay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu qabtay hoteelka City Palace ee magaalada Muqdisho, kaasoo ay ka qeyb-galeen illaa 400-ruux oo ka socday qaybaha kala duwan ee bulshada, sida mas'uuliyiintii dowladdii hore, xildhibaanno, siyaasiyiin, aqoonyahanno, culumaa'uddiin, dhallinyaro, odayaal dhaqameedyo iyo haween.

9/12/2012 10:33 AM EST
Arbaco, September 12, 2012 (HOL) — Dibadbax ay ka qeybgaleen dad qaybaha bulshada ka kooban, isla markaana lagu teegeerayay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xassan Shiikh Max’uud ayaa maanta ka dhacay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

9/12/2012 9:58 AM EST
Arbaco, September 12, 2012 (HOL) — Madaxweynaha dalka Itoobiya, Girma Wolde-Giorgis ayaa u hambalyeeyay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo lagu doortay kulan ka dhacay Muqdisho maalintii Isniinta ahayd ee lasoo dhaafay.

9/12/2012 9:10 AM EST
Arbaco, September 12, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa bayaan ay kasoo saartay doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya aysan ahayn mid ay dani ugu jirto shacabka Soomaaliyeed, iyadoo sheegtay inay wataan dalal cadow ku ah Soomaaliya.

9/12/2012 7:30 AM EST
Arbaco, September 12, 2012 (HOL) — Ugu yaraan sagaal qof ayaa ku dhintay laba qarax oo waaweyn oo ka dhacay hoteelka Jaziira oo uu daggan yahay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo ku yaalla agagaarka garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, waxaana dadka dhintay ku dhintay ka mid ah askar ka tirsan ciidamada AMISOM, kuwa Soomaaliya iyo kooxihii weerarka fuliyay.

9/12/2012 5:22 AM EST
Arbaco, September 12, 2012 (HOL) — Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay kulan ay albaabbadu u xiran yihiin ku yeeshay madaxtooyada Soomaaliya, waxanaa goob-joog ka ahaa kulankaas guddoomiyaha baarlamaanka federaalka, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

9/12/2012 5:22 AM EST
Arbaco, September 12, 2012 (HOL) — Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay sideed kalena waxaa soo gaaray dhaawacyo kala duwan kaddib markii uu qarax xooggan ka dhacay xaafadda Jiira-garoob ee degmada Yaaqshiid, kaasoo haleelay mid ka mid ah gaadiidka dadweynaha ee BL-ka loo yaqaan.