Hiiraan Online
Friday, May 24, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Axad, Oct 7 , 2012
Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM oo la Wareegay Gacan ku haynta degmada Wanlaweyn
Axad, Oktoobar 07, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa shalay gallinkii dambe la wareegay gacan ku haynta degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellada hoose oo 90-km dhinaca galbeed kaga beegan magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.
Mas'uul ka tirsan maamulka gobolka Shabeellada hoose oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa caawinaya ee AMISOM ay si rasmi ah ula wareegeen Wanalweyn iyo deegaannada u dhexeeya degmadaaas iyo degmada Afgooye.
"Dagaal kama uusan dhicin degmada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM si nabadgalyo ah ayay kula wareegeen, saakay xaaladda degmadu waa mid xasilloon," ayuu yiri Axmed oo ka mid ah dadka deegaanka, iyadoo aan la ogeyn halka ay aaadeen xoogaggii Al-shabaab ee gacanta ku hayay degmadaas.
Saraakiisha hoggaaminaya ciidamada dowladda ee la wareegay degmadaas ayaa sheegay inay fariisimo ka sameysteen dhinaca waqooyi ee degmada, qorshuhuna uu yahay inay socdaa illaa ay degmada Buur-hakaba ee gobolka Bay ka gaarayaan.
Degmadan ayaa waxay noqonaysaa degmadii saddexaad oo ka tirsan gobolka Shabeellada hoose oo xoogagga Al-shabaab laga qabsado tan iyo billowgii sannadkan, iyadoo horay looga qabsaday degmooyinka Afgooye iyo Marko.
Qabsashada degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellada hoose ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo madaxweynaha Soomaaliya uu magacaabay ra'iisul wasaare cusub oo soo dhisi doona xukuumad, kaddib marka uu kalsooni ka helo baarlamaanka Soomaaliya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Post your comments
Madaxweynaha Somaliland oo shir saddex cisho socon doono oo lagu qiimeynayo wax qabadka Xukuumadiisa la yeeshay golihiisa wasiiradda
10/7/2012 5:44 PM EST
Axad, October,07, 2012 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland, Md: Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), ayaa xafiiskiisa shir saddex maalmood socon doona kula yeeshay wasiiradiisa, kaas oo lagu qiimeyn doono mudadii ay taladda la wareegeen wixii u qabsoomay, wixii ka dhiman iyo sababta u qarsoomi waayeen.
Hay’adaha HARO iyo ARC oo gurmad deg deg ah la gaaraya dadkii ku waxyeelloobay Fatahaaddii Webiga Shabeelle ee Beledweyne
10/7/2012 6:01 AM EST
Axad, October 07, 2012(HOL): Hay'adaha HARO iyo ARC ayaa xalay magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ku qabteen Xaflad lacag aruurin ah oo loogu gurmanayo dadkii ku waxyeelloobay fatahaaddi webiga Shabeelle ee khasaaraha geysatay ee usbuucii hore ka dhacday gobolka Hiiraan magaalada Beledweyne.
Al-shabaab oo sheegtay in Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ee la magacaabay uusan waxba ka duwanayn kuwii isaga ka horreeyay
10/7/2012 5:10 AM EST
Axad, Oktoobar 07, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya ayaa kasoo horjeesatay magacaabidda ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, iyadoo sheegtay inuusan waxba ka duwanayn ra'iisul wasaarayaashii isaga ka horreeyay.
Guddoomiyaha Baarlamaanka oo xildhibaannada ugu baaqay inay noqdaan kuwa ugu horreeya ee ilaaliya sharciga dalka
10/7/2012 4:18 AM EST
Axad, Oktoobar 07, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa ugu baaqay xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya inay noqdaan kuwa ugu horreeya ee sharciga Ilaaliya, isagoo sheegay in looga baahan yahay inay muujiyaan sida ay uga go'an tahay inay dhowraan sharciga dalka u degsan.
Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo dowladda Britain oo soo dhaweeyay Magacaabidda Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya
10/7/2012 3:48 AM EST
Axad, Oktoobar 07, 2012 (HOL) — Beesha caalamka ayaa si isku mid ah u soo dhaweeyay ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid), kaasoo madaxweynaha Soomaaliya uu u doortay inuu noqdo ra'iisul wasaaraha xukuumadda lasoo dhisayo ee Soomaaliya.
Somali News
We will forever be grateful, says Somalia President
-
Standard
10/7/2012 3:02 PM EST
The people of Somalia will forever be grateful to Kenya for helping them liberate Kismayu and other towns in the south of the war-torn country.
U.N. and E.U. laud appointment of new Somalia prime minister
-
Xinhua
10/7/2012 2:58 PM EST
NAIROBI (Xinhua) -- Top United Nations (UN) and European Union (EU) envoys for Somalia on Saturday congratulated Abdi Farah Shirdon Saaid who was appointed as the prime minister for the Horn of Africa nation.
Somali pirates issue ultimatum for mariners
-
BDNews24.com
10/7/2012 2:57 PM EST
Chittagong, Oct 07 (bdnews24.com)—Somali pirates have issued a two-week deadline to buy release of the seven Bangladeshi mariners kidnapped about two years back.
African Union, Somali troops seize strategic town of Wanlaweyn
-
PressTV
10/7/2012 2:56 PM EST
"Somali government forces with the support of African Union Mission in Somalia (AMISOM) troops have secured the strategic town of Wanlaweyn on the Afgoye to Baidoa corridor [in Somalia's Shabelle region]," AFP quoted commander of the 17,000 AMISOM force, Andrew Gutti as saying on Sunday.