Wednesday, May 22, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 28, 2012
Haweenka Soomaaliyeed qaybahooda kala duwan oo kulan ay Muqdisho ku yeesheen ku doortay Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka


Axad, Oktoobar 28, 2012 (HOL) — Kulan ay boqolaal haweenka Soomaaliyeed ka tirsan ay ku yeesheen Hoteelka Naasa-hablood II ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa loogu doortay guddoomiyaha ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed loogu doortay Batuulo Sheekh Axmed Gaballe oo xilligii dowladda hore ee Soomaaliya ururkan ka ahayd xubin buuxda.

Hadallo laga jeediyay kulanka ayaa lagu sheegay in haweenka Soomaaliyeed ay go'aansadeen inay dib u habeyn ku sameeyaan ururkan, kaddib guddoomiyihii hore ee ururka ay go'aansatay inay xilkaas iska casisho, kaddib dhaawac kasoo gaaray qaraxii bishii Abriil ee sannadkan ka dhacay golaha murtiyada iyo madadaallada Muqdisho.

"Walaasheen Batuulo Sheekh Axmed Gaballe ayaan u doorannay guddoomiyaha ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed, kaddib markii ay dhaawac awgiis xilka isaga dhiibtay guddoomiyihii hore ee ururka," ayay tiri Canab Xasan Cilmi oo ah ku xigeenka guddoomiyaha iyo sii haya xilka guddoomiyaha ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Canab waxay sheegtay in shirkan maanta la qabtay uu yahay mid horay looga soo tashaday, sidoo kalena ay ku doonayaan inay dib boorka uga jafaan ururka oo la dhisay markii ugu horreysay sannadkii 1977-kii.


Khadiijo Cosoble Cali oo iyaduna kulanka ka hadashay ayaa sheegtay inay aad u soo dhaweynayaan in Batuulo loo doorto guddoomiyaha ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed, iyadoo sheegtay in ururkaan uu yahay mid la shaqeyn doona guud ahaan ururrada haweenka ee dalka ka jira.

"Ururkan wuxuu ka shaqeynayaa danaha haweenka Soomaaliyeed oo dhan, wuxuu si dhow ula shaqeynayaa ururrada haweenka ee aan dowliga ahayn," ayay tiri Khaliijo Cosoble oo intaas k dartay in ururkan uusan ahayn mid dad gaar ah u xiran ee ay qayb ka yihiin haween-weynaha Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan.

Marow Khadiijo waxay sheegtay in sharciyada ururka gadaal laga dajin doono, balse hadda la isku raacay in guddoomiyaha ururka uu laba jeer isi sharraxi karo, iyadoo aan la sheegin xilliyada uu xilka hayn karo.

Xubnihii kale ee goobta ka hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa fanaannada caanka ee Soomaaliyeed, Seynab Xaaji Cali (Baxsan) iyadoo sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay in haween-weynaha Soomaaliyeed ay yeeshaan urur danahooda ka shaqeeya iyadoo dalbatay in howshan aan laga caajisin, haweenkana la gaarsiiiyo illaa heerka ugu sarreeya dalka.


Haween kale ee kulanka ka hadlay oo ay ka mid ahaayeen Faadumo Isaaq Biixi iyo Dahabo Sheekh Maxamuud oo iyaguna goobta ka hadlay ayaa sheegay in looga baahan yahay guddoomiyaha ururka iyo xubnaha kale ee la shaqeyn doona inay si wadajir ah ugu istaagaan daryeelka haweenka Soomaaliyeed oo dhibaatada ugu xooggan ay ku dhacday intii ay dagaallada sokeeye socdeen.

Kulanka ayaa waxaa soo xirtay guddoomiyaha la doortay, Batuulo Sheekh Axmed Gaballe iyadoo sheegtay inay codsanayso in mas'uuliyadda xoogga badan ee dusha laga saaray lala qaado, waxayna ballan ku qaaday inay har iyo habeen u istaagi doonto wax u qabashada haweenka Soomaaliyeed mee walba oo ay joogaan.

Intii uu kulanku socday ayaa waxaa lagu soo bandhigay heeso ka tarjumaya qiimaha ay hooyadu leedahay, iyadoo inta badan haweenkii kulankaas ka qaybgalay ay ku dhawaaqayeen erayo ay ku taageerayeen guddoomiyaha la doortay Batuulo Gaballe.








Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya





Post your comments

10/28/2012 2:54 PM EST
Axad, October,28 , 2012 (HOL)- Xisbiga UCID oo shirweynihiisii golaha dhexe ee maanta ku doortay musharaxa madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeenka u matali doona xisbiga UCID doorashadda madaxtinimo ee Somaliland.

