4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 10, 2012
Dabaaldagyo lagu soo dhawaynayo madaxweynaha cusub oo laga dareemay Muqdisho iyo Puntland oo u hambalyaysay
HOL.jpg

Isniin, September 10, 2012(HOL) - Kadib markii ay baarlamaanka Soomaaliya si aqlabiyad ah ugu codeeyeen madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho laga maqlay sawaxanka rasaasta.

Qaar kamid ah dadweynaha ayaa kor u riday xabado ay ugu dabaal dagayaan doorashadii caawa soo gabagabooday ee lagu soo doortay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

Inkastoo la xiray wadooyinka caasimada oo dhan oo jidgooyooyin ay dhigteen ciidamada ammaanka ayaa hadana dadweynuhu ay muujiyeen farxadooda ku aadan doorashada sida nabadgalyada ah uga dhacday magaalada Muqdisho.

Dadweynaha ayaa malaysan waayay khudbadii uu ku qiray in laga guulaystay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, taasoo aan looga baran hogaamiyayaasha Afrikaanka ah, keentayna inay walaaca ka saarto dadweynaha caasimada.

HOL9.jpg

Madaxweyne Sheekh Shariif oo si wayn loogu sacabiyay ayaa sheegay inuu u hambalyaynayo madaxweynaha cusub doorashaduna ay ahayd mid xaq iyo xalaal u dhacday.

Madaxweynaha dawlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole aayaa isna bogaadiyay madaxweynaha cusub, isagoo sheegay inuu yahay aqoonyahan dhalinyaro ah,ayna la shaqayn doonaan.

Doorashadii maanta ka dhacday Soomaaliya ayaa taariikhda gali doonta, iyadoo 43 sannadood kadib ay awooda dalka si nabad ah ula kala wareegeen labada madaxweyne, gudaha magaalada Muqdisho.

Waxaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay ka dhacdo Muqdisho xaflad lagu caleema saarayo madaxweynaha cusub sida uu shaaciyay gudoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaarii.

Soomaaliya ayaa u muuqata inuu u bilowday bog cusub kadib markii meesha laga saaray madaxdii hogaaminaysay DKMG ahayd ee wakhtigeedii dhammaaday.

HOL12.jpg
HOL3.jpg
HOL4.jpg
HOL11.jpg
HOL2.jpg
HOL5.jpg
HOL6.jpg
HOL7.jpg
HOL8.jpg
HOL10.jpg

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho , Soomaaliya