Hiiraan Online
Tuesday, May 21, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Jimco, Oct 5 , 2012
Dajire Augustine Mahiga oo Muqdisho ku Tilmaamay Magaalo uu dib u dhis ka socdo, isagoo ka hadlay Arrinta Kismaayo
Jimco, Oktoobar 05, 2012 (HOL) — Wasiirka Xoghayaha guud ee arrimaha Somalia, danjire Augustine Mahiga ayaa shir jaraa'id oo u u ku qabtay magaalada Nairobi ku sheegay in Soomaaliya ay ku socoto horumar, isagoo si gaar ah uga hadlay dib u dhiska magaalada Muqdisho.
Danjire Mahiga ayaa xusay in wax walba oo dhaca ay dowladda Soomaaliya mas'uul ka tahay isla markaana loogaga dambeynayo, isagoo walaac ka muujiyay xaaladda magaalada Kismaayo oo uu sheegay inay tahay magaalo uu ka jiro xafiiltan dhinaca beelaha ah.
"Magaalada Muqdisho waxay kusoo laabanaysaa mid caadi ah marka la eego dib u dhiska ka socda, dhawaaqa xabadaha waxaa bedelay jabaqda buruska, magaalada waxaa habeenkii dhex socda dhallinyaro isugu jira rag iyo dumar, sidoo kale waxaa ka furan ganacsi," ayuu danjire Mahiga ku sheegay shirkiisa jaraa'id.
Ergaygu wuxuu sidoo kale ka hadlay isbedelka ay ku socoto Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay inuu yahay mid muuqda oo la taaban karo, isagoo sheegay in dowladda cusub ay horyaallaan arrimo badan oo ay ka mid yihiin sidii ay amaanka dib ugu soo celin lahayd.
"Waxaan hubaa in wax walba ay hoggaamin doonto dowladda Soomaaliya, iyadoo isku dayi doonto sidii ay doorkeeda uga soo bixi lahayd. Kismaayo kaliya ma ahan deegaan waxaa ka jira qaababka beeleed kuwa uga murugsan Soomaaliya, waxaa dhici doona wadatashi iyo wada-xaajood, kaasoo keeni doona natiijooyin miro dhal ah," ayuu yiri danjire Mahiga.
Sidoo kale, danjire Mahiga ayaa sheegay in magaalooyinka ay ciidamada dowaldda iyo kuwa AMISOM ka qabsanayaan Al-shabaab ay qayb ka yihiin horumaarada ay ku tallaabsanayso Soomaaliya, isagoo madaxweynaha ugu baaqay inuu ka shaqeeyo sidii uu ammaanka dalka oo dhan ku noqon lahaa mid hagaasan.
Danjire Mahiga, wuxuu sheegay in Al-shabaab ay isku dayeen inay 40 saacadood kaddib markii la doortay madaxweynaha Soomaaliya isku dayeen inay dilaan, balse uu ka badabaaday isku daygaas, taasoo uu sheegay inay tahay midda keentay in madaxweynaha Soomaaliya uu muhiimadda koowaad, tan labaad iyo tan saddexad siiyo wax ka qabasahada ammaanka.
Hadalka danjire Mahiga ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli ay Muqdisho ka socdaan howgallo ay booliiska Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ku doonayaan inay ammaanka ugu soo celiyaan iyo muran ka taagan maamul u sameynta magaalada Kismaayo.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Post your comments
Soomaalida ku nool Luwiston dalka Mareykanka oo sameeyay Mudaaharaad kaddib markii uu ka careysiiya Duqa Magaaladaas
10/5/2012 4:05 AM EST
Jimco, Oktoobar 05, 2012 (HOL) — Soomaalida ku nool magaalada Luwiston ee gobolka Main ee dalka Mareykanka ayaa sameeyay mudaaharaad, kaddib markii ay ka caroodeen hadal uu ka sheegay duqa magaaladaas Robert McDonald.
