Hiiraan Online
Tuesday, May 21, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Isniin, Sept 10, 2012
Soomaalida ku nool caalamka dacalladiisa oo isha ku haya doorashada Madaxnimo ee Maanta ka dhacaysa Magaalada Muqdisho
Isniin, September 10, 2012 (HOL) — Iyadoo la filayo in maanta magaalada Muqdisho ay ka dhacdo doorashada madaxtinimo ee Soomaaliya oo ay u taaganyihiin ku dhowaad ilaa 25 musharax ayaa Soomaalida ku dhaqan dalka gudihiisa iyo dibadiisa waxa ay isha ku hayaan warbaahinta Soomaalida ee soo tabinaysa qaabka ay u dhaceyso doorashada.
Soomaalida ku dhaqan guud ahaan gobollada dalka Soomaaliya iyo daafaha caalamka ayaa maanta siweyn ula socda doorashada ka dhaceeyso magaalada Muqdisho, waxa ayna dadka Soomaaliyeed rajo wanaagsan ka muujinayaan mustaqbalka Soomaaliya, iyadoona ay sidookale isha ku hayaan cida loo dooran doono hogaanka dalka.
“Walaahi aad baan uga rajo qabnaa in wadanka uu ka dhici doono isbadal wanaagsan, hada waa uu muuqda, waxaan Alle ka rajeyneynaa in la doorto masuul daacad ah oo ka damqada dhibaatada ku habsatay umadda Soomaaliyeed,” sidaa waxa yiri Ibraahim Faarax oo kamid ah Soomaalida ku dhaqan magaalada Nairobi ee dalkooda uga soo cararay dagaallada.
Inta badan Soomaalida ku dhaqan caalamka ayaa rajo wanaagsan ka qaba in wadanka uu ka bixi doono dhibaatadii uu kusoo jiray sanadaha badan, wallow ay jirto cabsi ay dadka qaar ka muujinayaan dhibaatooyin ka dhasha doorashada maanta ka dhaceyso Muqdisho.
“Waa maalin taariikhi ah maanta, maxaa yeelay gudaha dalka ayay doorashadu ka dhaceysaa, waxaa cad in la gaaray xilligii uu dalka ka dhici lahaa isbadal, waxaanna Alle ka rajeyneynaa in dalka Soomaaliya uu ka saaro burburka ay ku qaangaareen caruurteena,” sidaa waxa yiri Mohamed Ibraahim Ali oo kamid ah waxgaradka ku dhaqan magaalada Nairobi.
Magaalada Muqdisho oo ay maalmihii u danbeeyay ka socdeen ololeyaal ballaaran oo dhanka doorashada ah oo ay wadeen musharixiinta u taagan xilka madaxtinimo ee dalka Soomaaliya ayaa waxaa maanta la filayaa in ay ka dhacdo doorashada madaxtinimo ee dalka, iyadoona mudanayaasha baarlamanku ay dooran doonaan madaxweeynaha dalka Soomaaliya.
Doorashadani ayaa ah tii ugu horeeysay ee ka dhacda gudaha dalka tan iyo wixii ka danbeeyay burburkii dowladii hore ee Soomaaliya, waxaana guud ahaan umadda Soomaaliyeed ay ka dhursugayaan cida ay dooran doonaan xildhibaanada Soomaaliya.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
hnur@hiiraan.com
Kismaayo, Soomaaliya
Post your comments
Dabaaldagyo lagu soo dhawaynayo madaxweynaha cusub oo laga dareemay Muqdisho iyo Puntland oo u hambalyaysay
9/10/2012 6:47 PM EST
Kadib markii ay baarlamaanka Soomaaliya si aqlabiyad ah ugu codeeyeen madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho laga maqlay sawaxanka rasaasta.
Xasan Shiikh Maxamuud oo ku guuleystay doorashadii Madaxweynenimada Soomaaliya
9/10/2012 2:10 PM EST
Isniin, September 10, 2012(HOL): Waxaa si aqlabiyad leh ugu guuleystay madaxweynenimada Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo wareeggii ugu dambeeyay ee doorashada madaxweynenimada uga adkaaday Madaxweynihii hore Shiikh Shariif Shiikh Axmed.
Xildhibaannadii horay loogu diiday inay Baarlamaanka ka mid noqdaan oo Maanta la dhaariyay si ay doorashada uga Qaybgalaan
9/10/2012 7:50 AM EST
Isniin, September 10, 2012 (HOL) — Xildhibaannadii horay loogu diiday inay ka mid noqon doonaan baarlamaanka Soomaaliya oo ay ku jiraan hoggaamiye kooxeedyadii hore ee Soomaaliya ayaa la dhaariyay maanta si ay uga qaybgalaan doorashada madaxweynenimo ee Soomaaliya.
Hay'adaha CPD iyo SOYDEN oo soo gabgabeeyay Barnaamij Tababarro lagu siinayay Dhalinyaro isugu jiray Gabdho iyo Wiilal
9/10/2012 7:35 AM EST
Isniin, September 10, 2012 (HOL) — Hay'adaha CPD iyo SOYDEN oo ka shaqeeya arrimaha horumarinta dhallinyarada ayaa soo gabgabeeyay tababar muddo sideed bilood socday oo lagu tababarayay dhallinyaro ay saameyn ku yeesheen colaadaha dalka ka jira.
