Hiiraan Online
Sunday, May 26, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Axad, Oct 7 , 2012
Guddoomiyaha Baarlamaanka oo xildhibaannada ugu baaqay inay noqdaan kuwa ugu horreeya ee ilaaliya sharciga dalka
Axad, Oktoobar 07, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa ugu baaqay xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya inay noqdaan kuwa ugu horreeya ee sharciga Ilaaliya, isagoo sheegay in looga baahan yahay inay muujiyaan sida ay uga go'an tahay inay dhowraan sharciga dalka u degsan.
Prof. Jawaari wuxuu sheegay in baarlamaanka looga baahan yahay inuu noqdo mid shacabka Soomaaliyeed u horseeda inay sharciga ku dhaqmaan; isla markaana uu gaarsiiyo dalka xilli ay shacabka Soomaaliyeed ay soo dooran karaan hoggaamiyaha ay doonayaan.
"Xildhibaannada waxaa looga baahan yahay inay noqdaan kuwo sharciga ilaaliya, waxaa loo baahan yahay xildhibaanku inuu bixiyo canshuurta gaadiidkiisa, inuu mar walba wato warqaddiisa aqoonsiga, sidoo kalena ay shaqaalahooda siiyaan warqado lagu aqoonsado inay u shaqeeyaan isaga," ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka.
Sidoo kale, guddoomiyaha baarlamaanka oo la hadlayay xildhibaannada ayaa xusay in looga baahan yahay baarlaamaanka inay si cad ula xisaatamaan dowladda dalka hoggaamin doonta, si loo tuso shacabka Soomaaliyeed inaysan jirin wax la is-daba-marinayo.
Baarlamaanka Soomaaliya oo ah kii ugu horreeyay ee joogto ah oo uu dalku yeesho tan iyo markii xukunka laga tuuray dowladdii dhexe ee Soomaaliya sannadkii 1991-kii ayaa wuxuu ku dhisan yahay qaabka 4.5-ka ah ee ku saleysan beelaha, taasoo la sheegay inuu ku shaqeyn doono afartan sano oo keliya.
Xildhibaannada baarlamaanka oo tiradoodu tahay 275 mudane ayaa intooda badan lagu soo xulay aqoon, iyadoo ay ku jiraan hoggaamiye kooxeedyo markii hore loo diiday inay ka mid noqdaan baarlamaanka, balse muran dheer kaddib dib looga daray.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Post your comments
Madaxweynaha Somaliland oo shir saddex cisho socon doono oo lagu qiimeynayo wax qabadka Xukuumadiisa la yeeshay golihiisa wasiiradda
10/7/2012 5:44 PM EST
Axad, October,07, 2012 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland, Md: Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), ayaa xafiiskiisa shir saddex maalmood socon doona kula yeeshay wasiiradiisa, kaas oo lagu qiimeyn doono mudadii ay taladda la wareegeen wixii u qabsoomay, wixii ka dhiman iyo sababta u qarsoomi waayeen.
Hay’adaha HARO iyo ARC oo gurmad deg deg ah la gaaraya dadkii ku waxyeelloobay Fatahaaddii Webiga Shabeelle ee Beledweyne
10/7/2012 6:01 AM EST
Axad, October 07, 2012(HOL): Hay'adaha HARO iyo ARC ayaa xalay magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ku qabteen Xaflad lacag aruurin ah oo loogu gurmanayo dadkii ku waxyeelloobay fatahaaddi webiga Shabeelle ee khasaaraha geysatay ee usbuucii hore ka dhacday gobolka Hiiraan magaalada Beledweyne.
Al-shabaab oo sheegtay in Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ee la magacaabay uusan waxba ka duwanayn kuwii isaga ka horreeyay
10/7/2012 5:10 AM EST
Axad, Oktoobar 07, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya ayaa kasoo horjeesatay magacaabidda ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, iyadoo sheegtay inuusan waxba ka duwanayn ra'iisul wasaarayaashii isaga ka horreeyay.
Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM oo la Wareegay Gacan ku haynta degmada Wanlaweyn
10/7/2012 4:09 AM EST
Axad, Oktoobar 07, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa shalay gallinkii dambe la wareegay gacan ku haynta degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellada hoose oo 90-km dhinaca galbeed kaga beegan magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.
Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo dowladda Britain oo soo dhaweeyay Magacaabidda Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya
10/7/2012 3:48 AM EST
Axad, Oktoobar 07, 2012 (HOL) — Beesha caalamka ayaa si isku mid ah u soo dhaweeyay ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid), kaasoo madaxweynaha Soomaaliya uu u doortay inuu noqdo ra'iisul wasaaraha xukuumadda lasoo dhisayo ee Soomaaliya.
Somali News
We will forever be grateful, says Somalia President
-
Standard
10/7/2012 3:02 PM EST
The people of Somalia will forever be grateful to Kenya for helping them liberate Kismayu and other towns in the south of the war-torn country.
U.N. and E.U. laud appointment of new Somalia prime minister
-
Xinhua
10/7/2012 2:58 PM EST
NAIROBI (Xinhua) -- Top United Nations (UN) and European Union (EU) envoys for Somalia on Saturday congratulated Abdi Farah Shirdon Saaid who was appointed as the prime minister for the Horn of Africa nation.
Somali pirates issue ultimatum for mariners
-
BDNews24.com
10/7/2012 2:57 PM EST
Chittagong, Oct 07 (bdnews24.com)—Somali pirates have issued a two-week deadline to buy release of the seven Bangladeshi mariners kidnapped about two years back.
African Union, Somali troops seize strategic town of Wanlaweyn
-
PressTV
10/7/2012 2:56 PM EST
"Somali government forces with the support of African Union Mission in Somalia (AMISOM) troops have secured the strategic town of Wanlaweyn on the Afgoye to Baidoa corridor [in Somalia's Shabelle region]," AFP quoted commander of the 17,000 AMISOM force, Andrew Gutti as saying on Sunday.