Booliiska Soomaaliya, Nabad-sugidda iyo Booliiska AMISOM oo xalay Baaritaanno ka sameeyay Magaalada Muqdisho
10/5/2012 3:52 AM EST
Jimco, Oktoobar 05, 2012 (HOL) — Booliska Soomaaliya kuwa nabadsugidda iyo booliiska AMISOM ayaa xalay howlgalo ka sameeyeen degmooyin ka tirsan Muqdisho kuwaasoo ay kusoo qabqabteen dad fara badan oo qaarkood lala xiriirinayo inay ka tirsan yihiin Al-shabaab.
Ciidamada Somalia ee ku sugan Kismaayo oo toogasho ku dilay kooxo bam gacmeed ku weeraray saldhig ay ciidamadu deggen yihiin
10/5/2012 3:40 AM EST
Jimco, Oktoobar 05, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku suganm Kismaayo ayaa shalay gallinkii dambe toogasho ku dilay laba ruux oo ka mid ahaa sida ay sheegeen kooxo bambooyinka gacanta ku weeraray saldhig ay ciidamadu ku leeyihiin bartamaha magaaladaas.
Madaxweynaha Soomaaliya oo Wareysiyo la yeeshay Xubnaha u taagan Qabashada Jagada Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya
10/5/2012 3:30 AM EST
Jimco, Oktoobar 05, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan la yeeshay saddex murashax oo ka mid ah 11 xubnodod oo lasoo xulay labaatameeyo xubnood oo xilka ra'iisul wasaaraha u taagnaa, iyadoo lagu wado in madaxweynuhu uu ra'iisul wasaaraha ku dhaawaqo inta lagu gudo jiro 48-ka saacadood ee soo socda.
Somali News
Shaffie heading to Somalia for charity
-
The Star
10/5/2012 5:42 PM EST
Kiss 100’s presenter Shaffie Weru is set to fly to Somali. The Rush Hour presenter is scheduled to leave on Tuesday morning for Mogadishu where he will pay a visit to several clinics and schools.
Kenya wary of being seen as an occupying force in Somalia port
-
Reuters
10/5/2012 5:31 PM EST
KISMAYU, Somalia, Oct 5 (Reuters) - From the rooftop of Kismayu's rundown port, Kenyan troops scoured the waters across to the southern Somali city, part of an operation to flush out rebel remnants after al Qaeda-backed militants fled last week from their last major stronghold.
Kenya races to strengthen formal trade ties with Somalia
-
Africa Review
10/5/2012 5:30 PM EST
Kenya is stepping up plans to open a new trade corridor to post-war Somalia, braving the dark clouds hanging over the stability of the neighbouring state from remnants of Al-Shabaab militia.
Woes may continue, but Somalia progressing
-
UPI
10/5/2012 5:26 PM EST
NAIROBI, Kenya, Oct. 5 (UPI) -- While struggles in Somalia may continue, the country has moved from transition to transformation, the U.N. special envoy said from Nairobi.
In Somaliland, queuing for cash
-
Oxfam America
10/5/2012 5:25 PM EST
Knowing that a $60 transfer had arrived for me I took my place behind a long procession of Somalilanders eager to collect funds that their relatives, friends and broader kin had sent from other countries.
Somali forces arrest 100 al-Shabab suspects in Kismayo
-
Press TV
10/5/2012 7:46 AM EST
“Those suspects were detained from different sectors of the town and they are now in custody,” said General Ismael Sahardid, Somalia’s army commander in the southern region of Lower Juba, on Wednesday.
AU troops struggle to secure Somali city
-
Al Jazeera
10/5/2012 7:45 AM EST
Peacekeepers face hurdles, including explosive devices left behind by rebel group al-Shabab.
‘Mr President, I am still alive’
-
AFP
10/5/2012 7:44 AM EST
A French secret agent held hostage in Somalia urged President Francois Hollande to negotiate his release in a video shot by his Islamist militia captors, a US monitoring group said on Thursday.
Relative pleads for abducted seamen in Somalia
-
Korea Times
10/5/2012 7:41 AM EST
The son-in-law of one of four Korean seamen kept hostage by Somali pirates last year pleaded with the government, Friday, to take urgent measures to secure the freedom of the hostages.