Monday, May 20, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 26, 2012
Magaalada Baladweyne oo maanta si ka duwan sidii hore looga maamusay munaasabada Ciida


Jimco, Oktoobar, 26, 2012 (HOL) -- Guud ahaan marka la eego dunida muslimka maanta waxaa si isku mid ah looga dabaal-dagayaa munaasabada Ciidul-adxaa, gaar ahaan dalka Soomaaliya gobollada dalka ay ka socdaan fantisyo kala duwan oo loo dhigay maalinta weyn ee Ciidda.

 

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan waxaa munaasabada Ciida waxaa ay ku soo beegantay xili marxalad adag ay ku jiraan dadka ku dhaqan oo dhawaan fatahaad uu sameeyay wabiga shabeelle ku qasbay kumanaan qoysas ah in ay dibada uga baxaan guriyihii ay xaafaddihii ay ku noolaayeen, taasoo keentay in damaashaadka maanta uu noqdo mid wax xoogaa ka hooseeya kuwii looga bartay shacabka magaalada.

.

Laakiin taa badalkeeda waxaa lagu qabtay xarunta ciidamada midowgga Africa ee AMISOM ay ku leeyihiin duleedka magaalada Baladweyne munaasabad loogu talagalay maalinta Ciida oo ay soo qaban qaabiyeen saraakiisha ciidamada Jabuuti.

 


Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobollka Hiiraan, saraakiisha ciidamada maamulka, odayaal dhaqameed, iyo marti sharaf kale ayaa goob joog ka ahaa munaasabada ay soo qaban qaabiyeen Saraakiisha Jabuuti oo aheyd mid leysku dhaafsanayay hanbalyo oo kaliya, waxaana hadalo kala duwan halkaa ka jeediyay mas’uuliyiintii goob joog aheyd.

 

Saraakiisha ciidamada Jabuuti ayaa sheegay in siweyn ugu faraxsan yihiin in ay maanta oo kale la qeybsadaan shacabka ku dhaqan magaalada Baladweyne munaasabada Ciidul-adxaa, iyaga oo sheegay in guud ahaan bulshada Soomaaliyeed u rajeynayaan nabad iyo hormar.

 

Saraakiisha maamulka gobollka Hiiraan oo iyaguna ka hadllay munaasabada waxaa ay uga mahad celiyeen saraakiisha Jabuuti munaasabada quruxda badan oo ay soo qaban qaabiyeen, iyaga oo sheegay in sidoo kale ay farxad u tahay fantisyaha ay la qeybsanayaan ciidamada soo gurmaday walaalaha ah waa sida ay hadalka u dhigeen mas’uuliyiinta.

 


Munaasabada markii ay soo dhammaatay ayeey ciidamada dowladda Jabuuti waxaa ay soo bandhigeen cayaaraha hidaha ay dhaqanka oo ay ku weyneynayaan Ciida,iyaga oo ku dhawaaqayay erayo ay ku amaanayaan shacabka Soomaaliyeed, Allana uga barayayaan in uu soo celiyo nabadii lagu yaqiinay.

 

Guud ahaan marka leysku soo duubo waxaa la oran karaa maanta sida looga maamuusay munaasabada Ciida magaalada Baladweyne waa mid ka duwan kuwii sinadihii hore, maadama ay ku soo beegantay xili ay dadka la darseen daruufo adag oo dhinaca nolasha ah.






 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Baladweyne, Soomaaliya.





Post your comments

10/26/2012 8:05 AM EST
Jimco, October 26, 2012(HOL): Magaalada Eskilstuna ee Gobolka Sörmaland eedalka Sweden ayaa maanta si weyn looga xusay munaasabadda Ciidul-Adxa, iyadoo dadka Muslimiinta ah ee magaalada ku noolna ay meel ku wada tukadeen salaadda.

10/26/2012 7:26 AM EST
Jimco, October 26, 2012(HOL): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saaka xarunta Madaxtooyadda marti qaad manaasabadda ciida darteed ah ugu sameeyey Masuuliyiinta Dowladdda federaalka Soomaaliya iyo marti sharaf kale.

10/26/2012 7:01 AM EST
Jimco, Oktoobar, 26, 2012 (HOL) -Muslimiinta ku dhaqan magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa maanta siweyn ugu dabaaldegay munaasabadda Ciidda Barakeysan ee Ciidul Adxa , iyadoona la arkayay kumannaan dadweeyne ah oo saladda ciidda ku oogaya fagaareyaal kala duwan.

10/26/2012 6:03 AM EST
Jimco, October, 26, 2012 (HOL)- Guud ahaan gobolada Somaliland, ayaa maanta si weyn loogu soo baxay munaasibadda Ciidal Adxa awgeed oo muslimimiintu si weyn u weyneeyaan, isla markaana salaala si balaaadhan loo oogo.

10/26/2012 5:43 AM EST
Dadweynaha ku nool magaalada Muqdisho ayaa si weyn u ciidaya maanta oo ay tahay maalintii koowaad ee Ciidul Adxa oo ka mid ah labada ciidood ee ay dadka muslimiinta ah ciidaan halkii sanaba, iyadoo madaxda dowladda Soomaaliya ay hambalyo ciiddan ku aaddan u direen shacabka Soomaaliyeed mee walba oo uu joogo.

10/26/2012 4:26 AM EST
Jimco, Oktoobar 26, 2012 (HOL) — Diyaarado dagaal ayaa hakad ka geliyay dadka ku nool degmada Baardheere ee gobolka Gedo inay saakay tukadayaan salaaddii Ciidul Adxa, kaddib markii ay cabsi lasoo daristay dadka ku nool degmadaas oo ay ka taliso Al-shabaab.

10/26/2012 4:12 AM EST
Jimco, Oktoobar 26, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay Xarakada Al-shabaab inay hubka dhigaan ayna ka qayb-qaataan dib u soo celinta nabadda Soomaaliya, isagoo sheegay inaan dagaal wax faa'iido ah lagu gaarayn.

10/26/2012 3:32 AM EST
Jimco, Oktoobar 26, 2012 (HOL) — Magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika ayaa si weyn loogu soo baxay salaadda ciidda iyadoo muslimiin aad u fara badan ay buux dhaafiyeen barxadaha lagu dukado salaadaha ciidda ee ku kala yaalla gudaha iyo duleedada magaalada.

10/26/2012 3:21 AM EST
Jimco, Oktoobar 26, 2012 (HOL) — Ciidanka Milatariga Somaliland, ayaa hawlgalo ay sameeyeen deegaanka galbeedka Somaliland ku soo qabqabtay dad ka baayac mushtareeya tahriibiinta dadka, kuwaas oo isku xidhnaa ilaa magaalada Muqdisho, oo dadka tahriibaya soo anbabixiye, ahaydna sil silid dheer oo magalooyinka la marayo dadka soo dhaafiya, waxaana la sheegay in bilihii u dambeeyey si xawli ah ay u isticmaalaan dadka tabriibka ahi jidka Lawyo-cado una gudba xaga Jabuuti.