Wednesday, May 22, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 26, 2012
Madaxda Dowladda oo hadallo ka jeediyay munaasabadda Ciidda oo Muqdisho lagu qabtay (SAWIRRO IYO COD)


Jimco, October 26, 2012(HOL): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saaka xarunta Madaxtooyadda marti qaad manaasabadda ciida darteed ah ugu sameeyey Masuuliyiinta Dowladdda federaalka Soomaaliya iyo marti sharaf kale.

 

Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlmaanka, iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa hadallo kooban ka jeediyey goobta, marka hore waxaa hadallo kooban jeediyey  Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya  Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo hambalyo kaddib umadda Soomaaliyeed u rajeeyey in ciiddaan ciiddeeda ku gaarto Ammaan,  Barwaaqo iyo Baraare “ Waxaan Allaah ka rajeeynayaa Dowladda iyo dadka oo isku duuban in ciiddaan ciiddeeda ku gaaraan farxad  iyo wanaag” ayuu yiri Ra’iisul Wasaraha Soomaaliya.

 

Halkan ka dhegeyso Khudbadaha
Madaxda Dowladda Soomaaliya

 

Guddoomiyaha Baarlmaanka Maxamed Cusmaan Jawaari oo isna ka hadlay goobta ayaa u duceeyey umadda Soomaaliyeed  isagoona Xildhibaanadda Baarlamaanka ka codsaday in ay dhexgalaan shacabka si ay uga warqabaan xaaladda ay ku sugan yihiin.

 


Ugu dambeeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda  Fedraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo kaddib waxa uu farriin u gudbiyay dhammaan masuuliyiinta Dowladda isagoona ugu baaq in  masuulyiinta ay  la yimaadaan wax ka duwan wixii hore.

 

“Maanta farriinta aan rabo in aan idinla wadaago waxa ay tahay, waqtigaan aan  isku dayno wixii hore wax ka duwan in aanu la nimaado, wixii hore ee noo shaqeeyn waayey in aanu ku noqono haddane oo aanu ka rajeeyno in ay noo shaqeeyaan yeeynan dhicin, aan  isku dayno wax aanan horay isugu dayin’ ayuu yiri Madaxweynahu.









 

 





Post your comments

10/26/2012 8:05 AM EST
Jimco, October 26, 2012(HOL): Magaalada Eskilstuna ee Gobolka Sörmaland eedalka Sweden ayaa maanta si weyn looga xusay munaasabadda Ciidul-Adxa, iyadoo dadka Muslimiinta ah ee magaalada ku noolna ay meel ku wada tukadeen salaadda.

10/26/2012 7:01 AM EST
Jimco, Oktoobar, 26, 2012 (HOL) -Muslimiinta ku dhaqan magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa maanta siweyn ugu dabaaldegay munaasabadda Ciidda Barakeysan ee Ciidul Adxa , iyadoona la arkayay kumannaan dadweeyne ah oo saladda ciidda ku oogaya fagaareyaal kala duwan.

10/26/2012 6:03 AM EST
Jimco, October, 26, 2012 (HOL)- Guud ahaan gobolada Somaliland, ayaa maanta si weyn loogu soo baxay munaasibadda Ciidal Adxa awgeed oo muslimimiintu si weyn u weyneeyaan, isla markaana salaala si balaaadhan loo oogo.

10/26/2012 5:50 AM EST
Jimco, Oktoobar, 26, 2012 (HOL) -- Guud ahaan marka la eego dunida muslimka maanta waxaa si isku mid ah looga dabaal-dagayaa munaasabada Ciidul-adxaa, gaar ahaan dalka Soomaaliya gobollada dalka ay ka socdaan fantisyo kala duwan oo loo dhigay maalinta weyn ee Ciidda.

10/26/2012 5:43 AM EST
Dadweynaha ku nool magaalada Muqdisho ayaa si weyn u ciidaya maanta oo ay tahay maalintii koowaad ee Ciidul Adxa oo ka mid ah labada ciidood ee ay dadka muslimiinta ah ciidaan halkii sanaba, iyadoo madaxda dowladda Soomaaliya ay hambalyo ciiddan ku aaddan u direen shacabka Soomaaliyeed mee walba oo uu joogo.

10/26/2012 4:26 AM EST
Jimco, Oktoobar 26, 2012 (HOL) — Diyaarado dagaal ayaa hakad ka geliyay dadka ku nool degmada Baardheere ee gobolka Gedo inay saakay tukadayaan salaaddii Ciidul Adxa, kaddib markii ay cabsi lasoo daristay dadka ku nool degmadaas oo ay ka taliso Al-shabaab.

10/26/2012 4:12 AM EST
Jimco, Oktoobar 26, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay Xarakada Al-shabaab inay hubka dhigaan ayna ka qayb-qaataan dib u soo celinta nabadda Soomaaliya, isagoo sheegay inaan dagaal wax faa'iido ah lagu gaarayn.

10/26/2012 3:32 AM EST
Jimco, Oktoobar 26, 2012 (HOL) — Magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika ayaa si weyn loogu soo baxay salaadda ciidda iyadoo muslimiin aad u fara badan ay buux dhaafiyeen barxadaha lagu dukado salaadaha ciidda ee ku kala yaalla gudaha iyo duleedada magaalada.

10/26/2012 3:21 AM EST
Jimco, Oktoobar 26, 2012 (HOL) — Ciidanka Milatariga Somaliland, ayaa hawlgalo ay sameeyeen deegaanka galbeedka Somaliland ku soo qabqabtay dad ka baayac mushtareeya tahriibiinta dadka, kuwaas oo isku xidhnaa ilaa magaalada Muqdisho, oo dadka tahriibaya soo anbabixiye, ahaydna sil silid dheer oo magalooyinka la marayo dadka soo dhaafiya, waxaana la sheegay in bilihii u dambeeyey si xawli ah ay u isticmaalaan dadka tabriibka ahi jidka Lawyo-cado una gudba xaga Jabuuti.