Tuesday, May 21, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 28, 2012
Dhallinyarada Waddanka Ruwanda oo Ururiyay lacag gaaraysa 30-Milyan oo Faran si ay ugu Tageeraan Soomaaliya
Axad, Oktoobar 28, 2012 (HOL) — Dhallinyarada dalka Ruwanda ayaa olole ay ka sameeyeen dalkooda Jimcihii lasoo dhaafay ku ururiyay lacag gaaraysa 30-milyan oo Faranka dalkaas ah, taasoo ay ugu talo-galeen inay ku taageeraan Soomaaliya, sida uu sheegay safiirka Soomaaliya u fadhiya dalkaas, C/llaahi Sheekh Maxamed.

Ololahan oo ay iska kaashadeen ururka dhallinyarada Ruwanda iyo wasaaradda dhalliniyarada, warfaafinta iyo isgaarsiinta dalkaas ayaa danjiraha Soomaaliya ee dalkaas wuxuu ku ammaanay dhallinyarada fikirka ay lacagaha taageerada ah ugu ururiyeen Soomaaliya, taasoo uu sheegay inay qayb ka qaadan karto xoojinta xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Ruwanda.

"Tani waa fikirkii ugu horreeyay oo Soomaaliya loogu ururiyo dhaqaale taageero ah, waana qorshe ay dhallinyarada Ruwanda ku caawiyaan dhallihyarada Soomaaliyeed ee ragga iyo dumarka isugu jira sannado badan oo colaado ah kaddib," ayuu yiri danjiraha Soomaaliya u fadhiya Ruwanda.

Sidoo kale, danjiruhu wuxuu sheegay in Soomaaliya ay ka baranayso Ruwanda sidii ay ku xallisay dhibaatooyinkii soo maray, isagoo sheegay in taasi ay qayb ku yeelan karto sii socoshada xoojinta xiriirka labada dal.

"Markaan eegno wixii ka dhacay dalka Ruwanda sannadkii 1994-kii iyo heerka uu maanta marayo waxay nagu dhiirri-gelinaysaa inaan tusaale ka dhiganno si aan dalkeenna uga saarno dhibaatada. waana hubaa inaan maalin uun gaari doonno halkan oo kale," ayuu yiri dajire Cabdullaahi.

Dalka Ruwanda ayaa waxaa ka dhacay sannadihii sagaashameeyadii xasuuq ay ku dhinteen dad ka badan hal milyan qof, kuwaasoo ku saleysnaa hab qabiil, waxaana la sheegay in dagaalkaas ay kicisay mid ka mid ah idaacadihii dalkaas ka howgeli jiray xilligaas.

Wasiirka dhallinyarada, warfaafinta iyo isgaarsiinta dalka Ruwanda, Jean Philbert Nsengimana oo lagu wareejiyay lacagta la ururiyay ayaa sheegay inay ku caawin doonaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhalliniyarada, maadaama dalka uu kasoo kabanayo dagaallo sokeeye oo sannado badan socday.

"Tani waa billow - waanan sii wadi doonnaa inaan si wadajir ah u shaqeyno si loo xaqiijiyo in dalkeenna iyo qarankeenna uu bixiyo wixii laga sugayay," ayuu Nsengimana ku yiri hadal uu warbaahinta dalkaas siiyay.

Ololahan dhallinyarada Ruwanda ay ku ururiyeen dhaqaalaha ay Soomaaliya ku taageerayaan ayaa waxaa billaabay Emmanuel Hitimana oo bartiisa Facebook-ga ku shaaciyay in la ururiyo dhaqaale lagu caawiyo Soomaaliya, taasoo noqotay mid miro-dhashay.

"Colaadaha Soomaaliya oo dhaliyay inay boqollaal qof barakacaan kuwo kalena ay dhintaan waxay sababeen macluul, sidaa daraadeed waxa keliya ee ay doonayaan waa kaalmo," ayuu yiri Hitimana oo in ka badan 300 oo qof kula hadlayay bartiisa Facebook-ga, isagoo dowladdiisana ugu baaqay inay qaybteeda ka qaadato ururinta kaalmadaas.

Waa markii ugu horreysay oo Soomaaliya lacag looga ururiyo dalka Ruwanda oo ku socda jid horumarineed oo wanaagsan, kaddib dagaallo ay dad badan ku dhinteen oo dadlkaas ka dhacay sannadihii sagaashameeyadii, xilligaas oo ay Soomaaliya qudheedu ku jiray dagaallo sokeeye.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya




Post your comments

10/28/2012 2:54 PM EST
Axad, October,28 , 2012 (HOL)- Xisbiga UCID oo shirweynihiisii golaha dhexe ee maanta ku doortay musharaxa madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeenka u matali doona xisbiga UCID doorashadda madaxtinimo ee Somaliland.

