Sunday, May 19, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 26, 2012
Guud ahaan gobolladda Somaliland oo maanta si weyn looga Ciidday iyo madaxweynaha oo farriin u diray dadweynaha


Jimco, October, 26, 2012 (HOL)- Guud ahaan gobolada Somaliland, ayaa  maanta si weyn loogu soo baxay munaasibadda Ciidal Adxa awgeed oo muslimimiintu si weyn u weyneeyaan, isla markaana salaala si balaaadhan loo oogo.

 

Dadweynaha magaalada Hargeysa  oo maalmihii u dambeeyey si weyn looga dareemayey soo dhoweynta maalinta oo caruurta iyo guryaha alaabooyin cusub loo iibinayey, ayaa saaka u dareeray salaadii ciida, waxaana garoomadda waaweyn iyo dhulka banaan iskugu soo baxay kumanaan kun oo dadweyne rag iyo dumar, caruur iyo ciraale iskugu jiray, kuwaas oo wajiyadooda ka daramaysay sida ay ugu faraxsan yihiin, isla markaaana qof waliba qofka ka soo hor baxay ku odhanayey ciid mubaarak.

 

Madaxweynaha Somaliland Md:Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo, ayaa isna saaka kala qaybgalay dadweynaha magaalada Hargeysa, waxaanu salaada ku tukaday masjid jaamaca weyn ee magaaladda Hargeysa, waxaanu halkaasi hadal kooban oo uu ka jeediyey dadweynaha ugu hambalyeeyey munaasibada ciida.

 


 
“Anigoo magaca qaranka Somaliland ku hadlaya waxaan leeyahay ciid wanaagsan, ilaahay waxaan ka baryeyaa in sanadkan sanadkiisa inagu gaadhsiiyo bash bash iyo barwaaqo, caalamka islaamkana waxaan u rajaynayaa wanaag iyo sharaf”ayuu yidhi madaxweynaha Somaliland oo khudbad kooban ka jeediyey masjidka, waxaanu intaas ku daray “waxaan ummadda Somaliland ugu baaqaya meel ay joogaanba in aynu ilaashano qaranimadeena, wada jirkeena iyo midnimadeena, waxa jira dad badan oo dhibaato ku haya xasiloonnida iyo deganaashaha dalkeenna, waxaa qudha ee aynu kaga baxsan karnaa waa midnimo iyo wada jir weeyi”.

 

Madaxweynuhu mar uu dadweynaha iyo saxaafadda la hadlayey waxa uu yidhi “waxaan dadweynaha Somaliland yar iyo weyn oo ay saxaafaduna ku jirto inay dadka reer somaliland wanaag iyo midnimadooda u hor kacaan, kuna guubaabiyaan oo dadka iyo dawladoodda aan xumaan iyo naxli la kala dhex dhigin ayaan ka codsanayaa”ayuu hadalkiisa ku soo xidhay.

 


Madaxweynuhu markii uu salaada ka yimid waxa uu booqday xarunta agoomaha ee magaaladda Hargeysa oo caruurtii Agoomaha soo salaamay ka dib waxa uu ku soo noqday qasriga madaxtooyada oo dadweyne badan oo soo booqday uu madaxweynuhu qaabilay, kuwaas oo u badnaa madax dhaqameedka iyo masuuliyiinta xukuumadda ka tirsan.

 

Dhinaca kale, inkastoo xaga tukaamaysiga ciida soonfur ka dhaqdhaaq badan tahay Ciiddan, hadana waxa ilaa shalay si weyn loo soo iibsanayey oo suuqeedu xaami ahaa xoolihii la qalanayey, maadaama oo ciidani tahay tii xoolaha la qalayey, taas oo keentay in  Sayladda magaalada Hargeysa xoolo la kala waayo, iyadoo qiimaha neefka adhigi gaadhay shalay in la kala siisto ilaa $120 dollar ilaa 130 dollar neefkii, taas oo noqonaysa halkii ugu saraysay ee uu gaadho, iyadoo Saylada Hargeysi markii horaba ka qaalisanayd Sayladaha dalka ee kale.

