Saturday, May 25, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 27, 2012
Shacabka Degmada Marko oo ka cabanaya dhibaatooyin ay sheegeen inay u geystaan ciidamada dowladda Soomaaliya
Sabti, Oktoobar 27, 2012 (HOL) — Shacabka ku nool degmada Marko ee gobolka Shabeellada hoose ayaa sheegay inay dhac iyo dhibaateyn kala duwan kala kulmaan ciidamada dowladda Soomaaliya ee halkaas ku sugan.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Marko ayaa sheegay in xilliyada habeenkii ah aan lagu dhex socon karin magaalada, sidoo kalena ay xiraan goobaha ganacsiga iyagoo ka baqdin qaba inay dhac u geystaan ciidamada dowladda.

"Dhibaatooyin badan ayaan kala kulannaa ciidamada dowladda, waayo ganacsiga oo dhan waa la xiraa markii uu gabbalku dhaco iyadoo laga baqdin qabo in dhac loo geysto, haweenkuna ma dhex socon karaan degmada iyagoo baqdin ka qaba in la kufsado," ayuu yiri Cali Muumin oo ka mid ah dadka ku nool degmada Marko.

Saraakiisha dowladda Soomaaliya iyo maamulka degmada Marko ayaa beeniyay inay jiraan dhibaatooyin ay ciidamada dowladdu u geystaan dadka shacabka ah, balse cabshada shacabka ee ku aaddan dhibaatooyinka ciidamadu geystaan ayaa ah kuwo aad u soo kordhaya.

"Ciidamadu dowladdu waxay dhawaan haweeney rayid ah ku kufsadeen xaafadda Buulo-jaan ee degmada Marko. Sidoo kale waxay dileen dhowr qof oo uu ku jiro nin madaxa looga jiro," ayuu yiri Muumin oo sheegay in kuwani ay qayb ka yihiin dhibaatooyinka ay ciidamada dowladdu ku hayaan shacabka degmadaas ku nool.

Ugu dambeyn, Muumin wuxuu sheegay in markii Al-shabaab ay ka talinaysay degmada ay qabeen nabad, balse ay jirtay cabsi ay ka qabeen in lagu eedeeyo inay la shaqeeyaan dowladda, taasoo sida la xusuusto dhowr qof ay Al-shabaab ugu dileen degmadaas iyo qaybaha kale ee gobolka Bay.

Degmada Marko oo 90-km dhinaca koonfureed kaga beegan Muqdisho ayaa waxay ka mid tahay degmooyinkii ugu dambeeyay ee Al-shabaab looga qabsado dagaalka ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM kula jiraan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya




Post your comments

10/27/2012 8:05 AM EST
Sabti, Oktoobar 27, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan oo aan la garaneynin ayaa lagu waramayaa inay ku dileen galinkii danbe ee maalintii shalay sadax ruux oo rayid ah deegaan lagu magacaabo Oomane oo ka tirsan degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

10/27/2012 7:20 AM EST
Sabti, Oktoobar 27, 2012 (HOL) — Dhallinyaradda magaalada Hargeysa ayaa ilaa maalintii Ciidda iyo maalinta labaad ee ciidda safar dalxiis ah uga baxay magaaladda, iyagoo intooda badan dalxis ahaan u tagaan magaalo xabeedka Berbera ilaa Buurta Sheekh oo ah meel dalxiiska iyo in sawiro lagu galo ku fiican, halka qaarkoodna u baxaan dhinaca galbeed Magaalada Gabiley ilaa Boorame.

10/27/2012 6:25 AM EST
Sabti, Oktoobar 27, 2012 (HOL) — Qarax xooggan oo loo adeegsaday Miinooyinka nooca dhulka lagu aaso ayaa maanta ka dhacay afaafka hore ee xarunta degmada Kismaayo, wuxuuna qaraxaasi sababay khasaarooyinka soo gaaray ciidamada dowladda iyo dad rayid ah.

10/27/2012 6:14 AM EST
Sabti, Oktoobar, 27, 2012 (HOL) – Shirkada xawaalada Amaana oo maalmihii ugu danbeeyayba siweyn ugu howlaneyd sidii loo caawin lahaa qoysaska dhibaateysan ee ku nool magaalada Baladweyne, ayaa munaasabada ciidul-adxa awgeed kaalmo balaaran gaarsiisay qoysas isugu jiray kuwo ay samaayeen fatahaadii dhawaan ku dhuftay magaalada Baladweyne iyo qaar kale oo ay la soo darseen daruufo dhinaca nolasha ah.

10/27/2012 4:32 AM EST
Sabti, Oktoobar, 27, 2012 (HOL) -Shacabka ku dhaqan xaafadda Islii (Eastleigh) ee magaalada Nairobi ayaa ka cabanaya Tuugo xilliyada habeenkii ah dhac u geysta dadka, kuwaasoo ka qaata teleefonnada gacanta iyo waxyaalaha ay wataan.

10/27/2012 4:18 AM EST
Sabti, Oktoobar 27, 2012 (HOL) - Roobabkii Dayrta ayaa si weyn uga curtay deegaanno badan oo ka tirsan gobollada Bari, Karkaar iyo Nugaal ee Puntland. Roobka ugu badan oo da’ay maalinnimadii shalay, waxaa goobaha uu sida fiican ugu hooray kamid ah magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari oo iyadu muddo sanad ah aan wax roob ahi arkin.

10/27/2012 3:47 AM EST
Sabti, Oktoobar, 27, 2012 (HOL) -Hogaamiyaha ugu sareeya ee Xarakada Al-shabaab Sheekh Mukhtaar C/raxmaan (Abuu Zubery) oo cajalad maqal ah soo saaray ayaa uga hadlay arimo dhowr ah oo ay kamid yihiin sida uu u arko dowladda cusub ee Soomaaliya iyo weliba dagaallada ay kaga soo horjeedaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

10/27/2012 3:36 AM EST
Sabti, Oktoobar 27, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in isbedel weyn lagu sameyn doono hay'adaha kala duwan ee dowladda si dib loogu soo celiyo dhismihii ama haykalkii dowladeed ee dalka.