Sunday, May 19, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 30, 2012
Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ee Dowladda Soomaaliya oo Xukunno ku Ridday Eedeysanayaal

Talaado, Oktoobar 30, 2012 (HOL) — Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ayaa xabsi ku xukuntay eedeysanayaan la sheegay inay ka tirsanaayeen Xarakada Al-shabaab kuwaasoo ay howgallo kusoo qabqabteen ciidamada ammaanka Soomaaliya, iyadoo sii daysay kuwo kale oo eedeymihii loo haystay lagu waayay.

Xukunkan maxkamadeed oo ka dhacay xabsiga dhexe ee Muqdisho (Gaalshire) ayaa waxaa maxkamadda lagu horkeenay sagaal eedeysane oo muddo ku xirnaa xabsiga dhexe loona haystay inay ka tirsanaayeen
Xarakada Al-shabaab.

Garsoorihii maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada Soomaaliya ayaa markii uu dhageystay dacwooyinka lagu soo oogay eedeysanayaashan wuxuu ku dhawaaqay xukunka maxkamadda isagoo sheegay in afar eedeysane oo ka mid ahaa kuwii lagu soo oogay dambiyada lagu helay dambiyadii ayna maxkamaddu ku xukuntay min shan sanadood oo xabsi ciidan ah.

Eedeysanayaasha ay maxkamadda ciidamadu xukuntay oo da'doodu ka hosaysay 25-sano ayaa waxay magacyadoodu kala yihiin:

1. Ducaale Bashiir Cabdi
2. Xuseen Axmed Xasan
3. Maxamed-deeq Mukhtaar Ibraahim
4. Bashiir Cusmaan Maxamuud

Sidoo kale, garsooruhu wuxuu sheegay in shan ka mid ah eedeysanayaashii lasoo eedeeyay lagu waayay dambiyadii loo haystay sidaa daraadeedna ya maxkamaddu sii daysay, kuwaasoo uu ku jiray wiil aan weli qaan-gaarin, waxayna magacyadoodu kala yihiin:

1. Cismaan Muuse Maxamed
2. Cabdulfataax Maxamuud Maxamed
3. Cabdulqaaliq Cabdulqaadir Cabdiraxmaan
4. Buufeey Cali Xasan
5. Maxamed Abshir Weheliye

Xukunkan ay ridday maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay oo ay maxkamaddu riddo tan iyo markii ay Soomaaliya ka baxday xilliga KMG ah oo laba bilood laga joogo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya





Post your comments

10/31/2012 2:53 PM EST
Arboco, Oktoobar 31, 2012 (HOL) - Xaflad taageero ah oo lagu soo dhoweynayo doowlada cusub ee u dhalatey dalka Soomaliya ayaa lagu qabtey magaalada Seattle ee Gobolka Washington.

10/30/2012 11:18 AM EST
Talaado, Oktoober, 30, 2012 (HOL)-Kullankii loo qabtay saxaafadda ee lagaga hadlayey Xeerka anshaxa saxaafadda wakhtiga doorashooyinku socdaan, ayaa lagu soo gabogabeeyey magaaladda Hargeysa.

10/30/2012 8:51 AM EST
Talaado, Oktoobar 30, 2012 (HOL) — Komishanka Doorashooyinka Somaliland,ayaa sheegay in wax khilaaf ahi ka jirin guddidooda dhexdoodda, isla markaana dhinaca iskaga leexiyey eedihii ay shirkadaha daabacaaddu usoo jeediyeen guddida doorashooyinka.

10/30/2012 8:03 AM EST
Talaado, Oktoobar 30, 2012 (HOL) — Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Uganda ayaa ka dalbaday dowladdoda inay ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya laga soo saaro, iyadoo laga jawaabayo eedeyn ay Qaramada Midoobay soo jeedisay oo ku saabsan in Uganda ay taageerto jabhad ka dagaalanta bariga dalka DR Congo.

10/30/2012 8:01 AM EST
Talaado, Oktoobar 30, 2012 (HOL) — Iyadoo maalmihii ugu danbeeyayba gargaar kala duwan la siinayay dadkii dhawaan ka barakacay fatahaadii ku dhufatay qeybo ka mid ah magaalada Baladweyne, ayaa dhinaca kale waxaa jira cabasho dadka ay ka muujinayaan hay’addaha qaarkood oo ay sheegeen in ay ka been abuurtaan kaalamada la siiyo dadka barakacayaasha ah.

10/30/2012 6:59 AM EST
Talaado, Oktoobar 30, 2012 (HOL) — Hal qof ayaa ku dhintay laba kalena dhaawac ayaa kasoo gaaray rasaas uu askari ka tirsan ciidamada booliiska Soomaaliya ku furay barqonimadii maanta gaari kuwa rakaabka qaada ah oo marayay meel ku dhow isgoyska KM-4 ee magaalada Muqdisho.

10/30/2012 6:06 AM EST
Talaado, Oktoobar 30, 2012 (HOL) —Howlgallo ay saaka sameeyeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya ayay ku guuleeysteen in ay soo saraan Miinooyin dhowr ah oo lagu aasay qaar kamid ah wadooyinka dhexmara magaalada Kismaayo.

10/30/2012 4:12 AM EST
Talaado, Oktoobar 30, 2012 (HOL) — Dowladda wadanka Kenya ayaa ugu baaqday Dowladda Ereteria in ay taageerto Nabadda Geeska Afrika, kadib kulan ay isugu yimaadeen madaxweeynaha dalka Kenya iyo safiirka dowladda Ereteria u fadhiya dalka Kenya Beyene Russom.

10/30/2012 3:35 AM EST
Talaado, Oktoobar 30, 2012 (HOL) — Dabley hubeysan ayaa siyaabo kala duwan xalay ugu dilay degmooyinka Wardhiigley iyo Waaberi ee gobolka Banaadir laba qof oo mid ay ahayd haweeney iyo abwaan ka tirsanaa idaacadda Kulmiye oo ka mid ah idaacadaha ka howlgala Muqdisho.