Tuesday, June 18, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 25, 2012
Golaha Guurtidda oo xog warran la yeeshay dalladda SONSAF oo ay ku bahoobeen ururrada aan dawliga ahayn


 
Khamiis, October,25, 2012 (HOL)- Guddi hoosaadka golaha Guurtidda ee arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, ayaa shir ay albaabadu u xidhan yihiin la yeeshay daladda dawliga ahayn ee SONSAF, kuwaas oo warbixin ka siiyey waxay shacabka u qabtaan iyo hawlaha ay ka shaqeeyaan.

 

Shirkaasi ayaa markii ay dhamaysteen waxay uga xog waramay warbaahinta Gudoomiyaha Gudida Siyaasada Arrimaha dibada iyo xidhiidhka iskaashiga caalamigaa ee golaha guurtida Somaliland Md:Sahal Iidle Dirir oo ka hadlayey ujeedada kulankan, waxaanu sheegay inuu ahaa kulan xog waraysi ah oo ay isku xog waraysanayeen Gudida siyaasada arimaha dibada iyo xidhiidhka iskaashiga caalamiga ee golaha guurtida Somaliland iyo masuuliyiinta dallada SONSAF.

 

“waxanu la kulanay hay’adan maxaliga ah ee SONSAF oo kamida hay’adaha maxaliga ah ee Somaliland, markaa waxaanu kala qaadanay warbixin aad iyo aad u qiimo badan sida warbixintoodaba ku cadna waa dallad kulmisa ururada aan dawliga ahayn, waxaanay ka koobantahay shan waaxood oo aad u balaadhan, markaa runtii dee waxa layidhi marka war lahelaabaa talo lahelaaye, waxay nasiiyeen warbixin qiimo badan oo horumarka bulshada ah, waanu uga mahadnaqaynaa ajiibidda ay soo ajiibeen kulankayaga iyo warbixintaa aadka u qiimaha badan ee ay nasiiyeenba” Ayuu Yidhi Gudoomiyaha guddi hoosaadka golaha guurtidda Sahal Iidle Dirir.

 


 
“waxa noo yeedhay gudigan siyaasada arimaha dibada iyo xidhiidhka caalamiga ah ee golaha guurtida ah, waxaanay naga codsadeen hadaanu nahay isku xidhka ururada aan dawliga ahayn ee SONSAF inaanu warbixin iyo xog iswaraysi siino”ayuu yidhi Gudoomiyaha daladan Aadan Xaaji Cali, isagoo intaas ku daray inay ku faraxsan yihiin la kulanka ay la kulmeen golaha Guurtiida oo ah buu yidhi gole dastuuriya oo awood weyn uu dastuurku siiyey.

 

Aadan Xaaji Cali ayaa sheegay inay doorashada u tobabarayaan Wakiillo ama muraaqibiinta ay ku yeelan lahaayeen goobaha doorashooyinka ka dhacaan si ay u ogadaan qaabka ay doorashadu u dhacayso, waxaanu xusay in ilaa todoba boqol oo goob jooge ka noqon doona doorashooyinka ay tobabari doonaan, isla markaana qayb weyn kaga jiraan doorashooyinka ka dhici doona Somaliland.

 


Guddidan Arrimaha dibadda iyo xidhiidhka caalamiga ah ayaa maalmihii u dambeeyey kulamo la yeelanaysay masuuliyiin dawladda ka tirsan iyo kuwa aan dawliga ahayn.

 

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online 

barkhadladiif@hiiraan.com

Hargeysa, Somaliland





Post your comments

10/25/2012 4:09 PM EST
Khamiis , October, 25, 2012 (HOL)-Guddidda doorashooyinka Somaliland, ayaa maanta ku dhawaaqay jadwalka olola doorashooyinka Somaliland, iyagoo si rasmi ah u sheegay in bishan octobar 29 keeda bilaabmi doono ololaha doorashooyinka golaha deegaanka.

