Sunday, May 19, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 1 , 2012
Guddiga Doorashada Madaxweynaha Somalia oo qorsheynaya inay Shuruudo adag ku xiraan Murashaxiinta Tartamaya
Sabti, September 01, 2012 (HOL) — Guddiga diyaarinta doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxay wadaan qorshayaal ay ku doonayaan inay shuruudo adag ku xiraan xubnaha u tartamaya kursiga talada dalka, waxaana shuruudahaas ka mid ah inay bixiyaan lacago ka badan 5,000 oo dollar iyo inuu murashaxu yahay mid aqoon iyo waayo-aragnimo hoggaamineed leh.

Xubnaha guddiga ayaa isku raacay in doorashadu ay dhacdo 10-ka bishan September inta ka horreysana la diyaariyo doorashada qaabka ay u dhacayso, dhageysiga fikradaha murashaxiinta iyo qabashada araajida.

"Shuruudaha maanta ayaan soo saaraynaa, waxaana noo socota dooddooda," ayuu yiri afhayeenka guddiga Cismaan Libaax oo Muqdisho kula hadlayay warabahinta, isagoo afhayeenku wuxuu sheegay inay socoto dood ku saabsan in murashaxu ay ogolaadaan murashaxnimadiisa 20 xildhibaan.

Murashaxiinta u taagan xilka madaxnimo ee Soomaaliya ayaa waxay tiradooda ka badan tahay 25, kuwaasoo ay ku jiraan madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo xubno kale oo aan horay loogu arki jirin siyaasadda dalka Soomaaliya.

Ololayaal doorasho oo xoog leh ayaa ka billowday Muqdisho, taasoo keentay inay murashaxiinta xilka madaxnimo u taagan ay kulammo la billaabaan xildhibaannada cusub ee baarlamaanka si ay taageero uga helaan.

Doroashada madaxweynenimo ee lagu wado inay toddobaadka soo socda ka dhaco Muqdisho ayaa waxay noqonaysaa tii ugu horreysay oo caasimadda ka dhacda muddo laga joogo 42-sano, waxaana siyaasiyiinta Soomaalida ay doorashadan ku tilmaameen mid muujinaysa horumar uu dalku tiigsanayo.

Qorshaha socda ayaa waxay Soomaaliya kaga gudbaysaa xilli ay ka talinayeen dowlado KMG ah oo lagu soo dhisay dibadda dalka, iyadoo tallaabadan ay si aad ah u soo dhaweeyeen dalalka daneeya arrimaha Somaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya




Post your comments

9/1/2012 11:50 AM EST
Sabti 1-da September 2012(HOL): Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland oo saldhig ku leh tuuladaKalabayr, oo magaalada Boosaaso qiyaastii 60km dhinaca koonfurta kaga beegan,ayaa maanta gelinkii hore muddo saacado ah xanibay isu socodka gaadiidka ee wadada magaaladaBoosaaso gasha.

9/1/2012 10:10 AM EST
Sabti, September 01, 2012 (HOL) — Guddiga doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa maanta soo saaray shuruudaha looga baahan yahay murashaxiinta u tartamaya xilkan, waxaana shuruudaha ka mid ahaa in murashax walba uu bixiyo 10,000 oo doollar oo diiwaan-gelin ah.

9/1/2012 8:57 AM EST
Sabti, September 01, 2012 (HOL) — Suxufiyiinta Afrika ayaa ku heshiiyay inay tabiyaan dhacdooyinka Soomaaliya sida guuulaha ay gaaraan ciidamada Midowga Afrika ee AMSIOM iyo dadaallada dib loogu dhisayo Soomaaliya.

9/1/2012 8:11 AM EST
Sabti, September 01, 2012 (HOL) — Saraakiisha nabad-galyada maamulka gobollka Hiiraan ayaa sheegay in ay saakay fashiliyeen miino lala dabacsanaa in lagu weeraro ciidamada maamulka iyo kuwa dowladda Itoobiya.

9/1/2012 8:10 AM EST
Sabti, September 01, 2012 (HOL) — Jaamacadda Muqdisho ayaa waxay Khamiistii u soo gabagabeysay 1500 oo arday barnaamij loogu magacdaray toddobadka dhanka ee jaamacadda Muqdisho oo loo qabto ardayda cusub ee jaamacadda kusoo biira si loo baro dhaqanka iyo maamulka jaamacadda.

9/1/2012 7:54 AM EST
Musharraxa madaxtinimada Soomaaliya, Maxamed C/laahi Farmaajo oo maanta soo saaray warsaxaafadeed ayaa ka dalbaday baarlamaanka cusub ee Soomaaliya inay dhisaan guddi ku meel gaar ah oo ilaaliya hantida qaranka inta laga soo dooranayo xukuumad cusub.

9/1/2012 4:54 AM EST
Sabti, September 01, 2012 (HOL) — Wararka aynu ka heleyno magaalada Afmadow ee gobolka Jubada hoose ayaa sheegaya in saaka aroortii uu mar kale deegaanka Miido ka qarxay dagaal xooggan oo u dhexeeya ciidmaada dowladda Soomaaliya, kuwa Raaskaambooni iyo militariga Kenya oo isku dhinac ah iyo Xarakada Al-shabaab.

9/1/2012 4:35 AM EST
Sabti, September 01, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamuud Maxamed (Siilaanyo) ayaa wasiir iyo wasiir ku xigeen cusub u magacaabay wasaaradda warfaafinta Somaliland, kaddib markii khilaaf awgiis xilka looga qaaday wasiirkii hore ee wasaaraddaas.