Sunday, May 19, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 27, 2012
Waddada isku xirta Gobollada Puntland oo ay roobab xooggani waxyeello u geysteen (DAAWO SAWIRRO)


Sabti, Oktoobar 27, 2012 (HOL) - Roobabkii Dayrta ayaa si weyn uga curtay deegaanno badan oo ka tirsan gobollada Bari, Karkaar iyo Nugaal ee Puntland. Roobka  ugu badan oo da’ay maalinnimadii shalay, waxaa goobaha uu sida fiican ugu hooray kamid ah magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari oo iyadu muddo sanad ah aan wax roob ahi arkin.

Inkasta oo ay hogasha da’day ahayd mid ay dadku si wanaagsan ugu diirsadeen, waxay hadana waxyeelo kasoo gaartey jidka laamiga ah ee isku xira magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho.

Biyo badan oo kasoo rogmadey togagga yar yare ee ka samaysma buuraha iyo dooxooyinka uu jidku dhex maro ayaa sababay in wadadu ay meelo badan ka go’do, dhaq dhaqaaqa gaadiidkuna uu meelaha qaar muddo saacado ah hakad galo.

Buundooyinka yar yar ee wadada hoosteeda mara in badan oo kamid ah ayey biyihu dibadda soo dhigeen, waxaana adag in ay gaadiidku si fudud uga gudbaan.

Inkasta oo aan weli wax dayactir ah lagu sameyn, waxaa hadana socota qiimeyn ay waddo hay’adda jidadka Puntland PHA, kuna aadan sidii loo ogaan a baaaxadda khasaaraha.

Dhowr mar oo hore ayey sidan oo kale biyaha roobku u waxyeeleeyeen jidka magaalada Boosaaso gala, oo isagu halbowle u ah isusocodka dadka iyo ganacsiga ee guud ahaan dalka.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
xaajidirir@hiiraan.com
Puntland, Soomaaliya





Post your comments

10/27/2012 8:05 AM EST
Sabti, Oktoobar 27, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan oo aan la garaneynin ayaa lagu waramayaa inay ku dileen galinkii danbe ee maalintii shalay sadax ruux oo rayid ah deegaan lagu magacaabo Oomane oo ka tirsan degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

10/27/2012 7:20 AM EST
Sabti, Oktoobar 27, 2012 (HOL) — Dhallinyaradda magaalada Hargeysa ayaa ilaa maalintii Ciidda iyo maalinta labaad ee ciidda safar dalxiis ah uga baxay magaaladda, iyagoo intooda badan dalxis ahaan u tagaan magaalo xabeedka Berbera ilaa Buurta Sheekh oo ah meel dalxiiska iyo in sawiro lagu galo ku fiican, halka qaarkoodna u baxaan dhinaca galbeed Magaalada Gabiley ilaa Boorame.

10/27/2012 6:25 AM EST
Sabti, Oktoobar 27, 2012 (HOL) — Qarax xooggan oo loo adeegsaday Miinooyinka nooca dhulka lagu aaso ayaa maanta ka dhacay afaafka hore ee xarunta degmada Kismaayo, wuxuuna qaraxaasi sababay khasaarooyinka soo gaaray ciidamada dowladda iyo dad rayid ah.

10/27/2012 6:14 AM EST
Sabti, Oktoobar, 27, 2012 (HOL) – Shirkada xawaalada Amaana oo maalmihii ugu danbeeyayba siweyn ugu howlaneyd sidii loo caawin lahaa qoysaska dhibaateysan ee ku nool magaalada Baladweyne, ayaa munaasabada ciidul-adxa awgeed kaalmo balaaran gaarsiisay qoysas isugu jiray kuwo ay samaayeen fatahaadii dhawaan ku dhuftay magaalada Baladweyne iyo qaar kale oo ay la soo darseen daruufo dhinaca nolasha ah.

10/27/2012 4:32 AM EST
Sabti, Oktoobar, 27, 2012 (HOL) -Shacabka ku dhaqan xaafadda Islii (Eastleigh) ee magaalada Nairobi ayaa ka cabanaya Tuugo xilliyada habeenkii ah dhac u geysta dadka, kuwaasoo ka qaata teleefonnada gacanta iyo waxyaalaha ay wataan.

10/27/2012 4:01 AM EST
Sabti, Oktoobar 27, 2012 (HOL) — Shacabka ku nool degmada Marko ee gobolka Shabeellada hoose ayaa sheegay inay dhac iyo dhibaateyn kala duwan kala kulmaan ciidamada dowladda Soomaaliya ee halkaas ku sugan.

10/27/2012 3:47 AM EST
Sabti, Oktoobar, 27, 2012 (HOL) -Hogaamiyaha ugu sareeya ee Xarakada Al-shabaab Sheekh Mukhtaar C/raxmaan (Abuu Zubery) oo cajalad maqal ah soo saaray ayaa uga hadlay arimo dhowr ah oo ay kamid yihiin sida uu u arko dowladda cusub ee Soomaaliya iyo weliba dagaallada ay kaga soo horjeedaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

10/27/2012 3:36 AM EST
Sabti, Oktoobar 27, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in isbedel weyn lagu sameyn doono hay'adaha kala duwan ee dowladda si dib loogu soo celiyo dhismihii ama haykalkii dowladeed ee dalka.