10/25/2012 11:26 AM EST
Khamiis, Oktoobar 25, 2012 (HOL) — Xoogagga Al-shabaab ee gacanta ku haya degmada Jamaame ee gobolka Jubada Hoose ayaa maanta xukun dhagax-ku-dil ah ku fuliyay gabar ay ku eedeeyeen inay gogol-dhaaf sameeysay iyadoo uu nin qabo, waxaana sidoo kale isla goobta lagu karbaashay ninkii la sheegay inay gogol-dhaafka la sameysay.

10/25/2012 8:42 AM EST
Khamiis, Oktoobar 25, 2012 (HOL) — Waxaa Arbacadii shalay lagu qabtay magaalada Muqdisho xaflad lagu furayay idaacad iyo telefishin u gaar ah waxbarashada oo lagu magacaabo Radio Iftin iyo Iftin TV. Idaacadda Iftin ayaa markii ugu horreysay hawada si ku-meel-gaar ah u soo gashay 10-kii July ee sanadkan si ay gacan uga geysato baahinta waxbarashada.

10/25/2012 8:27 AM EST
Khamiis, Oktoobar 25, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Prof Maxamed Cismaan Jawaari ayaa sheegay in shirkadaha shisheeye ee aan lasoo marin baarlamaanka aysan sharci ahayn howlaha ay dalka ka qabanayaan, isagoo ku baaqay in shirkadaha dalka ku sugan loosoo gudbiyo baarlamaanka.

10/25/2012 8:12 AM EST
Khamiis, Oktoobar 25, 2012 (HOL) — Abaanduulaha ciidamada milateriga Soomaaliya, Jen. C/kariin Yuusuf Aadan (Dhego-badan) ayaa ku eeedeeyay xoogagga Al-shabaab inay direyska ciidamada ku dhacaan dadka shacabka ah, isagoo shacabka uga digay inay iska hubiyaan kuwa wata direyska ciidamada.

10/25/2012 8:02 AM EST
Khamiis, Oktoobar 25, 2012 (HOL) — Dowladda Uganda ayaa ku hanjabtay inay dib u eegis ku sameynayso howgallada nabad ilaaliyeed ee ay ka waddo dalal ka tirsan qaaradda Afrika, kaddib markii Qaramada Midoobay ay ku eedeysay inay taageerto jabahadad M23 ee ka dagaalanta bariga DR Congo.

10/25/2012 3:55 AM EST
Khamiis, Oktoobar 25, 2012 (HOL) — Sannadkan ayaa wuxuu noqonayaa sannadkii ugu khatarta badnaa ee soo mara suxufiyiinta Soomaaliya, iyadoo la dilay tan billowgii sannadkan 16 wariye; kuwaasoo badankood lagu dilay magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

10/25/2012 3:27 AM EST
Khamiis, Oktoobar 25, 2012 (HOL) — In ka badan hal milyan iyo bar muslimiin ah ayaa sannadkan gudaha waajibaadka xajka, kuwaasoo maanta ku sugan dusha sare ee buurta Carrafa, halkaasoo ay ALLE ku baryayaan.

10/25/2012 3:09 AM EST
Khamiis, Oktoobar 25, 2012 (HOL) — Inta la ogyahay saddex burcadbadeed ah ayaa ku dhintay dagaal shalay kooxo burcadbadeed ah ku dhexmaray deegaanka Gawaan oo ka tirsan degmada Hobyo ee gobolka Mudug, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 10 kale.

10/25/2012 2:52 AM EST
Khamiis, Oktoobar 25, 2012 (HOL) — Sideed qof oo shacab ah ayaa ku dhintay in ka badan 12 ruux oo kalena way ku dhaawacmeen dagaal culus oo ciidamada dowladda Soomaaliya oo garabsanaya kuwa AMISOM iyo xoogagga Al-shabaab ku dhexmaray shalay oo Arbaco ahayd deegaanka Leego ee gobolka Shabeellada hoose.