Saturday, May 25, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 1 , 2012
Ciidamo ka cabanaya mushahar la'aan oo muddo saacado ah xiray jidka gala magaalada Boosaaso

Sabti 1-da September 2012(HOL): Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland oo saldhig ku leh tuuladaKalabayr, oo magaalada Boosaaso qiyaastii 60km dhinaca koonfurta kaga beegan,ayaa maanta gelinkii hore muddo saacado ah xanibay isu socodka gaadiidka ee wadada magaalada Boosaaso gasha.

Sarkaal ka tirsan ciidamada jidka xiray oo ka gaabsaday in magaciisala shaaciyo, ayaa HOL u sheegay in sababta arintan ka danbeysaa ay tahay kadibmarkii aysan dowladu muddo 2 bilood ah wax mushahar ah siin, wuxuuna intaas ku daray, in horay loogu sheegay marka la gaaro bishaSep in ay lacagahooda heli doonaan, haseyeeshee maanta lagu wargeliyey in lasiinayo mushaharka hal bil, midda kalena ay dib ka qaadan doonaan, taasina aytahay sababta ku kaliftay in ay talaabada noocan oo kale ah ku dhaqaaqaan.

Mas'uuliyiin ka tirsan wasaaradda amniga Puntland ayaa markii danbegoobta gaarey, waxayna ku guuleysteen in ay ciidamada ka dhaadhiciyaan sidii ayjidka u furi lahaayeen, iyagoo dhinaca kale u balan qaaday in sida ugu dhaqsahabadan cabashadooda looga jawaabi doono.

Inkasta oo ay xukuumadda hadda jirtaa dadaalo badan ku bixisay sidiiloo kordhin lahaa mushaharka ay ciidamadu qaataan, ayaa hadana weli waxaa jirtacabasho xooggan oo dhanka ciidamada ka imaaneysa, wuxuuna askarigu bil kastamushahar ahaan u qaataa 2,000,000 Milyan Sh.so oo u dhiganta wax ka yar 100$.

Si kastaba ha ahaatee, waxay arintani kusoo beegmeysaa xilli dhowaanmadaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed (Faroole) uu sheegay in xaaladdadhaqaaluhu ay tahay mid cakiran, isagoona sabab uga dhigay hoos u dhaca qiimahaDollarka iyo Shilin Soomaaliga oo suuqyada ku yaraaday. Bishii April ee sanadkan 15-keedii ayey ahayd markii ciidamo iyaguna Daraawiishta ka tirsan,oo saldhig ku leh tuulada Laag oo magaalada Boosaaso 30km u jirtaa ay sidan ookale isu socodka gaadiidka u xanibeen.


Maxamed S. Xaaji Dirir
xaajidirir@hiiraan.com
Boosaaso, Soomaaliya





Post your comments

9/1/2012 10:10 AM EST
Sabti, September 01, 2012 (HOL) — Guddiga doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa maanta soo saaray shuruudaha looga baahan yahay murashaxiinta u tartamaya xilkan, waxaana shuruudaha ka mid ahaa in murashax walba uu bixiyo 10,000 oo doollar oo diiwaan-gelin ah.

9/1/2012 8:57 AM EST
Sabti, September 01, 2012 (HOL) — Suxufiyiinta Afrika ayaa ku heshiiyay inay tabiyaan dhacdooyinka Soomaaliya sida guuulaha ay gaaraan ciidamada Midowga Afrika ee AMSIOM iyo dadaallada dib loogu dhisayo Soomaaliya.

9/1/2012 8:11 AM EST
Sabti, September 01, 2012 (HOL) — Saraakiisha nabad-galyada maamulka gobollka Hiiraan ayaa sheegay in ay saakay fashiliyeen miino lala dabacsanaa in lagu weeraro ciidamada maamulka iyo kuwa dowladda Itoobiya.

9/1/2012 8:10 AM EST
Sabti, September 01, 2012 (HOL) — Jaamacadda Muqdisho ayaa waxay Khamiistii u soo gabagabeysay 1500 oo arday barnaamij loogu magacdaray toddobadka dhanka ee jaamacadda Muqdisho oo loo qabto ardayda cusub ee jaamacadda kusoo biira si loo baro dhaqanka iyo maamulka jaamacadda.

9/1/2012 7:54 AM EST
Musharraxa madaxtinimada Soomaaliya, Maxamed C/laahi Farmaajo oo maanta soo saaray warsaxaafadeed ayaa ka dalbaday baarlamaanka cusub ee Soomaaliya inay dhisaan guddi ku meel gaar ah oo ilaaliya hantida qaranka inta laga soo dooranayo xukuumad cusub.

9/1/2012 5:26 AM EST
Sabti, September 01, 2012 (HOL) — Guddiga diyaarinta doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxay wadaan qorshayaal ay ku doonayaan inay shuruudo adag ku xiraan xubnaha u tartamaya kursiga talada dalka, waxaana shuruudahaas ka mid ah inay bixiyaan lacago ka badan 5,000 oo dollar iyo inuu murashaxu yahay mid aqoon iyo waayo-aragnimo hoggaamineed leh.

9/1/2012 4:54 AM EST
Sabti, September 01, 2012 (HOL) — Wararka aynu ka heleyno magaalada Afmadow ee gobolka Jubada hoose ayaa sheegaya in saaka aroortii uu mar kale deegaanka Miido ka qarxay dagaal xooggan oo u dhexeeya ciidmaada dowladda Soomaaliya, kuwa Raaskaambooni iyo militariga Kenya oo isku dhinac ah iyo Xarakada Al-shabaab.

9/1/2012 4:35 AM EST
Sabti, September 01, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamuud Maxamed (Siilaanyo) ayaa wasiir iyo wasiir ku xigeen cusub u magacaabay wasaaradda warfaafinta Somaliland, kaddib markii khilaaf awgiis xilka looga qaaday wasiirkii hore ee wasaaraddaas.