Hiiraan Online
Wednesday, May 22, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Axad, Oct 7 , 2012
Al-shabaab oo sheegtay in Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ee la magacaabay uusan waxba ka duwanayn kuwii isaga ka horreeyay
Axad, Oktoobar 07, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya ayaa kasoo horjeesatay magacaabidda ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, iyadoo sheegtay inuusan waxba ka duwanayn ra'iisul wasaarayaashii isaga ka horreeyay.
Afhayeenka Al-shabaab, Sheekh Cali Dheere oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters isagoo aan la ogeyn halka uu ku sugan yahay ayaa wuxuu sheegay inuusan waxba ka duwanayn ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya kuwii ka horreeyay ayna la dagaalmi doonaan.
"Ra'iisul wasaaraha cusub waxba kama duwana kuwii isaga ka horreeyay - Dhammaantoo waa kuwo ay reer galbeedku keeneen," ayuu yiri Sheekh Cali Dheere oo intaas ku daray: "Waxba kama bedeli karo xaaladda Soomaaliya. waan la dagaalami doonnaa illaa aan xukuumaddiisa ka ridayno."
Hadalka Al-shabaab ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo laga qabsaday magaaladii ugu weynayd ee ay kaga sugnaayeen Koonfurta Soomaaliya oo ahayd Kismaayo iyo iyadoo shalay laga qabsaday degmo kale oo gobolka Shabeellada hoose ka tirsan.
Ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) ayaan ka hadlin mowqifkiisa ku aaddan inay Al-shabaab la dagaalami doonaan iyo inay heshiis la geli doonaan, balse wuxuu sheegay inuu soo dhisayo dowlad awood u leh inay ka saaro dalka dhibaatada uu ku jiro.
Ururrada caalamiga ah, sida Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo dalalka xiriirka dhow la leh Soomaaliya ayaa waxay dhammaantood soo dhaweeyeen magacaabidda ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, iyagoo ballanqaaday inay la shaqeyn doonaan.
"Doorashadii lagu soo doortay guddoomiyaha baarlamaanka iyo madaxweynaha waxay Soomaaliya u horseedaysaa in sharciga uu dib u soo laabto," ayaa caalamka laga soo xigtay; iyadoo sheegay in magacaabidda ra'iisul wasaaraha cuusb ay u tahay Soomaaliya guul kale.
Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa sugaysa howlo fara badan, kuwaasoo ay ka mid yihiin in ammaanka dib loosoo celiyo, dalkana dib loo dhiso, waxaana sidoo kale sugaya in dhaqaalaha dalka soo gala ay caddaadaan howlaha lagu qabanayo.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Post your comments
Madaxweynaha Somaliland oo shir saddex cisho socon doono oo lagu qiimeynayo wax qabadka Xukuumadiisa la yeeshay golihiisa wasiiradda
10/7/2012 5:44 PM EST
Axad, October,07, 2012 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland, Md: Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), ayaa xafiiskiisa shir saddex maalmood socon doona kula yeeshay wasiiradiisa, kaas oo lagu qiimeyn doono mudadii ay taladda la wareegeen wixii u qabsoomay, wixii ka dhiman iyo sababta u qarsoomi waayeen.
Hay’adaha HARO iyo ARC oo gurmad deg deg ah la gaaraya dadkii ku waxyeelloobay Fatahaaddii Webiga Shabeelle ee Beledweyne
10/7/2012 6:01 AM EST
Axad, October 07, 2012(HOL): Hay'adaha HARO iyo ARC ayaa xalay magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ku qabteen Xaflad lacag aruurin ah oo loogu gurmanayo dadkii ku waxyeelloobay fatahaaddi webiga Shabeelle ee khasaaraha geysatay ee usbuucii hore ka dhacday gobolka Hiiraan magaalada Beledweyne.
Guddoomiyaha Baarlamaanka oo xildhibaannada ugu baaqay inay noqdaan kuwa ugu horreeya ee ilaaliya sharciga dalka
10/7/2012 4:18 AM EST
Axad, Oktoobar 07, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa ugu baaqay xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya inay noqdaan kuwa ugu horreeya ee sharciga Ilaaliya, isagoo sheegay in looga baahan yahay inay muujiyaan sida ay uga go'an tahay inay dhowraan sharciga dalka u degsan.
Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM oo la Wareegay Gacan ku haynta degmada Wanlaweyn
10/7/2012 4:09 AM EST
Axad, Oktoobar 07, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa shalay gallinkii dambe la wareegay gacan ku haynta degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellada hoose oo 90-km dhinaca galbeed kaga beegan magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.
Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo dowladda Britain oo soo dhaweeyay Magacaabidda Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya
10/7/2012 3:48 AM EST
Axad, Oktoobar 07, 2012 (HOL) — Beesha caalamka ayaa si isku mid ah u soo dhaweeyay ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid), kaasoo madaxweynaha Soomaaliya uu u doortay inuu noqdo ra'iisul wasaaraha xukuumadda lasoo dhisayo ee Soomaaliya.
Somali News
We will forever be grateful, says Somalia President
-
Standard
10/7/2012 3:02 PM EST
The people of Somalia will forever be grateful to Kenya for helping them liberate Kismayu and other towns in the south of the war-torn country.
U.N. and E.U. laud appointment of new Somalia prime minister
-
Xinhua
10/7/2012 2:58 PM EST
NAIROBI (Xinhua) -- Top United Nations (UN) and European Union (EU) envoys for Somalia on Saturday congratulated Abdi Farah Shirdon Saaid who was appointed as the prime minister for the Horn of Africa nation.
Somali pirates issue ultimatum for mariners
-
BDNews24.com
10/7/2012 2:57 PM EST
Chittagong, Oct 07 (bdnews24.com)—Somali pirates have issued a two-week deadline to buy release of the seven Bangladeshi mariners kidnapped about two years back.
African Union, Somali troops seize strategic town of Wanlaweyn
-
PressTV
10/7/2012 2:56 PM EST
"Somali government forces with the support of African Union Mission in Somalia (AMISOM) troops have secured the strategic town of Wanlaweyn on the Afgoye to Baidoa corridor [in Somalia's Shabelle region]," AFP quoted commander of the 17,000 AMISOM force, Andrew Gutti as saying on Sunday.