 


Sidoo kale, waxa salaaddii subax ilaa barqadii da’ayey roob shuux ah oo aan badnayn, balse dhulkii qaboojiyey, isla markana waxa cirka shaqlanaa ama qariyey daruuro, iyadoo mar walba la filan karo inuu roob weyni Da’o.













 

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online

barkhadladiif@hiiraan.com

Hargeysa, Somaliland





Post your comments

10/26/2012 8:05 AM EST
Jimco, October 26, 2012(HOL): Magaalada Eskilstuna ee Gobolka Sörmaland eedalka Sweden ayaa maanta si weyn looga xusay munaasabadda Ciidul-Adxa, iyadoo dadka Muslimiinta ah ee magaalada ku noolna ay meel ku wada tukadeen salaadda.

10/26/2012 7:26 AM EST
Jimco, October 26, 2012(HOL): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saaka xarunta Madaxtooyadda marti qaad manaasabadda ciida darteed ah ugu sameeyey Masuuliyiinta Dowladdda federaalka Soomaaliya iyo marti sharaf kale.

10/26/2012 7:01 AM EST
Jimco, Oktoobar, 26, 2012 (HOL) -Muslimiinta ku dhaqan magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa maanta siweyn ugu dabaaldegay munaasabadda Ciidda Barakeysan ee Ciidul Adxa , iyadoona la arkayay kumannaan dadweeyne ah oo saladda ciidda ku oogaya fagaareyaal kala duwan.

10/26/2012 5:50 AM EST
Jimco, Oktoobar, 26, 2012 (HOL) -- Guud ahaan marka la eego dunida muslimka maanta waxaa si isku mid ah looga dabaal-dagayaa munaasabada Ciidul-adxaa, gaar ahaan dalka Soomaaliya gobollada dalka ay ka socdaan fantisyo kala duwan oo loo dhigay maalinta weyn ee Ciidda.

10/26/2012 5:43 AM EST
Dadweynaha ku nool magaalada Muqdisho ayaa si weyn u ciidaya maanta oo ay tahay maalintii koowaad ee Ciidul Adxa oo ka mid ah labada ciidood ee ay dadka muslimiinta ah ciidaan halkii sanaba, iyadoo madaxda dowladda Soomaaliya ay hambalyo ciiddan ku aaddan u direen shacabka Soomaaliyeed mee walba oo uu joogo.

10/26/2012 4:26 AM EST
Jimco, Oktoobar 26, 2012 (HOL) — Diyaarado dagaal ayaa hakad ka geliyay dadka ku nool degmada Baardheere ee gobolka Gedo inay saakay tukadayaan salaaddii Ciidul Adxa, kaddib markii ay cabsi lasoo daristay dadka ku nool degmadaas oo ay ka taliso Al-shabaab.

10/26/2012 4:12 AM EST
Jimco, Oktoobar 26, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay Xarakada Al-shabaab inay hubka dhigaan ayna ka qayb-qaataan dib u soo celinta nabadda Soomaaliya, isagoo sheegay inaan dagaal wax faa'iido ah lagu gaarayn.

10/26/2012 3:32 AM EST
Jimco, Oktoobar 26, 2012 (HOL) — Magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika ayaa si weyn loogu soo baxay salaadda ciidda iyadoo muslimiin aad u fara badan ay buux dhaafiyeen barxadaha lagu dukado salaadaha ciidda ee ku kala yaalla gudaha iyo duleedada magaalada.

10/26/2012 3:21 AM EST
Jimco, Oktoobar 26, 2012 (HOL) — Ciidanka Milatariga Somaliland, ayaa hawlgalo ay sameeyeen deegaanka galbeedka Somaliland ku soo qabqabtay dad ka baayac mushtareeya tahriibiinta dadka, kuwaas oo isku xidhnaa ilaa magaalada Muqdisho, oo dadka tahriibaya soo anbabixiye, ahaydna sil silid dheer oo magalooyinka la marayo dadka soo dhaafiya, waxaana la sheegay in bilihii u dambeeyey si xawli ah ay u isticmaalaan dadka tabriibka ahi jidka Lawyo-cado una gudba xaga Jabuuti.