10/28/2012 2:50 PM EST
Axad, October 28, 2012(HOL): Khasaare nafeed iyo mid maaliyadeed oo xooggan ayaa ka dhashay roobab mahiigaan ah oo ka da'ay deegaano badan oo ka tirsan gobollada Bari, Nugaal iyo Karkaar. Goobaha ugu daran ee ay roobabku waxyeelooyinka ka geysteenna waxaa kamid ah degmooyinka: Boosaaso, Qandala, Xaafuun, Dangorayo iyo Bayla.

10/28/2012 2:48 PM EST
Axad, October 28, 2012(HOL): Golaha wakiillada ee Puntland ayaa maanta isugu yimid kal-fadhigoodii 29-aad, waxaana furay madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) iyadoo ay sidoo kale munaasabadii furitaanka joogeen madaxweyne ku-xigeenka Gen. Cabdisamed Cali Shire iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada.

10/28/2012 11:04 AM EST
Axad, Oktoobar 28, 2012 (HOL) —Ilaa laba doomood oo ku xirnaa dakadda caalamiga ah ee magaalada Kismaayo islamarkaasina doonayay in ay daabulaan dhuxul ayaa dib u laabtay kadib markii maamulka KMG ee Dekedda Kismaayo uu mamnuucay dhoofinta dhuxusha.

10/28/2012 8:13 AM EST
Axad, Oktoobar 28, 2012 (HOL) — Kulan ay boqolaal haweenka Soomaaliyeed ka tirsan ay ku yeesheen Hoteelka Naasa-hablood II ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa loogu doortay guddoomiyaha ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed loogu doortay Batuulo Sheekh Axmed Gaballe oo xilligii dowladda hore ee Soomaaliya ururkan ka ahayd xubin buuxda.

10/28/2012 7:50 AM EST
Axad, Oktoobar 28, 2012 (HOL) — Wasiirka gaashaandhigga dalka Mareykanka, Lion Benita ayaa sheegay inay kordhinayaan ay sii laba jibaarayso weerarrada dhinaca cirka ah ee ay ka fulinayaan dalal ay ka mid tahay Soomaaliya.

10/28/2012 7:43 AM EST
Axad, Oktoobar 28, 2012 (HOL) — Waxaa maalinta barito ee isniinta ee bishan oktobar 29,keeda si rasmi ah u bilaabmi doonna ololaha xisbiyada ee tartanka doorashadda golaha Deegaanka Hargeysa, kaas oo noqon doonta mid xamaasadeeda leh, isla markaana dib u bilaabi doonta eedihii iyo dhaliilihii hawada la isku marin jiray si dadka loo kala kasbaddo, mid waliba iskaga dhigi lahaa kii dalka iyo dadkan wax u qabanayey.

10/28/2012 7:33 AM EST
Axad, Oktoobar 28, 2012 (HOL) — Booliiska Kenya ayaa sheegay inay maanta oo Axad ah ku toogteen laba ruux oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin kooxaha Islaamiyiinta ah ee rabshadaha kawada dalka Kenya.

10/28/2012 3:59 AM EST
Jaaliyadda Ogadenia ee dalkan Kenya ayaa maanta qabatay shir ay kaga hadlayeen wada hadaladii hakadka galey ee jabhadda ONLF iyo dowladda Ethiopia.

10/28/2012 2:18 AM EST
Axad, Oktoobar 28, 2012 (HOL) — Hoggaamiyaha dhaqdhaqaqa Raaskambooni oo qayb ka ahaa ciidamadii la wareegay Kismaayo todobaadyo ka hor, Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Sheekh Axmed Madoobe) ayaa sheegay in gobollada Jubbooyinka loo sameynayo maamul ka yimaada dadka shacabka ah oo ka hufan nin jeclaysi iyo qabyaalad.

10/28/2012 2:02 AM EST
Axad, Oktoobar 28, 2012 (HOL) — Taliska ciidanka booliiska gobolka Banaadir ayaa saakay oo Axad ah soo bandhigay maydka wiil dhallinyaro ah oo la toogtay, kaasoo ay sheegeen inuu xalay bam-gacmeed ku weeraray saldhig ay ciidanka booliisku ku leeyihiin xaafadda Towfiiq ee degmada Yaaqshiid.

10/28/2012 1:47 AM EST
Axad, Oktoobar 28, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) ayaa ku jira wadatashadiisii ugu dambeeyay ee uu kusoo magacaabayo golihiisa wasiirrada, inkastoo aan la ogeyn xilliga uu rasmi ahaan u soo magacaabayo.