Xisbiga UDUB oo Qaadacday ka qayb-galka Doorashada golaha Deegaanka, sheegayna inay Maxkamada dacwad u gudbinayaan
9/10/2012 7:10 AM EST
Isniin, September 10, 2012 (HOL) — Musharaxa xisbiga madaxweyne ee xisbiga UDUB, ayaa sheegay inay ka qaybgali doonin doorashooyinka golaha deegaanka, isla markaana xusay inuu maxkamadda u gudbin doono dacwad ka dhan ah guddidda Diiwaangelinta ururadda.
Murashaxiin ka Tanaasulay ka Qaybgalka Doorashada Madaxweynenimo ee Somalia intii aysan doorashadu billaaban
9/10/2012 6:13 AM EST
Isniin, September 10, 2012 (HOL) — Murashaxiin ka mid ahaa kuwii u tartamaya xilka madaxnimo ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay inay tanaasuleen, iyagoo aan sheegin sababaha ku kallifay inay tanaasul sameeyaan.
Ciidamada NATO ee ku sugan xeebaha Somalia oo Tahriibayaal ay soo Badbaadiyeen kusoo Wareejiyay Puntland
9/10/2012 5:30 AM EST
Isniin, September 10, 2012 (HOL) — Markab ay leeyihiin ciidamada NATO ee howlgalka la dagaalanka burcad-badeedda u jooga xeebaha dalka Soomaailya, gaar ahaan kuwa Puntland ayaa soo badbaadiyey koox tahriibeyaal ah oo isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan, kuwaas oo muddo dhowr beri ah badda saarnaa, kadib markii ay ciladi soo food saartay doon yar oo ay ku safrayeen.
Natiijada wareeggii koowaad iyo wareegga labaad oo soo gabagaboobay (C/weli Gaas iyo C/qaadir Cosoble) oo iska casilay wareega seddexaad
9/10/2012 4:28 AM EST
Isniin, September 10, 2012(HOL): Waxaa la soo gebagebeeyay wareegga koowaad ee doorashada madaxweynenimada Soomaaliya oo maanta mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ku kala dooranayeen musharraxiin isu soo taagay xilka madaxweynenimada Soomaaliya.
Shacabka Soomaaliyeed oo Doorashada Maanta dhacaysa ku tilmaamay mid Taariikhi ah Rajo wanaagsanna muujiyay
9/10/2012 3:16 AM EST
Isniin, September 10, 2012 (HOL) — Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool gudaha iyo dibadda dalka ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay doorashada maanta Muqdisho ka dhacaysa ee lagu soo dooranayo madaxweynaha hoggaamin doona dalka muddo dheer kaddib.
Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta dooranaya Madaxweyne Afarta sano ee soo socota hoggaamiya dalka
9/10/2012 2:54 AM EST
Isniin, September 10, 2012 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah dooran doona madaxweynihii dalka hoggaamin lahaa afarta sano ee soo socota, iyadoo doorahadan ay noqonayso tii ugu horreysay oo dalka ka dhacda muddo afartameeyo sano ka badan.
Somali News
Hassan Shiekh Mahamud: Personal Profile
-
HOL
9/10/2012 10:10 PM EST
Name : Hassan Shiekh Mahamud Date of Birth : Nov. 29, 1955 Place of Birth : Jalalaqsi, Somalia Marital Status : Married with Children...
AU Deputy Special Representative congratulates newly elected Somali president
-
AMISOM
9/10/2012 8:50 PM EST
Mogadishu‐September 10th, 2012; The Deputy Special Representative of the Chairperson of the African Union Commission (DSRCC) for Somalia, Honorable Wafula Wamunyinyi has congratulated His Excellency
Somalis celebrate as new president elected
-
Toronto Star
9/10/2012 8:25 PM EST
Somalia has a new president after the country’s members of parliament failed to support incumbent Sheikh Sharif Sheikh Ahmed, whose leadership had been mired in accusations of corruption, but who nevertheless was widely predicted to win Monday’s vote.
Breaking News: Somali election: Hassan Sheikh elected as president
-
BBC
9/10/2012 2:29 PM EST
Somali MPs meeting in the Mogadishu have elected Hassan Sheikh Mohamud as the country's new president, in the latest step to end decades of war.
Somalia’s Most Qualified Parliament
-
UNPOS
9/10/2012 3:30 AM EST
Mogadishu - There is an air of excitement as we draw closer to one of the most important dates in the history of Somali politics. Despite the many challenges leading up to the end of the transitional period, there is great pleasure in knowing that the legislative arm of Somalia’s new government sits many of the country’s most highly qualified people
Kenya taken to task over Kismayu civilian deaths
-
Daily Nation
9/10/2012 2:35 AM EST
New York - The United Nations has reiterated its concerns about reports of civilian deaths in the Somalia port city of Kismayu said to have been caused by shells fired from a Kenyan warship.
Amid fraud fears, Somalia to elect new president
-
Reuters
9/10/2012 12:18 AM EST
MOGADISHU (Reuters) - Members of parliament in Somalia will vote for a new president on Monday in the first vote of its kind in decades amid fears that the historic election will be rigged and do little to alter the political landscape.