Wednesday, June 19, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 29, 2012
Hayadda HARO oo soo Gabagabeysay Barnaamij Hilbo qeybin ah oo ku Aaddan Ciidda oo ay ka fulirsay Muqdisho


Isniin, Oktoobar 29, 2012 (HOL) — Hayada samfalka ee Humanitarian African Relief Organization (HARO) oo gacan weyn ka geysatay taageerada dadka dhibaateysan ee ku nool Soomaaliya ayaa soo gabagabeeyesey barnaamij hilb-qeybin ah oo ku aaddan ciidul Adxa, waxayna kaamam ay ku jiraan dad curyaamiin ah ka qaybisay.

Kaamamka laga qaybiyay udxiyada ayaa waxaa ka mid ahaa xerooyinka Baadle, Asharaaf, Alla-Aaamin, Abaaleey iyo kaam ay ku jiraan dad Indhoolayaal ah, iyadoo howshan ay dusha ka eegayeen mas'uuliyiin ka tirsan hay'adda HARO qaybteeda Soomaaliya; kuwaasoo ay ka mid ahaayeen: Cabduqaadir Cabdiraxnamaan Khaliif, Bakar Xaaji Cumar iyo Cabdulaahi Shiikh Aadan Cabdulle.


 
Qoysaska masaakiinta ah ee loo qeybiyay udxiyada ayaa waxay tiradoodu ahayd 1500 oo qoys, waxaana loo qaybiyay hilbaha xoolo isugu jiray, geel, lo' iyo ari; iyadoo mas'uuliyiinta HARO ee goobjoogga ka ahaa qaybinta gargaarkan ayaa waxay dadka ku sheegeen in deeqdan ay soo dhiibeen walaalahooda ku nool waqooyiga Ameerika si ay ugu ciidaan walaalahooda ku nool Soomaaliya oo idinka ah.
 
Dadkii loo qaybiyay hilbaha ayaa uga mahad-celiyay dadkii soo dhiibey deeqaas udxiyada ah; iyagoo ugu duceeyay in mid ka khayr badan uu Alle ugu bedelo, iyagoo ka codsadeen hay'adda HARO inay halkaas kasii waddo taakuleynta dadka masaakiinta ah ee ku jira kaamamka ku yaalla Muqdisho.

Hayadda HARO oo xafiiskeeda ugu weyn uu ku yaallo dalka Mareykanka ayaa waxay si weyn uga dhex muuqatay hay'adaha caawinaya dadkii ay waxyeelleeyeen abaarihii ku dhuftay gobollada Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya sannadkii hore.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya





Post your comments

10/29/2012 12:04 PM EST
Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxaa maanta si diiran loogu soo dhoweeyey Ra'iisul wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya, Prof. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas), iyadoo ay meel magaalada 20km ka baxsan kaga hortageen maamulka gobolka Bari,

10/29/2012 11:55 AM EST
Mas'uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Mudug ee Puntland ayaa maanta magaalada Gaalkacayo kusoo bandhigay lacag been abuur ah oo isugu jirtey Dollar iyo Shilin Soomaali.

10/29/2012 6:27 AM EST
Isniin, Oktoobar 29, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa ku hanjabtay inay ka gudaha dalka Kenya ka geysan doono qaraxyo aargudasho ah, iyadoo xustay inay go'aansatay in Kenya ay ka shalaydo go'aankii ay ku gaartay inay gudaha u soo gasho dalka Soomaaliya.

10/29/2012 4:13 AM EST
Isniin, Oktoobar 29, 2012 (HOL) — Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay inay soo gabgabeeyeen howlo lagu tirakoobayay isla markaana lagu diiwaan-gelinayay dadka ku nool shan degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir, sidoo kalena ay dhawaan billaabi doonaan tirakoobka iyo diiwaan-gelinta degmooyinka haray.

10/29/2012 4:12 AM EST
Isniin, Oktoobar 29, 2012 (HOL) — Ugu yaraan afar qaf oo dhinacyadii dagaalamay ka tirsan ayaa ku dhintay tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen dagaal ku dhexmaray xalay degmada Bardaale ee gobolka Bay xoogag taabacsan Al-shabaab iyo ilaalada guddoomiyaha degmadaas.

10/29/2012 3:54 AM EST
Isniin, Oktoobar 29, 2012 (HOL) —Danjiraha dowladda Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya Max’ed Cali Ameeriko ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ee u safra dalka Kenya ay qabaan dhibaatooyin, isagoona sheegay in diyaaradaha ka yimaada Soomaaliya la mariyo baaritanno xad dhaaf ah.

10/29/2012 3:25 AM EST
Isniin, Oktoobar 29, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Cismaan Jawaari ayaa sheegay in howlaha ugu badan ee baarlamaanku uu qaban doono afarta sano ee soo socota ay noqonayso la xisaabtanka xukuumadda.

10/29/2012 3:11 AM EST
Isniin, Oktoobar 29, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa sheegay in xoogagga Al-shabaab ay kusoo qulqulayaan deegaannada ay ka taliayaa kaddib markii looga adkaaday koonfurta Soomaaliya, isagoo intaas ku daray in maamulkiisu uu qorsheyanyo inuu wafdi u diro magaalada Kismaayo.

10/29/2012 3:02 AM EST
Isniin, Oktoobar 29, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab iyo dowladda Soomaaliya ayaa ka hadlay weerar gaadmo ah oo lagu dilay Jen. Maxamed Ibaahim Faarax (Goordan) oo ka mid ahaa saraakiisha dowladda ee hoggaaminaya dagaalka lagula jiro Al-shabaab kaasoo ka dhacay shalay gallinkii dambe inta u dhexeysa degmooyinka Afgooye iyo Marko ee gobolka Shabeellada Hoose.

10/29/2012 3:02 AM EST
Isniin, Oktoobar 29, 2012 (HOL) — Wariye Maxamed Maxamuud Tuur-yare oo kooxo hubeysani ay toddobaadkii hore ku dhaawaceen degmada Wadajir ee Muqdisho ayaa xalay dhaawacii soo gaaray awgiis ugu geeriyooday isbitaalka Madiina, halkaasoo maalmihii lasoo dhaafay lagu daweynayay.

10/29/2012 3:01 AM EST
Isniin, Oktoobar 29, 2012 (HOL) — Nabaddoon Maxamed Xaasan Xaad oo ka mid ah odayaasha dhaqanka Muqdisho ayaa ka digay tirada wasiirrada la doonayo in lasoo magacaabo oo uu ku sheegay sagaal wasiir, isagoo xusay in tani ay sababi karto in Somaalida ay iska horkeento.