3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 10, 2012
Xildhibaannadii horay loogu diiday inay Baarlamaanka ka mid noqdaan oo Maanta la dhaariyay si ay doorashada uga Qaybgalaan
Isniin, September 10, 2012 (HOL) — Xildhibaannadii horay loogu diiday inay ka mid noqon doonaan baarlamaanka Soomaaliya oo ay ku jiraan hoggaamiye kooxeedyadii hore ee Soomaaliya ayaa la dhaariyay maanta si ay uga qaybgalaan doorashada madaxweynenimo ee Soomaaliya.

Mudanayaashan oo tiradoodu ahayd 20 xubnood ayaa waxaa go'aan kasoo gaaray guddi loo saaray arrintooda, iyadoo intii aan la dhaarin ka hor cod kalsoonida looga qaaday xildhibaannada baarlamaanka oo tiradoodu ahayd 242-mudane.

Codeyntii loo qaaday mudanayaashan ayaa waxaa ogolaatay 98 xildhibaan, waxaa diidday 85-mudane, sagaal mudane ayaa ka aamusay 50 xildhibaanna ma codeyn, iyadoo markaas kaddib uu guddoomiyaha baarlamaanka uu ku dhawaaqay inay yihiin ansax lana dhaarinayo.

Xildhibaannada la dhaariyay ayaa waxaa ka mid ahaa: Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Finish), Maxamed Qanyare Afrax, Maxamed Ibraahim Xaabsade, Sheekh Aadan Madoobe, Maxamed Xuseen Afaraale, C/raxmaan Xaaji Aadan Ibbi iyo xubno kale.

Xaruunta baarlamaanka ayaa waxaa hareeyay buuq iyo sawaxan markii guddoonka uu ku dhawaaqay in la dhaarinayo xildhibaannadii ay maxkamadda sare xukuntay inay ka mid noqdaan baarlamaanka, balse dadaallo badan kaddib waxaa la gaaray xal.

Mudanayaashan ayaa waxay tirada xidlhibaannada baarlamaanka ee dooranaya madaxweynaha Soomaaliya ka dhigayaan 262 xildhibaan, iyadoo lagu wado in isla maanta ay doorashadu soo gabgabowdo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
9/10/2012 6:47 PM EST
Kadib markii ay baarlamaanka Soomaaliya si aqlabiyad ah ugu codeeyeen madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho laga maqlay sawaxanka rasaasta.

9/10/2012 2:10 PM EST
Isniin, September 10, 2012(HOL): Waxaa si aqlabiyad leh ugu guuleystay madaxweynenimada Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo wareeggii ugu dambeeyay ee doorashada madaxweynenimada uga adkaaday Madaxweynihii hore Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

9/10/2012 7:35 AM EST
Isniin, September 10, 2012 (HOL) — Hay'adaha CPD iyo SOYDEN oo ka shaqeeya arrimaha horumarinta dhallinyarada ayaa soo gabgabeeyay tababar muddo sideed bilood socday oo lagu tababarayay dhallinyaro ay saameyn ku yeesheen colaadaha dalka ka jira.

9/10/2012 7:10 AM EST
Isniin, September 10, 2012 (HOL) — Musharaxa xisbiga madaxweyne ee xisbiga UDUB, ayaa sheegay inay ka qaybgali doonin doorashooyinka golaha deegaanka, isla markaana xusay inuu maxkamadda u gudbin doono dacwad ka dhan ah guddidda Diiwaangelinta ururadda.

9/10/2012 6:13 AM EST
Isniin, September 10, 2012 (HOL) — Murashaxiin ka mid ahaa kuwii u tartamaya xilka madaxnimo ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay inay tanaasuleen, iyagoo aan sheegin sababaha ku kallifay inay tanaasul sameeyaan.

9/10/2012 5:30 AM EST
Isniin, September 10, 2012 (HOL) — Markab ay leeyihiin ciidamada NATO ee howlgalka la dagaalanka burcad-badeedda u jooga xeebaha dalka Soomaailya, gaar ahaan kuwa Puntland ayaa soo badbaadiyey koox tahriibeyaal ah oo isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan, kuwaas oo muddo dhowr beri ah badda saarnaa, kadib markii ay ciladi soo food saartay doon yar oo ay ku safrayeen.

9/10/2012 5:26 AM EST
Isniin, September 10, 2012 (HOL) — Iyadoo la filayo in maanta magaalada Muqdisho ay ka dhacdo doorashada madaxtinimo ee Soomaaliya oo ay u taaganyihiin ku dhowaad ilaa 25 musharax ayaa Soomaalida ku dhaqan dalka gudihiisa iyo dibadiisa waxa ay isha ku hayaan warbaahinta Soomaalida ee soo tabinaysa qaabka ay u dhaceyso doorashada.

9/10/2012 4:28 AM EST
Isniin, September 10, 2012(HOL): Waxaa la soo gebagebeeyay wareegga koowaad ee doorashada madaxweynenimada Soomaaliya oo maanta mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ku kala dooranayeen musharraxiin isu soo taagay xilka madaxweynenimada Soomaaliya.

9/10/2012 3:16 AM EST
Isniin, September 10, 2012 (HOL) — Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool gudaha iyo dibadda dalka ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay doorashada maanta Muqdisho ka dhacaysa ee lagu soo dooranayo madaxweynaha hoggaamin doona dalka muddo dheer kaddib.

9/10/2012 2:54 AM EST
Isniin, September 10, 2012 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah dooran doona madaxweynihii dalka hoggaamin lahaa afarta sano ee soo socota, iyadoo doorahadan ay noqonayso tii ugu horreysay oo dalka ka dhacda muddo afartameeyo sano ka badan.