Tuesday, June 18, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 9 , 2012
Bam khasaare geystay oo lagu weeraray ciidammo ka tiran booliiska Soomaaliya oo ka howgalayay Suuqa Bakaaraha
Talaado, Oktoobar 09, 2012 (HOL) — Hal askari iyo qof shacab ah ayaa ku dhintay in ka badan 10-qof oo kalena way ku dhaawacmeen kaddib markii bambaanooyinka kuwa gacanta laga tuuro ah gallinkii dambe ee shalay lagu weeraray ciidammo ka tirsan booliiska Soomaaliya oo howgallo nabadeed ka waday gudaha suuqaas.

Goobjoogayaal ayaa sheegay inay arkeen dad badan oo dhaawacyo qaba, kuwaas oo u badan ciidamada dowladda, halkaasna looga qaadayay gaadiidka gargaarka deg-degga iyo dad shacab ah oo lagu qaadayay gaari-gacanno.

"Askari iyo qof shacab ah ayaa ku dhintay weerarka, waxyana dhaawacmayo kasoo gaareen toban qof oo kale," ayuu yiri taliyaha ciidanka booliiska gobolka Banaadir, Col. Axmed Xasan Maalin oo ka warbixiyay weerarkaas.

Taliyuhu wuxuu sheegay inay qabteen saddex qof oo ay aad ugu tuhunsan yihiin inay ka dambeeyeen weerarka bambaano ayna sharciga marsiin doonaan, isagoo xusayu in la adkeynayo ammaanka guud ee suuqa Bakaaraha.

Weerarkan oo dhacay gabal-dhicii shalay xilli ay dadku ka rawaxayeen suuqa ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay noociisa oo toddobaadyadan ka dhaca suuqaas oo ah midka ugu weyn Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Ciidammo fara badan oo booliis ah ayaa saakay lagu arkayay gudaha suuqa iyagoo baaritaanno wada, iyadoo taliska booliiska gobolka uu sheegay inay ciidammo fara badan oo dheeraad ah geeyeen suuqa si loo adkeeyo ammaankiisa.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya




Post your comments

10/9/2012 6:44 AM EST
Talaado, Oktoobar 09, 2012 (HOL) — Shirkada Xawaaladda Dahab-shiil ayaa maanta gaarsiisay deeqdii ugu balaarneyd dadkii dhawaan ka barakacay fatahaadii ku dhuftay magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan.

10/9/2012 6:42 AM EST
Talaado, Oktoobar 09, 2012 (HOL) — Wararka aynu ka heleyno deegaanka Goobweyn oo qiyaastii 25-km dhanka waqooyi kaga began magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in xalay ilaa saaka ay deegaankaasi soo gaarayeen ciidamo aad u tiro badan oo katirsan Al-shabaab islamakraasina ku hubeysan hubka noocyadiisa kala duwan iyo gaadiidka dagaalka.

10/9/2012 3:41 AM EST
Talaado, Oktoobar 09, 2012 (HOL) — Kooxo dabley ah ayaa xalay xerada IFO oo ka mid ah xeryaha qoxootiga ee ku yaalla deegaanka Dhadhaab-Kenya ku toogtay nin oday ah oo si weyn looga yaqaan xeryaha qoxootiga Dhadhaab-Kenya.

10/9/2012 3:30 AM EST
Talaado, Oktoobar 09, 2012 (HOL) — Ugu yaraan laba askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ku dhintay afar kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaaray dagaal ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa AMISOM iyo Al-shabaab xalay ku dhexmaray deegaanka Calamada oo ku yaalla jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye.