Wednesday, May 22, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 30, 2012
Qoysaska barakaca ku jooga duleedka Degmada Baladweyne oo sheegay in laga been abuurto Gargaarka la siiyo
Talaado, Oktoobar 30, 2012 (HOL) — Iyadoo maalmihii  ugu danbeeyayba gargaar kala duwan la siinayay dadkii dhawaan ka barakacay fatahaadii ku dhufatay qeybo ka mid ah magaalada Baladweyne, ayaa dhinaca kale waxaa jira cabasho dadka ay ka muujinayaan hay’addaha qaarkood oo ay sheegeen in ay ka been abuurtaan kaalamada la siiyo dadka barakacayaasha ah.

Dad ka kooban qeybaha kala duwan ee bulshada kana mid ah qoysaska ku nool deegaannka Ceel-jaale ee duleedka magaalada Baladweyne, ayaa sheegay in ay aad ula yaabeen sida ay hadalka u dhigeen war laga baahiyay warbaahinta gudaha oo ay hay’adda Save The Childaren UK ku sheegtay in ay u qeybisay barakacayaasha gargaar ka kooban xoolo iyo lacag.

"Waa waxba kama jiraan arintaa iyada ah, waxaan u baahannahay in ay hay’addu cadeyso halka ay gargaarkaasi geysay ama ku bixisay, annaga wax nala soo gaarsiiyay ma jiraan," ayay sheegeen waxgarad u hadllay qoysaska barakacayaasha ah.

Mar ay soo hadal qaadeen gargaarka ilaa iyo waqtiga ay heleen waxaa ay sheegeen in kaalmo kala duwan ay ka soo gaartay hay’adda ICRC, Jaaliyado dibada ah, iyo shirkadaha ka howlgala gobollka qaarkood.

Saraakiisha hay’addaha Save The Childarren wax war ah kama aysan soo saarin eedeynta uga timid qoysaska barakacayaasha ah ee ku dhaqan deegaannka Ceel-jaale ee duleedka magaalada Baladweyne.

Sidoo kale waxaa jirta cabasho ay qoysaska qaarkood muujinayaan taasoo la xiriirta habka gargaarka loo qeybiyo, iyaga oo sheegay in ay kaalmada yar ee la hello ka faa’ideystaan hadba qoysaska ay is bar-garanayaan cid markaa gargaarkaasi bixineysa, iyaga oo ka dalbaday maamulka gobollka in uu arintaa soo faragaliyo.

Cabashada ka soo yeertay qoysaska barakacayaasha ayaa imaneysa xili wali magaalada Baladweyna ay ka da’ayaan roobabkii waqtiga deyrta, kuwaasoo soo xumeynaya rajadii ay in badan oo ka mid ah qoysaskaasi ka qabeen in ay dib ugu laabtaan guryihiin ay ka barakaceen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Baladweyne, Soomaaliya




Post your comments

10/31/2012 2:53 PM EST
Arboco, Oktoobar 31, 2012 (HOL) - Xaflad taageero ah oo lagu soo dhoweynayo doowlada cusub ee u dhalatey dalka Soomaliya ayaa lagu qabtey magaalada Seattle ee Gobolka Washington.

10/30/2012 11:18 AM EST
Talaado, Oktoober, 30, 2012 (HOL)-Kullankii loo qabtay saxaafadda ee lagaga hadlayey Xeerka anshaxa saxaafadda wakhtiga doorashooyinku socdaan, ayaa lagu soo gabogabeeyey magaaladda Hargeysa.

10/30/2012 8:51 AM EST
Talaado, Oktoobar 30, 2012 (HOL) — Komishanka Doorashooyinka Somaliland,ayaa sheegay in wax khilaaf ahi ka jirin guddidooda dhexdoodda, isla markaana dhinaca iskaga leexiyey eedihii ay shirkadaha daabacaaddu usoo jeediyeen guddida doorashooyinka.

10/30/2012 8:03 AM EST
Talaado, Oktoobar 30, 2012 (HOL) — Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Uganda ayaa ka dalbaday dowladdoda inay ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya laga soo saaro, iyadoo laga jawaabayo eedeyn ay Qaramada Midoobay soo jeedisay oo ku saabsan in Uganda ay taageerto jabhad ka dagaalanta bariga dalka DR Congo.

10/30/2012 6:59 AM EST
Talaado, Oktoobar 30, 2012 (HOL) — Hal qof ayaa ku dhintay laba kalena dhaawac ayaa kasoo gaaray rasaas uu askari ka tirsan ciidamada booliiska Soomaaliya ku furay barqonimadii maanta gaari kuwa rakaabka qaada ah oo marayay meel ku dhow isgoyska KM-4 ee magaalada Muqdisho.

10/30/2012 6:06 AM EST
Talaado, Oktoobar 30, 2012 (HOL) —Howlgallo ay saaka sameeyeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya ayay ku guuleeysteen in ay soo saraan Miinooyin dhowr ah oo lagu aasay qaar kamid ah wadooyinka dhexmara magaalada Kismaayo.

10/30/2012 4:12 AM EST
Talaado, Oktoobar 30, 2012 (HOL) — Dowladda wadanka Kenya ayaa ugu baaqday Dowladda Ereteria in ay taageerto Nabadda Geeska Afrika, kadib kulan ay isugu yimaadeen madaxweeynaha dalka Kenya iyo safiirka dowladda Ereteria u fadhiya dalka Kenya Beyene Russom.

10/30/2012 3:42 AM EST
Talaado, Oktoobar 30, 2012 (HOL) — Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ayaa xabsi ku xukuntay eedeysanayaan la sheegay inay ka tirsanaayeen Xarakada Al-shabaab kuwaasoo ay howgallo kusoo qabqabteen ciidamada ammaanka Soomaaliya, iyadoo sii daysay kuwo kale oo eedeymihii loo haystay lagu waayay.

10/30/2012 3:35 AM EST
Talaado, Oktoobar 30, 2012 (HOL) — Dabley hubeysan ayaa siyaabo kala duwan xalay ugu dilay degmooyinka Wardhiigley iyo Waaberi ee gobolka Banaadir laba qof oo mid ay ahayd haweeney iyo abwaan ka tirsanaa idaacadda Kulmiye oo ka mid ah idaacadaha ka howlgala Muqdisho.