10/28/2012 2:50 PM EST
Axad, October 28, 2012(HOL): Khasaare nafeed iyo mid maaliyadeed oo xooggan ayaa ka dhashay roobab mahiigaan ah oo ka da'ay deegaano badan oo ka tirsan gobollada Bari, Nugaal iyo Karkaar. Goobaha ugu daran ee ay roobabku waxyeelooyinka ka geysteenna waxaa kamid ah degmooyinka: Boosaaso, Qandala, Xaafuun, Dangorayo iyo Bayla.

10/28/2012 2:48 PM EST
Axad, October 28, 2012(HOL): Golaha wakiillada ee Puntland ayaa maanta isugu yimid kal-fadhigoodii 29-aad, waxaana furay madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) iyadoo ay sidoo kale munaasabadii furitaanka joogeen madaxweyne ku-xigeenka Gen. Cabdisamed Cali Shire iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada.

10/28/2012 11:04 AM EST
Axad, Oktoobar 28, 2012 (HOL) —Ilaa laba doomood oo ku xirnaa dakadda caalamiga ah ee magaalada Kismaayo islamarkaasina doonayay in ay daabulaan dhuxul ayaa dib u laabtay kadib markii maamulka KMG ee Dekedda Kismaayo uu mamnuucay dhoofinta dhuxusha.

10/28/2012 9:10 AM EST
Axad, Oktoobar 28, 2012 (HOL) — Dhallinyarada dalka Ruwanda ayaa olole ay ka sameeyeen dalkooda Jimcihii lasoo dhaafay ku ururiyay lacag gaaraysa 30-milyan oo Faranka dalkaas ah, taasoo ay ugu talo-galeen inay ku taageeraan Soomaaliya, sida uu sheegay safiirka Soomaaliya u fadhiya dalkaas, C/llaahi Sheekh Maxamed.

10/28/2012 7:50 AM EST
Axad, Oktoobar 28, 2012 (HOL) — Wasiirka gaashaandhigga dalka Mareykanka, Lion Benita ayaa sheegay inay kordhinayaan ay sii laba jibaarayso weerarrada dhinaca cirka ah ee ay ka fulinayaan dalal ay ka mid tahay Soomaaliya.

10/28/2012 7:43 AM EST
Axad, Oktoobar 28, 2012 (HOL) — Waxaa maalinta barito ee isniinta ee bishan oktobar 29,keeda si rasmi ah u bilaabmi doonna ololaha xisbiyada ee tartanka doorashadda golaha Deegaanka Hargeysa, kaas oo noqon doonta mid xamaasadeeda leh, isla markaana dib u bilaabi doonta eedihii iyo dhaliilihii hawada la isku marin jiray si dadka loo kala kasbaddo, mid waliba iskaga dhigi lahaa kii dalka iyo dadkan wax u qabanayey.

10/28/2012 7:33 AM EST
Axad, Oktoobar 28, 2012 (HOL) — Booliiska Kenya ayaa sheegay inay maanta oo Axad ah ku toogteen laba ruux oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin kooxaha Islaamiyiinta ah ee rabshadaha kawada dalka Kenya.

10/28/2012 3:59 AM EST
Jaaliyadda Ogadenia ee dalkan Kenya ayaa maanta qabatay shir ay kaga hadlayeen wada hadaladii hakadka galey ee jabhadda ONLF iyo dowladda Ethiopia.

10/28/2012 2:18 AM EST
Axad, Oktoobar 28, 2012 (HOL) — Hoggaamiyaha dhaqdhaqaqa Raaskambooni oo qayb ka ahaa ciidamadii la wareegay Kismaayo todobaadyo ka hor, Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Sheekh Axmed Madoobe) ayaa sheegay in gobollada Jubbooyinka loo sameynayo maamul ka yimaada dadka shacabka ah oo ka hufan nin jeclaysi iyo qabyaalad.

10/28/2012 2:02 AM EST
Axad, Oktoobar 28, 2012 (HOL) — Taliska ciidanka booliiska gobolka Banaadir ayaa saakay oo Axad ah soo bandhigay maydka wiil dhallinyaro ah oo la toogtay, kaasoo ay sheegeen inuu xalay bam-gacmeed ku weeraray saldhig ay ciidanka booliisku ku leeyihiin xaafadda Towfiiq ee degmada Yaaqshiid.

10/28/2012 1:47 AM EST
Axad, Oktoobar 28, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) ayaa ku jira wadatashadiisii ugu dambeeyay ee uu kusoo magacaabayo golihiisa wasiirrada, inkastoo aan la ogeyn xilliga uu rasmi ahaan u soo magacaabayo.