Wednesday, May 22, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 9 , 2012
Xarakada Al-shabaab oo Ciidammo soo dhoobay deegaanka Goob-weyn oo ku yaalla Duleedka Magaalada Kismaayo
Talaado, Oktoobar 09, 2012 (HOL) — Wararka aynu ka heleyno deegaanka Goobweyn oo qiyaastii 25-km dhanka waqooyi kaga began magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in xalay ilaa saaka ay deegaankaasi soo gaarayeen ciidamo aad u tiro badan oo katirsan Al-shabaab islamakraasina ku hubeysan hubka noocyadiisa kala duwan iyo gaadiidka dagaalka.

Ciidamadan oo la sheegay in ay ka kala yimaadeen gobollo ay kamid yihiin Jubooyinka, Gedo iyo Shabeelooyinka ayaa waxa ay fariiso ka dhigteen deegaanka goobweyn, waxaana ay cabsi lasoo darastay dadka ku dhaqan deegaankaasi.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya ayaa ku sugan deegaanka Madhamaato oo masaafo yar u jira deegaanka Goobweyn ee ay ku suganyihiin xoogagga Al-shabaab, waxaana laga cabsi qabaa in uu halkaasi ka qarxo dagaal dhexmara labada dhinac.

“Ciidamo fara badan ayaa soo gaaray deegaanka Goobweyn, waxaana laga baqayaa in uu dagaal bilowdo,” sidaa waxa yiri mid kamid ah dadka ku dhaqan deegaanka Goobweyn oo codsaday in aan magaciisa la xigan.

Xoogagga Al-shabaab ayaa isaga baxay magaalada Kismaayo 28-ka bishii September kadib markii ay culeys kala kulmeen ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa Raaskaambooni iyo Militariga Kenya ee isgarabsanaya.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
hnur@hiiraan.com
Kismaayo, Soomaaliya




Post your comments

10/9/2012 6:44 AM EST
Talaado, Oktoobar 09, 2012 (HOL) — Shirkada Xawaaladda Dahab-shiil ayaa maanta gaarsiisay deeqdii ugu balaarneyd dadkii dhawaan ka barakacay fatahaadii ku dhuftay magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan.

10/9/2012 3:41 AM EST
Talaado, Oktoobar 09, 2012 (HOL) — Kooxo dabley ah ayaa xalay xerada IFO oo ka mid ah xeryaha qoxootiga ee ku yaalla deegaanka Dhadhaab-Kenya ku toogtay nin oday ah oo si weyn looga yaqaan xeryaha qoxootiga Dhadhaab-Kenya.

10/9/2012 3:30 AM EST
Talaado, Oktoobar 09, 2012 (HOL) — Ugu yaraan laba askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ku dhintay afar kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaaray dagaal ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa AMISOM iyo Al-shabaab xalay ku dhexmaray deegaanka Calamada oo ku yaalla jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye.

10/9/2012 3:24 AM EST
Talaado, Oktoobar 09, 2012 (HOL) — Hal askari iyo qof shacab ah ayaa ku dhintay in ka badan 10-qof oo kalena way ku dhaawacmeen kaddib markii bambaanooyinka kuwa gacanta laga tuuro ah gallinkii dambe ee shalay lagu weeraray ciidammo ka tirsan booliiska Soomaaliya oo howgallo nabadeed ka waday gudaha suuqaas.